Diihaalka Tahriibka iyo Darxumada Faraha Yurub ee Dadka Qoxoootiga ah (Dublin). Q-3aad. Qalinkii: Mustafe Future

0
98

 Qaybtii labaad ee qormadan Waxaynu kaga Soo hadalnay Dhacdooyin kala duwan oo Goos goos ah iyada oo ay inoo sii socotay sheekaddii Cabdi Xasan Faarax uu kala soo kulmay Liibiya musaiyo Suudaan intii ku gudo jiray Tahriibka, waana tan ee ka bogo.


Ninkii magaalada na keenay ayaa isna nagu wareejiyay koox kale oo Maafiyo ah oo iyaguna ka ganacsada tahriibayaasha soo mara magaaladani waxaanay nagu xereeyeen guryo ay ugu talo galeen dadka tahriibka ah oo ay ku ciqaabaan si ay lacag madax furasho ah ubixiyaan, kuwaasi oo nagu garaacay biraha qasabadaha biyaha oo kale habeen ka dib waxay qof walba ka qaateen lacag dhan $800 oo ay ugu gudbiyaan Caasimada Dalkaasi ee Tripoli waxaanay si toos ah noo soo gaadhsiiyeen Xarunta Safaarada somalida ee Magaalada Tripoli.

Wakhtigaasi aanu soo gaadhnay Tripoli waxay ahayd wakhti Boolisku si xun u gaadhsanayeen mukhalasiinta somalida ah ee dadka doonyaha saara kuwaasi oo xataa guryaha somalidu ku jiraan habeenkii la baadho oo la xidho ciddii la qabto, waxaanu la kowsanay silic, waxaanu habeenkii seexan jirnay xabaalaha, maalintiina waxaanu ku dhuuman jirnay jidadka iyo meelaha qashinka laga guro annaga oo xidhan jirnay dharka shaqaalaha nadaafada si,aanu booliska uga badbaadno, muddo laba bilood ah markaan dhibkaasi ku jiray ayaa waxaanu maqalnay, in ay jirto doon si tuugo ah uu ku diray nin carab ahi taasi oo dad u qaaday wadanka talyaaniga, iyada oo aanay muddo wax doon ahi bixin oo dadka wax dira oo dhani xadhig ka cabsi qabaan, iyada oo ay jiraan dad badan oo la dhacay, lana wada kala aamin baxay, waxaanu u tagnay wiil Somali ah oo heshiis la soo galay ninka carabka ah ee doonta diray, waxaana la xereeyay dad gaadhaya 100 qof oo aan ka mid ahaa, 15 cisho markii aanu ku jirnay guri uu leeyahay ninka carabka ahi ayaa la qabtay seddex nin oo Somali ah oo kusoo socday guri aanu ku xeraysnayn, ka dibna jeelka ugu xun dalkaasi ee lagu magacaabo Siliton ayaa la geeyay, jeelkaasi oo sida lagu galaa fududahay laakiin sida lagaga soo baxaa adagtahay, seddexdii nin ayaa waxaa lagu ciqaabay jeelkii waxaana koronto lagaga qabtay xiniinyaha waxaanay qasab ku sheegeen cidda ay ku socdeen ee doonta raraysay iyo dadka la socday, markay arintu halkaa marayso ayaa Nin Askari ah oo ka mid ah dadka la shaqaysta ninkan carabka ah oo sheekada ogaa ayaa maqlay warka ay sheegeen nimankaasi, waxaanu badalay barnaamijkiisii lagu rarayay dadkan waxaana si degdeg loo diyaariyay dadkii xeraysnaa saqdhexe, xeebta ayaala geeyay ka dibna iyada oo la sugayo in doonta la raaco ayuunbaanu mar kaliya arki waynay nimankii na waday, cabaar ka dibna ciidan baa na soo weeraray iyaga oo kaashanaya dadkii xaafada deganaa oo gacan ka siiyay in la na qabqabto oo si arxan darro ah la noo garaaco ka dibna waxaa lanagu xidhay jeelkii waynee ee Siliton.

