Xubno ka soo Jeeda Beesha Gashaan-Buur A.Faarax Oo Burco Ku Qabtay Shir Jaraaiid Oo dhamaantood Sadex ganacsade Daaha Dabadiisa Ka Hagayeen

0
107

markii lagaga adkaaday qandaraaskii shirkada shidaalka bariga Somaliland oo diiday in dadkale oo sidooda oo kale ahi ay kaga guuleysteen ayaa kolba gidaar isku qaadaya, asx iyagoo isleh sidan ayey idiinku badinaysaa ama aydun wax ku helaysaan , kana baaqsaday in walalahood u hanayeen…

llahay ramadaanta haynagu anafaco , danbigeenana ha dhaafo , Ganacsatada Somaliland qaarkood oo dadkooda u kala qaybinaaya dano shaqsiyad u gaara bishaa barakeysan ee ramadaan ee la cibaadaysanayo ilaahay ha soo hadeeyo .

waxaan la soconay in xubnaha ka midda Cuqaasha, waxgaradka iyo aqoonyahanka Beesha Axmed Faarax Gaashaan-buur  ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen hudheelka Tawakal  magaalada Burco ,waxay ku canbareeyeen Baaq ay hore usoo saareen gudida Beelaha habarjelco kuwaas oo baaq ay ku taageersan yihiin, kuna metalaan Beelaha HJ ee hawlaha shidaal baadhista ku qabtay  magaalada Burco,

Ganacsadayaasha oo kal ah Jaamac X.Axmed Cabdi-qani Cawil Iyo Nuux Somaliland

waxay ka mid ahayeen dad ganacsato ah oo iska leh kaalmaha shidaalka iyo bakhaaro raashinka lagu iibiyo, isla-markaana si ku meel gaadha loo siiyey markii hore , inay waxii tasiilaada ee ay u baahanyihiin shirkadaha shidaalku ay bixiyaan , iyagoo arintaa muddo gaaban sameeyey , waxii dhacay kuma dheeran-maayo iminka , waxaana shirkadda iyo gudiga qandaraasyadu tartan ay qabatay ku guuleystay ganacsato kale taas oo ilaa waqtigaasi nimankani ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen siddii ay carqalad u abuuri-lahayeen hawsha ay wado shirkadda shidaalka,madaama ay toodii noqonweyday.

 

Hadaba sadexdan nin ee kor ku soo sheegnay ayaa abaabuley,maalgeliyeyna, gaadh-adagna ka hayay shir jaraaid oo xubno tiro yar odayaal isugu jiray oo ka midda jufadooda oo ka midda (Beesha Gashaanbuur Axmed Faarax) ka soo jeedaa ku qabteen Baar Towfiiq Shalay Barqadii., Shirkan jaraa’id oo ahaa mid buuq badani hadheeyay , markii la ogaaday ujeedda ka danbeysa , waxaa Hoolka shirarka Baar Towfiiq oo lagu qabanaayey isku-gacan-saaray abaabulyaasha iyo qaar ka midda dadkii la soo qalday.

 

Qaar ka mid ah dhalinyaradii hor tubnaa Hoolka shirka jaraaid lagu qabanaayey oo wax ka weydiiyay sababtay ku diidan yihiin shirkan jaraa’id , ayey dhalinyaradu ka bixiyeen jawaabo isku-mida oo nuxurkoodu ahaa in shirkan Jaraaid yahay mid lagu kala furfuraayo midnimada iyo danaha Ardaaga Beesha Hj iyo gaar ahaana Beesha GAF oo dano shaqsiya lagu raadinaayo laguna waxyeelaayo horumarka iyo waxqabadka xukuumada ee shidaal soo saarka.

 

Shirkaasi jaraai,d waxaa la waday abaabulkiisa, muddo todobaada ayaa ujeedadiisu tahay sidii ay umadda loogu qaldi-lahaa , laguna bixiyey sawir qaldan iyo in la garankaro in beesha ayna metelin beelaha Tobanka oday masaakiina oo aan la socon sababta ka danbaysa oo aan hunguri  cidna ku  metelin oo dhaameel loo daadshay ee habkii ay beeshu lahayd ka leexday, shaqo aan loo dirin dhex dabaashay.

 

Hadaba waxaan u sheegaynaa cid kasta oo ay khusayso in :-

1.      Beesha Gashaanbuur (GAF) Axmed Faarax Hore ayey tageero aan leexleex lahayn u siiyeen xukuumadda S/land  hawlaha shidaal baadhistaee ay wado.

2.      waxaanay beesha Axmed Faarax cod dheer ku  sheegaysaa inaanay xubnahaasi matalin,  isla markaana aaanay wax- tabasho ka tirsanayn saamiga ku aadan hawlaha shidaal baadhista, cidna ku  metelin oo dhaameel loo daadshay ee habkii ay beeshu lahayd ka leexday

3.      Waxaanu ka xunahay xiliga lagu soo beegay shirka jaraa’id  iyadoo la ogyahay in beeshu (Habarjeclo) waxii tabasho ku saabsan arimaha shidaal baadhista ay u gudbisay dawlada, si fiican laysugu afgartay waxii warxumo tashiila ee umadda ku dhexjireyna la soo afjaray, waxaanu cid walba u sheegaynaa in dalka la wada leeyahay. Tabashada ee loo gudbinay shirkada shidaalka iyo dawlada, waa arin dhmaaday oo si fiican laysugu afgartay..

