Is-rasaasayn k a dhacday deegaaka Abeesalay ee Laascaanood

0
75

Abeesalay(Waahee) Is-rasaasay xoogan ayaa deegaaka Abeesalay ku dhex martay beelo wada dega kadib markii xal loo waayay khilaaf muddo ka taagaa dhul daaqsimeed ku yaala deegaankaas oo ay beel ka mid ah beelaha degta ay ku doonaysay I ay ka dhigto Tuulo deegaan noqota.

lasaSida uu ku soos waramayo wariye ku suga magaaladda Laascaanood is-rasaasaynta ayaa ahayd mid xoog badan hase yeeshee wax khasaare ah oo ka dhashay lagama soo waramin, waxaanay labada dhiacba keeneen ciidan beeloodyo hubaysan.

Maamulka Gobolka Sool oo hore deegaankaasi uga soo saaray go’aan aan la fulin ayaa saaka u gurmaday waxaanay kula dhex jiraan waan waan ay ku dalbanayaan in dagaalka la joojiyo.

Abeesalay ayaa u dhaxaysa Adhi-cadeeye iyo Laascaanood waana Dhul Dooxalay ah oo ku haboon daaqsinta, waxaanay beelaha degaa u badan yihiin Xoolo dhaqato.

Arrintan ayaa u baahan in xukuumadda Somaliland faragaliso intaanay xaaladu faraha ka bixin, waxaanay qaylo dhaamaha ka soo yeedhayaa ku baaqayaan in la kala dhex galo.