Jeelka siliton waa jeel Wayn oo loogu talo galay dadka doonyaha laga soo qabqabto iyo tahriibka oo kaliya, waana jeel Ciqaabeed ay ku nafwaayeen kumanaan kun Tahriibiyaal ah, kumanaan kun kalena ku indho beeleen, Gidaarada jeelka waxaa la mariyay Ranji Cad Qolalka lagu Xidhay Khashaafado Waawayn oo ah nooca loogu Talo galay jidadka kuwaasi oo Kulka ka soo baxayaa jidhkaaga gubayo, marka ay isku kaa qabtaa Gidaarka cad iyo Iftiinka Laambadahaasi waxaa laga yaabaa in aad waxba arki waydo marka aad ka soo baxdo, hurdona hadalkeedaba daa iyada.

Jeelka waxaanu ugu tagnay Dad jidhkoodu googo,ay, dad xiniinyuhu googo’ay, dad finanka wajiga ka soo baxay gacantaada leegyihiin, darxumada iyo dulinka dhex yaala meesha ayaad moodaa Goob xayawaan cadhoobay lagu soo xereeyay, Waxaa nagu yaala Dhaawacyo Ciidanka iyo dadkii xaafadu na soo gaadhsiiyeen, kuwaasi oo xataa aan la na waydiin waxa aanu qabno, Dadka oo naburadu ku yaalaan oo dheecaanku ka da’ayo ayaa loogu darayaa in la garaaco marka uu dhibkiisa sheegto, waxaa lagu siinayaa cunto laga buuxiyay Basbaas cas oo suugo looga dhigo, ma jiro qof xanuunsanaya oo laga saaro jeelkaasi illaa inta uu dhimanayo, ciidanka ayaa kuu sheegaya in aad albaabka ku garaaci karto uun marka uu qof dhinto, habeen kasta waxaa la keenayaa boqolaal qof oo cusub, qolka loogu talo galay 30 qof waxaa lagu xeraynayaa 250 qof oo mararka qaarkood neeftu dirqi kaaga soo baxayso, adiga oo dheecaanku meel walba kaa da,ayo, ka dib marka aad ku cadayooto injirta iyo dulinka ka dhashay nadaafad darrada jeelkan loogu talo galay in dadka lagu ciqaabo.

Ma jirto cid og meel aan ku xidhanahay oo xaafadayadii u sheegta xaalada aan ku suganahay, in aan noolahay iyo in baddu I liqdayba, muddo sanad ah markii aan ku jiray halkaasi ee aan ku noolahay nolol geeridu rajo dhaanto ayaa waxaa la badalay safiirkii somaliya u fadhiyay liibiya oo somalida lacag kaga sii dayn jiray jeelasha, waxaana la soo magacaabay mid cusub kaasi oo u dacwooday wiil naga mid ahaa oo nagula jiray jeelka oo xaafadoodu ogayd isla markaana lala soo xidhiidhsiiyay safiirka, kaasi oo loo soo jaray warqad dib ucelin wadankiisii ah (Go home) oo lagaga codsanayo xabsiga libiya in ay ku sii daayaan wiilkaasi, arintaasi oo markii lagu guulaystay ka dib ana shinbir ii noqotay isaga oo wiilkii la sii daayay ku noqday wadankii ka dibna xaafadayadii u tagay oo u sheegay halka aan ku jiro iyo nolosha aan ku suganahay, ka dibna la soo xidhiidhsiiyay safiirkii la ina mariyay dariiqii isaga la mariyay markii aan jeelka ka soo baxay ayaa la keenay jeel kale oo ii gudbinaya diyaarada aan raacayo oo seddex saac transit ku ahaanaysa dalka masar, ka dib aniga oo jeelkaasi kale ku jira ayay Safaaradii masar I diiday in aan transit ku ahaado 3 saacadood wadankooda aniga oo bilaa sharci ah ka dibna jeelkii ayaa ii gubiyay jeel kale oo lagu magacaabo Masalaata kaasi oo aan isna ku jiray muddo laba bilood ah iyada oo la ii sheegay in aan ku jirayo inta la ii helayo diyaarad wadankaygii igu celisa, Muddo ka dib illaahay waxa uu Shimbir iiga dhigay Cafis madaxwayne Qadaafi u sameeyay Maxaabiista jeelasha ku jira kaasi oo dibada ugu soo baxay aniga oo bad qaba.

