Rooney oo biyo qabow ku shubay wararkii ku saabsanaa Mustaqbalkiisa, xili uu kooxdiisa kala qayb galayo ciyaaraha iskululaynta.

0
75

Moyes W.Wararka: ciyaaraha (Waaheen): Cahdigii cusbaa ee Tababaraha Cusub ee kooxda Man United David Moyes ayaa u bilaabmi doona, ka dib ciyaaraha saaxiiftinimo ee kooxdu ugu socdaalayso dalalka Aasiya, sidoo kale Tababare David Moyes ayaa shaaca ka qaaday in weerar yahanka kooxda & Qaranka Ingiriiska ee Wayne Rooney uu ka mid yahay ciyaar yahanda kooxda ula socdaalay safarka kooxda ee ciyaaraha isku lulaynta ah ku lee dahay qaarada Aaasiya.

Rooney ayaa lagu soo daray ciyaar yahanda 19ka ka kooban ee socdaalka ku mareysa Thailand, Australia, Japan iyo Hong Kong.

Tababaraha United ayaa u sheegay idaacada talkSPORT: “Kooxda waxa ay hore u xustay in Wayne uu joogay oo aan la iibin doonin. Waxaan la kulmay Wayne labo, seddex, afar jeer, maalin kasta halkaan ayuu joogaa. Intii uusan tababarka soo xaadirin ka hor xitaa waan kulanay wax badan ayaa laga sheegay arinta Wayne Rooney iyo aniga muddo sannado ah, laakiin xidhiidh wanaagsan ayaan leenahay, waxaan ku martiqaaday dhowr jeer sannadihii dhawaa Goodison Park, wayne waxa uu yimid gurigeyga, waxaan tagay gurigiisa waana sheekeysanay, tababarkiisa waa mid weyn ciyaartoyda kooxda waxa ay ii sheegayaan in qaab ciyaareedkiisii ugu wanaagsanaa ee muddo shan sanno ah inuu ku jiro, taasna si wanaagsan ayaan u qaadanayaa.

“Waxaan xusnay inuusan iib aheyn, waxaana isku dayi doonaa inaan qaab ciyaareedka ugu wanaagsan ka soo saaro Wayne Rooney intaan awoodo.”