XAWAALADDA DAHABSHIIL OO KA BADBAADAY XAYIRAAD UU BARCLAYS KU SOO ROGGAY XAWAALADAHA LACAGA KA DIRA DALKA INGIRISKA

0
86
dahabshiilHargeysa(Waaheen ) :-Baanka Barclays oo ah baan aad u wayn oo ku yaala dalka Ingiriska iyo meelo kale oo badan ayaa dhawaan goostay inuu xidhayo dhammaan akownada ay shirkadaha xawaaladaha diraa ku leeyihiin.  Wuxuu Barclays sidaa ku sheegay warqad uu bishii June u diray ilaa 250 shirkaddood oo ay ku jiraan xawaaladha Somaliya iyo Somaliland ka shaqeeyaa iyada oo uu ku wargelinayo inuu 10 bisha July xidhayo xisaabahaas oo dhan.
Maanta oo ay bisha July 10 tahay ayuu baankigaasi kaga dhabeeyey inuu xidho xisaabdkii xawaaladaha intoodii badnayd.  Hase yeeshee waxa badbaaday arrintaa shirkadda Dahabshiil ee ah ta maanta ugu wayn Somalia iyo Somaliland.  Siday noo sheegeen masuuliyeen baankiga ka tirsani, Dahabshiil iyo Barclays waxa u socda wada xaajood iyada oo Barclays sii wadi doono la macaamilka intay wadahadalaasi socdaan.
Go’aankan uu qaatay oo walaac geliyey bulshada aduunka ee isticmaala xawaaladaha ayaa waxa aad uga dhiidhiyay hayadaha Samafalka oo dodo farabadan la yeeshay madaxda baanka iyo dawladda Ingiriska.  In kasta oo Barclays yahay baan muhiim haddanna xawaaladaha waawayne waxay isticmaalaan baanan badan oo suuragelinaysa inay weli sii socoto shaqada lacag dirista iyo lacag qabashaduba.