Markii aan ka soo baxay waxaan dib ubilaabay in jidkii hore ee la igu xidhay waxaana raadco u galay sidii aan uga bixi lahaa meesha muddo yar ka dib waxaan shaqo yar ka bilaabay magaalada aniga Caawin jiray nin Nurse ah oo Duri jiray(Turqi jiray) digaaga aniga oo 3 bilood halkii ka shaqaynayay ayuu ninkii iga dafiray lacagtii aan seddexdaa bilood shaqaysanayay, wax yar ka dibna dagaalkii liibaya ayaa bilaabmay, ma jirto xawaalad lacag laguu soo dhigaa, dadkii wuu kala yaacay, ma jirto cid aad wax ka qaadataa, ninkii wax hayayba naftiisa ayuu la cararay, waxaa la naga rabaa kiradii guriga aanu ku jirnay oo albaab ayaa subax walba la noo taaganyahay, cuntadii aanu cunaynay ayaa naga go,day, somalidii ayaa lala coloobay oo la yidhi qadaafi ayay la shaqaynayaan, dadka badankiisu Dalka tuunis ayay galeen, waxaan shaqo yar ka bilawnay aniga iyo dhawr Somali ahi in aanu baabuurta ku soo rarno walxihii iyo jajabkii qaraxyadii naato ka fulisay goobihii hubku yaalay ee ay awooda ku lahaayeen ciidamada qadaafi, halkaasi oo aan ka urursaday woxogaa lacag ah oo lanaga siin jirtay markaanu qashinka iyo biraha ka soo daadinoba, maalmo ka dib qadaafi ayaa fasaxay doonyihii dadkii oo dhan ayaa lagu raray lacag yar oo 100% ka yar tii lagu rari jiray wakhtigii baddu xidhnayd, waxaana loo wada baxay dalka talyaaniga, waxaan soo raacay doon wayn oo ay saarnaayeen 720 ruux oo illaa 500 oo ka mid ahi Somali ahaayeen.

Intii aanu badda ku jirnay illaahay wax dhib ah ilama kulmin waxaanu 2 maalmood ka dib galay Jasiirad lagu magacaabo laamadusa oo ku taal dalka talyaaniga, taasi oo aan aad ugu faraxsanaa in illaahay nabad galyo igu soo gaadhsiiyay yurub, farxad ka dib halkaasi ayaa dhamaantayo lanagaga qaaday tobadanka Faroodba, aniga oo Farxadda iga muuqata awgeed ididiilo badan u qaba in aan nolol cusub bilaabo oo aan ka nasto rafaadkii badnaa ee aan jidkaasi u soo maray, habeen markii aanu halkaasi joognay ayaa la I keenay magaaladda Roma, waxaana haddana la iga qaaday farro kale oo la yidhi waa kuwii sharciga lagugu siinayay, waxaa la I dajiyay kaam aan ku noolaado inta aan sharciga sugayo, waxaan kula kulmay Somali badan oo Murugo ka muuqato oo badankooda laga soo celiyay wadamo badan oo yurub ah oo Cuntada u doonta Kaniisad ku taala magaalada, waxaana markiiba la igu bilaabay faro miyaa lagaa soo qaaday!!, Cajab iyo yaab ka dib ayaan dadkii waydiiyay faruhu waxa ay yihiin, ka dibna waxa la iisheegay in wadankani ka tirsanyahay wadamada ku midoobay Xeerka qoxootiga Yurub ee (Dublin) sidaa awgeed wadan kasta oo aan tago farahaygu ka soo bixi doonan la iguna soo celin doono wadankan Talyaaniga oo aan lahayn, Wax shaqo ah, wax nolol ah oo fiican iyo Wax hoy ah oo aad degto midna.

