xisbigii ucid miyuu xidhmay? halkeebay ka gacan haadiyeen faysal iyo cali guray

0
102
waagii beryaaba waayiisa leh, waxaadan filayn iyo falaadhiba way kaa nixiyaan, nin fudidi waa nin badhkiis, hubsiimo halbaa lasiistaa.
dhawrkaas maahmaahood markaan soo dhaafo, waxaan maanta saxaafada ka akhriyey faysal cali oo ahaa gudoomiya xisbigamucaaradka ah ee ucid oo ku biiray odayaal hawl gab ah oo samaystay gole ay kukulmaan oo nafta ugu sheegaan inay weli leeyihiin taageerayaal iyo cid dhegaysata kuwaas oo in tooda badan bulshadu ay ka dheregsan tahay xilkasnimadooda iyo xilkasnimo la’aan toodaba oo aanay u baahnayn in hada loo sharaxo waxa ay yihiin.
waxaase lasiiyaab lahaa caliguray soo dhoweeyey golahan uu gudoomiyahoodu ku biiray ee ay ugu magac dareen talo bixinta qaranka.
hadaba waxaa iswaydiin leh ucid miyey saaxada siyaasada ka baxday?
cali guray saaxiibkii faysal haduu qaldamay oo cimaamadii xisbiga ula galay niman bilaa camal ah isna miyuu ku raacay?
sualaalahaas waxaan u dhaafay shacab kayga qaaliga ah ee og nacabka iyo cawga dalkan.
kolley anigu ma taageeraayo xisbina umana hadlaayo xukuumada laysu bahaystay balse waa aragtidayda oo arintan lagu dhawaaqay u aragta kooxaysi iyo wax aan loo baahnayn oo sharciyan xaaraan ah.
kolley dadkeeni way u baahan yihiin cid caqli saliim ah haysa, cid si aqoon iyo lexejeclo leh wax u dhaliisha taasna waxaynu u leeenahay xisbiyo qaran laakiin looma baahna koox awelba waxa ay sheegaan aanay bulshada dhexdeeda saamayn ku lahayni inay soo yooyaatamaan.
waxa aan muran ku jirin raga qaarkiis inay qalbigooda ka buuxdo qabyaalad balse aanay u danaynayn qaran, waxaan maqlayseen dad waynow faysal oo leh, ”aniga wiil yar hargeysa ku yooyaatami mayno”
bal faysalow hargeysa sheegtee booramena ka waran, bal laascaanood ka waran, bal gebilay ka waran.
waxaan ksuoo koobayaa ninkii doonaaya inuu wax dhaliilo shaqsi ahaan waxa waa dhaliili karaa, waana soo jeedin karaa, laakiin looma baahna kooxaysi iyo wax aan loo baahnayn oo cilad hoose ku jirto.
waxaan kusoo koobayaa cida arintan ka jawaabideeda lihi waa inay talaabo aan xad gudub ahayn qaadaa oo ay ku dhaqantaa sharciga dalka lagu xukumo, waa in ragan maxkamad looga yeedhaa oo ay waraysi la yeelataa.
aadbaan u salaamayaa dhamaan akhriste yaasha iyo soo gudbiyeyaasha saxaafadaba mahadsanidiiin
wabilaahi tawfiiq
muuse cali nuur ammaan