Golaha lagu dhawaaqay waa faras loogu soo joogo baabinta nidaamka iyo kala danbeynta reer Somaliland. Mustafe Cabdi Ciise “Shiine” freelance journalist

0
16

Dhismaha golaha ay ku dhawaaqeen Odayada ku godoomay masraxa siyaasada waxa uu i xasuusiyay golihii    ay horey ugu dhawaaqeen salaadiinta Somaliland xiligii uu dalka hogaaminayay Marxuum Maxamed Xaaji  Ibraahim Cigaal , taasi oo dhalisay muran dhinaca sharciga ah oo aakhirkiina ay xukuumaddu ku adkaysatay in aanu dalka ka samaysmi karin gole dhaafsiisan kuwa dastuuriga ah ee jira.

Rayalcaamka dadweynaha reer Somaliland ayaa indhawayd si weyn uga faaloonaayay mawduucan oo noqday mid ay dadka intiisa badani ka muujiyeen shaki, taasi oo ay mujtamaca reer Somaliland ee arrintan lafa guraayay u arkeen inuu yahay mid lagu wiiqaayo qaranimada iyo wadajirka bulshada reer Somaliland.

Dadka  ka doodayay  arrintan ayaa ku adkaydanaayay  in ay haboonayd in odayadan ku dhawaaqay golaha ay u ekeyd inay ku biiraan xisiyada dalka ee ah masraxyada sharciga ah ee lagu lafo guro waayaha siyaasadeed ee dalka ka  aloosan,halka ay waqtiga ku luminayaan gole aan sharcigu ogolayn.

Faaqidayaashani waxa ay intaasi ku darayaan in siyaasiyiinta arrintan la shir yimid aanay ahayn kuwo ku cusub  masraxa siyaasadeed ee Somaliland,  balse ay yihiin rag ka soo caal waayay kalsoonida ummadda oo ku guul daraystay in ay hogaaanka dalka ku gaadhaan codka shacabka ee  reer Somaliland kuwaasi oo haddana hadba geed isugu soo gudbaaya sidii ay meel dhexe uga soo boodi lahaayeen goobaha looga arrimiyo ummadda hore ay kalsoonida uga waayeen.

Waxa sidoo kale shacabka falanqeynayay mawduucan ay intaa raacinayeen in dabacsanaan iyo nugul ay ka arkeen xagga xukuummadda ay sababayso in ay ku dayaan shacabkan masaakiinta ah in ay hadba geed isugu soo toosiyaan kuna kacaan falal kala qaybinaaya bulshada, iyagoo kuwa doodan qabaa ay intaa ku darayaan in xukuumaddan wakhtiga gaabani u hadhsan yahay ay tahay haddii ay ka soo horjeedaan oo ay khaladaad ku kacday ay u diyaar garoobaan siduu ay shacaka uga raaridi lahaayeen inay ka codeeyaan,islamarkaana ay ka mid noqdaan mid ka mid ah xisbiyada sharciga ah ee jira, maadaama oonay jirin wado  kale oo ay ku soo geli karaan masraxa  siyaasadeed ee dalkan haddiina aanay u jeedin samaynta jabhad laali doonta distoorka iyo sharciga dalka u yaal.

dhinac   kale waxa iyagu jira dad ka fikir duwan kuwa aragtidaa hore qaba oo ay doodoodu ku salaysan tahay in raggani ay u badan yihiin rag dalkani iyo jiritaankiisu uu micno badan ugu fadhiyo oo u soo halgamay sidaa daraadeedna aan ka aamusi Karin halka ay wax marayaan.

Waxa dadka dooda danbe qabaa ay intaa ku darayaan in ay kelifayso raggani in ay ku dhawaaqaan golahani markii asxaabtii jirtay ay buuxin kari waayeen kaalintii mucaaridnimo, golayaashii qarankuna ay noqdeen kuwo fadhiid ah oo xitaa laf ahaantoodu ay sharci daro ku fadhiyaan.

Dhab-ahaantii waxa marka la isku soo xooriyo doodahan oo idil cadaan ah in dhaliil kasta oo jirta ay haboon tahay in la dhawro sharciyada ay ummaddani dhigatay oo aanay cidna ka weyneyn,taasi oo ah waxa keliya ee baajinaya in raggii ciidan beeleedyada buuraha la geli jiray ay maanta mar kale isku dayaan inkastoo ay hadba qori isku soo marinayaan shacabkan masaakiinta ah ee dhawr iyo labaatanka sanadood baadi goobka ugu jira ka mid noqoshada bulshada caalamka.

Si kastaba xaalku ha noqdee waa in aanay dawladu marnaba aqbalin urur siyaasadeed loogu magac daro “Gole” oo noqdav faras loogu soo joogsado sidii shacabkan dib loogu celin lahaa raadkii arooryo ee ay sagaashamaadkii soo qaadeen.