Anfariir iyo Afkala qaad ayay igu noqotay waxa aan filayay iyo waxa meesha igaga soo baxay ee aan rafaadkaa u soo maray, muddo sannad ah ayaan u samrayay sharcigii ka dib markii aan soo qaaday ayaan ka soo baxay, waxaanan soo galay dalka Sweden halkaasi oo aan iska dhiibay kaam ku yaala caasimada labaad ee wadankaasi, markii aan kaamkii galay ayaa isla markiiba faro la iga qaaday isla goobtii aniga oo jooga ayaa la iisheegay wadanka aan ka imi, waxaana la waydiiyay in aan kala shaqeeyo in wadankaygii aan ka imi lala xidhiidho oo la waydiiyo in la I celiyo iyo in kale iyaga oo ii sheegay in ay ogyihiin dhibka taala wadankaasi balse sharciga u yaalaa dhigayo in lagu celiyo qof kastaba wadankii faraha ugu horeeya ka soo qaaday, balse ay muddada aan halkan joogo isiin doonaan wax aan ku noolaado, seddex bilood ka dib ayay go,aan ku gaadheen in la igu celiyo wadankii aan ka imi, ka dibna markii celisku ii soo dhacay ayaan ka baxsaday oo aan u dhaafay dhinaca Wadanka jarmalka oo naftu I biday isna inaan tijaabiyo, halkaasi oo aan illaa hadda ku suganahay Muddo seddex bilood ah oo uu isna igu hayo kaam balse aanan ogayn wakhtiga uu I celin doono iyo in uu iska kay cafin doono labadaba.
Markaan isku celceliyo wakhtiga aan jidka ku soo jiray iyo inta aan yurub dhex wareegayay waxa ay noqonaysaa afar sanno iyo badh aan dhibaatooyin dhimashadu dhaanto soo maray iyada oo aanan illaa imika garan Karin wakhtiga aan ka baxayo marxaladan aan ku jiro, anigaa aan xataa marna helin shaqo yar oo aan wax waalidkaygii ka farxiya uga diro, waliba ay ii dheertahay walbaharaad iyo fakir dheeraad ah oo aan marwalba iswaydiinaya aayaha noloshayda danbe, waxaan usoo jeedin lahaa dhalinyarada Curdinka ah ee Wadanka ka soo yaacaya ee jidkii aan ku hungoobay soo maraya in ay nagu cibro qaataan, oo aanay Nolosha iyo sharafta ay wadanka ku haystaan ku badalan silican iyo dalan baabiga qurbaha yaala, waliba waxaan intaasi ugu darayaa in aanay arintani kaligay igu koobnayn ee 500-tii boqol ee somalida ahayd ee aanu doonta wada saarnayn mid kali ahina ka badbaadin farihii dhamaantoodna dhex wareegayaan wadamada yurub”. Sidaa waxaa hadalkiisa ku soo koobay Cabdi Xasan Faarax oo quus ka muujiyay rajadda tahriibka.

Aqoonyahanadda somalida ee Dalka dibadiisa wax ku bartay ayaa ka dayrinaya dhibaatooyinka ka dhalan karta Dhalinyarada Sharci la’aanta yurub ku dhex jooga oo badankoodu halis u ah Danbiyo badan oo ay ka galaan wadamada ay joogaan, iyaga oo qaarkood Tuugonimo u badheeday halka ay qaar kalena Daroogada si sharci darro ah ku galiyaan wadamo ay mamnuuc ka tahay kuwaasi oo Galaafanaya noloshooda danbe.

Mustafe Future
mccfuture@hotmail.com
berlin Germany