Maraykanku oo maleegay afgembigii ka dhacay Masar

0
100

Qahira(Waaheen) Dowaladda Mareykanka oo u ololeysa Dimoqoraadiyada ayaa dhaqaale badan ku bixisay ridida xukuumadii madaxweyne Maxamed masMursi ee dalka Masar ee sida xorta ah ay u soo doorteen shacabka dalkaasi, iyadoo dhaqaalahii uu bixiyey uu siiyey siyaasiga Kiristanka ah ee Maxamed Al-baraadici iyo shirkadda badroolka dalkaasi Masar.

Dhaqaalahan badan ee uu bixiyey dalka Mareykanka ayaa loogu tala galay in shacabka lagu kiciyo si xukunka looga tuuro xukuumada Maxamed Mursi oo la odhan karo waa xukumadii ugu horeysay ee shacabku si xor ah usoo doorteen.

kharashka badan ee lagu bixiyay af-genbigii taladad lagaga tuuray xukuumadii shacabku doortay ee uu bixiyey dalka Mareykanka ayaa waxaa soo bandhigay barnaamij ku saabsan oo sir ah telefishinka Aljazeera qeybteeda Ingiriisida, iyadoo aad loola yaabay dhaqan xumada dowlada Mareykanka.

Falkan uu sameeyey Mareykanka ayaa wax u dhimeya sumcada uu ku leeahay wadamada soo koraya ee doonaya dimoqoradiyada, iyadoo dadku isweydinayaan waxa xiligan uu u burburiyey dalka Mareykanku dowlad si xor ah loo soo doortay, waxaana dad badan ay ku macneeyeen arintan Islaam naceybka dalka Mareykanka iyo inaanay dowladaha Afrika iyo kuwa carabtuwaligood helin  dowlad xor ah oo shacabku soo doortay, waxeyna dhaqanka xun ee uu sameeyey Mareykanka ku keentay dalka Masar dhibaato xoogan oo sababtay in leysku diro shacab walaalo ah iyadoo sumcadii uu lahaa Milatariga dalka Masar ay hoos u sii dhaceyso maalinba maalinta ka dambeysa.

Dhawaaqyadda ka soo baxaya Maraykanka ayaa cadaynaya faragalinta uu ku hayo Dalka Masar gaar ahaana Diyaaradaha dagaalka ee uu wakhtigan ugu deeqayo Milatariga talada af-ganbiyay iyo hadalka uu ku dalbanayo in aan la soo qaban saraakiisha sar sare ee Ikhwaanka oo ay Xeer ilaalinta amartay in la soo xidho, isagoo Maraykanku ka cabsi qaba in taasi sii kordhiso kacdoonka lagaga soo horjeedo Af-ganbigii uu sameeyay.