Garqaad (Gabay)

0
205

galayGabaygan garqaad waxa hal-abuuray C.rixiin Cali Ismaaciil, C.rixiin waa 16-jir ka damqaday af-legaadada ay madaxda qaranka iyo madaxda xisbiyada qaar isku marinayaan warbahinta.

C.rixiin, wuxuu tixdiisan gabayga ah ku cabirayaa garaadkiisa dhallinyarnimo isaga oo labada masuul mid walba wanaaggiisa sheegaya kadibna u gonda degaya waanadiisa iyo wax-sheegmadiisa; kuna soo gebgebaynaya in labada masuul is-cafiyaan fadliga bisha Rammadaan awgeed iyo in ay saamaxaaddu ka mid tahay tilmaamaha lagu yaqaan dadka gobka ah.

 

Indhawaydba maanso  maan soo gilgilin    garab naqeediiye

Hayeshee   gasiin  uma  noqon   gidii    wada gayaankeene

Golahayga  uun  baan  ka  helay  inaan  gabay u guuraaye

Gurxankayga  gaar kana   waxaan  uga  gabood  yeeshay

Gartan  aan u geed  dhigo   nafluhuu  Eebe   galadsiiyay

Guul  Eebaheenbaa  hayee  hadii  talo laysla garan waayay

Garaadkiisa  tuu ka helay  ninba  haduu gooni ula goosto

Geesihiisa  wixii  talo  gimgiman  haday  u guntami  weydo

Galaal-xoorka  sheekada  haduu  gelinba  cayn  yeesho

Dalka  hiil ka  galabsaday  haduu  godob u  soo jiido

Gu’ga  labadiisa  gelin  haduu  gobolba  meel aado

Xaajo loo gun dhigay  guul  haduu kala gamuun reebo

Geedi  waxaan  u nahay  inaan aqoonsi gaadhnaaye

Hadaynaan  ka gaasirin  xaajada  ooynaan ka geed yeelan

Gama  inaan ku goosanoo nabad ku  geernaano

Citiraafku inuu soo guntado waa  geed  aan bixin’e

 

Afartaa gudbaye sida  gud-gude   ma uga  gabood yeelay

Aan u soo gun daan-dego  gogol naqa  labada geesoodba

 

Xirsiyoow nin hawshiiisii  guutoo, geesiyaadtahaye

Nimaan waxba  geysanoo  lagu  gefaad  tahaye

Nin Ilaah guneeyaan  ka baqin  guul  dariyo hooge

Cadawguba  haduu kuu gabado  wuu ku galaaftaaye

Gidigood  hadii  laysu gole yeedho  oo layidhaa  sheega gudbintiina ?

Waa gelin dumay  inay  hal  soo gaasa bixiyaane

Waxaan  kuugu  galoolaynayaa  inaad  gooni  baar  tahaye

Giiryaalahaan  u garaabin  ruuxa  geesiga  ahe

Giddigood    wasiirrada  haddii  laysu gole yeedho

Lama  gebi   dhacleeyee  wuxuu  kaga gudboonaaday

Xaq markuu  go’naadee  nafluhu  geesta  kala  meero

Gashigoodu    markuu  gaamuree  gaydhku  qaban waayo

Inuu  soo  guddoon dhigo   xaajadii, geesna qabanweyda

Waa geddisoo Illaah baad dul sudhay, haybad gooniyahe

Gidigiin  giryaalkoow  mid aan  idin gudoonsiiyo

Runtii kii  gol-maalee   naflaha  xaqa u goobaaya

Gujo iyo  xumaan baad intaa, goob u marisaane

Dalka  kii ka  godob  gala ayaad garabka siisaanne

Eebow nimaan  waxba  geysan bay gocor ku sheegaane

Aadan kuugu  godol  reebayaa   xaajadan gebi dheere

Afartaa  gudbaye  mid  kale aan  soo   gadaal  celiyo

Runtaa  lama  gafaanee nin raga  bal aan  ganuuu siiyo

Xirsiyoow  mid baan  kugu   gelayaa  aad ku godobteene

Faysal  inaad  ka  gaartaan  gudida  ilama  gar roonayne

Abidkiiba  waa  lagu go’aa  ratiga   juuda  loo garane

Adna   ina Cali Waraaboow nin guunnaadtahoo, soo guyaal jiraye

Nin guula badan kulebaad ahayd, qaranka gaamuraye

Samir gaaraba kuu ekaa, inaad ka gaadhaaye

Amaantaada  gaara baad leedihiyo, guulo meel marahe

Anse midbaan  kugu galahayaa, oo gar kuu noqonin

Af-legaaddo waa geed xun iyo hadal garooceedde

Giririf  layn gabdhaa   lagu  ogaa  oo waa geddoodiiye

Xirsi inaad  u gudubtaa waa mid  aan  lagaa guddoomayne

Dib inaad u garataa  habboon, oo gobtii tahaye

Afartaa  gartii aan  naqiyo gogol dhigoodii  dheh

Xaqii  aan  ku gooyiyo  garamahiisii  dheh

Godol   la’aanta   xaajada   gol iyo  sheegeed dheh

Godboon kale na waa Eebbe iyo galadintiisii dheh

Af-gobaad si iyo saamaxuna, waa gob camalkeeda