4.      Beesha GAF markasta way soo dhaweynaysaa waxii horumar umadda u ah, siiba shirkadan ee degaanka ka baadhaysaa shidaalka waanu soo dhawaynaynaa, waxaanu leenahay dalka wax halaga soo saaaro,

5.      waa inaan dadka loo isticmaalin danaha gaarka ah magacyada qabaailada layska ilaaliyaa markey xumaan iyo kal-qaybin  sheegayaan, waayo waan ognahay qabiil waliba dad xun iyo dad wanaagsan ba waa ku jiraaoo umadda soo abaabushaa.

6.      Gudida  Habar jeclo ee lagu soo doortay waa guddi la mid ah gudiyada beelaha kale S/land oo address ama cinwaanka reerka loogu soo hagaago, xaqna waxay u leeyihiin inay ku metelaan beesha waxii horumara ee degaanka beesha ah, iyagaana hoos imanayaan waxii wada hadal iyo wada xaajood u baahan..

7.      Suldaanka GAF  iyo Maayarka Burco waa inay jawaab ka bixiyaan xubnahaasi ku gefay gudida beesha guud(HJ) iyo gaar ahaan (GAF), haddii ay dhici weydana waxaa idin saaran calamtul su,aal? Oo aad la fikirtihiin nimankaasi odayaasha ee la soo qalday.

Madaama Badhasaabku maalin ka-dib ugu yeedhay xafiiskiisa xubnahaasi la qalday, farayna inay raali-gelin ka bixiyaan falkaa ay ku kaceen.

8.       waa in reer waliba qofka iimaanka leh ee wanaagsan horta soo mariyo oo metelo ee laga tago hebel baa wax inaga celinaya oo bahala,waa in qanadaraaskii isaga loo soo celiyaa, haddii kale saami qeybsigu waa qaldanyahay.

9.      Haddii kolba koox yari magic beel aanay metelin dano khaasa loo adeegsado, waxay sababi kartaa burbur ku yimaada beesha habar jeclo , hadii kooxo ay shir jaraa’id qabtaan oo ay daba-hadlaan gudida beesha HJ afka beesha ay ku hadlaan, kuna canbaareyaan.

10. Xubnaha Ganacsatada ah waxay dib u dhac weyna u keenaan markasta deegaanka, isla markaana ku ciyaaraan qaab dhismeedkii dawlada ama deegaanka sida Burco ,Dhoqoshay iwm , waxaa haboon in laysla wada fahmo in danaystayaasha uu hunguri markasta hogaamiyo.

11. Arin dhamaatay ninka wax soo fadh-fadha oo dano khaasa xubo ku soo urursada oo soo taago oo warbaahinta kana sheego , waa ku khalad, nimankaas hadlayna beesha ayay khalad ka galeen.

12. kheyraadka wadanka waa loo wada si siman-yahay, dowlada ayaana ka masuula maamulideeda iyo ilaalinteeda  , waana in la ilaashadaa loona qaybsadaa si walaaltinmo iyo cadaalad ku jirto , oo koox dangaara wadata uu qof waliba arkaa , qof kastaa ogsoonadaa inuu isagu wax ku leeyahay nabadgelyadana sidaas oo kale loo wada ilaashadaa, wixii wax u dhimayana midnimo lagu wajahaa.

13. Dowladda waxaa waajib saran, in aan nin dan lihi loo joojin , raga hawlaha socda kolba xubno shir jaraaid qabanayaana waa in talaabo laga qadaa iyo In Tallaabo sharci ah Laga Qaado Cid Kasta oo Ka Hor-timaadda  horumarka Bulshadda S/land iyo waxii wanaaga ee umadda loo qabanayo.

Ugu dambeyn nimankaasi odayaasha ah ee aan kor ku soo sheegnay ka dib markii lagaga adkaaday qandaraaskii shirkada shidaalka bariga Somaliland oo diiday in dadkale oo sidooda oo kale ahi ay kaga adkaadeen ayaa kolba gidaar isku qaadaya , iyagoo isleh sidan ayey idiinku badinaysaa ama aydun wax ku helaysaan , kana baaqsaday in walalahood u hanayeen.

waa in si wada jir ah, aynu ula dagaalano dadka doonaya iney waxyeelo maal, ama naf ah u geystaan shacabkeena deegaanka, ama dano siyaasadeed oo ay iyagu wataan inagu kala qaybiyaan, si danahooda gaarka ah u gaadhaan, qabiileysigu waa cudur, waana wax jaahili ah oo laga tagey, ee miyeysan habooneyn ineynu isku qiimeyno nin walba waxqabadkiisa, iyo muxuu wanaag ah oo uu soo kordhiyey?, halkii aynu isku qiimeyn lahayn, ma ila beel baa, mise reer hebel ma yahay ah loola jeedo, haka raali noqdaan, xaqiiqdiina hada idiin sheegney, ee sidaas ula socda, oo naga caawiya sidii aynu deegaankeena ugu heli.

 

Waxaa qoray :-

Siciid Osman X.Xasan.

Saleban ahmed Geelle.

Guuleed Samatar Xuseen (ina Xuseen Dheere).

Faarax Dalmar Cali.

Burco/Somaliland.