QARAN XOR AH IYO UMMADDIISA OO GOB AH

0
82

gobDadbadan ayaa aaminsan in cidkasta oo amuuraha iyo qaydiyadda qaranka soomaaliland taageertaa ay tahay cid dhalasho ahaan ka soo jeedda qabiilka inta ugu badan degen dalka Soomaaliland; waxaan u jeeddaa waxba yaan ka dabin dhawrine in oon ereyga ka meer meerinne in ay uu qofka  Soomaaliland taageera u muujiyaayahay uun qof  reer Sheekh Isaxaaq ah; balse waxa dhab ah in reerka haybtaa ku arooraa yihiin dadka la odhon karo Soomaalida way ugu gobsanyihiin, aniga oo dhinacyo badan wax ka eeggaya waxyaabo badan oo loogu qiri karo, sheegina doona waxyaabaha ay ku mutaysteen, caddaynaya oo intii joogtay ay joogtay intii kalena sooyaalku tusi doonno.

Aniga oo kazoo bilaabaya horseedkii ay u horkaceen midowgii isku biirkii waddamadii xorrroobay ee ka hoos baxay gacantii cadaawihii addoonsan jiray.

Waxay dadkii uu Ingiriisku gumaysan jiray ee ku noollaa dhinaca waqooyi ee dhulka Soomaalidu noqdeen kuwii ugu horeeyay ee Soomaali ugu hor qaatay calan xor ah oo dhulkooda ka diray cadaawihii gumaysiga, waxay iyaga oo dharaara uun haystay calankii la siiyay qaadeen oo geeyeen geesta Koonfureen oo iyaduna markaas xorowday, waxaanay si shuruud la’aan ah ugu dhiibeen calankii ay naf iyo maalba u hureen, qoladii loogeeyayna waxay u maamuleen sidii ay iyaga la noqotay oon ay kamadhantahay muunayn iyo wax wada qaybsi, waxaanay xubninii dawladda iyo magaalo madaxdiiba waxay ka dhigeen xaggooda oo raggii calankooda soo dhiibay waxba iskagamay tirinni

Iyada oo ay sidaa arrini u dhacday marna dadkii sidaasi ku dhacday may muujinnin saluug iyo saami-diid, waxaana kaga weynaa wixii ay doonayeen oo ahaa in loo miciino loona gurmado walaalahooda weli ku sii jira gacanta gumaysiga sidii loo xorayn lahaa ee looga dhigi lahaa dad madax bannaan oo ku soo biira dawladda xorowday.

Iyada oo ay arrini halkaa marayso ayay dawladdii rayidka ahayd ee ummadda mayalka u haysay noqotay mid ay dadkii saluugeen oo noqotay mid fadhiida oo ku guuldaraysatay horumarintii dhaqaalaha, waxbarashada iyo dhammaan adeegyadii bulshada; taas oo sababtay in uu is-casilo madaxweynihii markaas talada hayay Rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee Aadan Cabdulle Cismaan oo ku magac dheeraa “Aadan-cadde”, iyada oo si ku meel gaadh ah loogu dhiibay jagaddii wadanka Alle ha u naxariistee C.rashiid Cali Sharma’arke si uu u soo diyaariyo doorasho dalka ka dhacda oo lagu soo xusho hogaamiyaha cusub ee dalka hagi doona, nasiib darro se waxa iyada oon doorashadiiba la gaadhin uu askarigii ilaalinayay dilay madaxweyne C.rashadii isaga oo ra’iisal wasaarihii dalka oo ahaa Alle ha u naxariistee Maxamed Ibraahin Cigaal, oo markaa ku maqnaa dalka Maraykanka.

 

Dilkaas maxadweynaha loogaysatay ayaa sababay iyada oo aan weli taladii waddanka cid loo dhiibin in ay dalka af-gembi ku qabsadaan hurinka tirsanayd saraakiishii markaa dalka ugu saraysa;iyaga oo maxadweynana uu noqday Alle ha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre.

Waxa aad loogu bogay kacaankii markaa dhashay oo laga filayay ididiilo wanaagan iyo is-bedel ka wanaagsan kii maamulladii ka horeeyay, kacaanku wuxuu billaabay tallaabooyin ay ku baadi goobayaan dhulka ay ku noolyihiin dadyawga Soomaaliyeed ee ku hoos jira maamullada kale;kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Kililka shanaan oo ah dadka iyo dalka Soomaalida ah ee ku nool dhulka ay Itoobiya xukunto iyo NFD oo ahaa dadka iyo dalka Kiiniya xukunto. Waxa lagaadhay 1977-kii xilligaas oo dagaal aad u ba’ani ka dhex qarxay dawladdaha Itoobiya iyo Soomaaliyaa; kaas oo noqday mid aad layaanb ugu noqday dawladihii quwadda sheegan jiray ee dunida oo aaminsanaa in ay dawladda Itoobiya qabsan doonto Soomaaliya, laakiin noday mid ka duwan sidii lamoodayay oo ciidammadii Soomaaliya ay ka dhex dagaallameen magaalooyinka Itoobiya kuwa weliba ugu dhaw caasimadda Itoobiya.

 Haddaba waxa xusiddooda leh sidii ay uga qayb qaateen dadka reer Soomaaliland intii aan ciidanka ahayn ee xoollo dhaqatada ah;kuwaas oo aagaggii ay kaga beegnaayeen ciidammada Itoobiya banneeyay oo ka xoog roonaaday, iyaga oo ku dirirayay hubkii ay iyagu ay xoolagooda ku ilaashan jireen waxa ay u dagaallamayeenna ay ahayd in ay u hiiliyaan walaalahooda uu cadaawuhu haysat iyaga oo ka soo dhalaalay dhankoodii hub aad u bandanna kala hadhay colkii iyo ciidankii dawladdii Xabada. Dagaalkaasi wuxuu noqday aakhirkii mid markii laga baqay in waddankii Itoobiya la qabsado uu ka mid noqdo dawladdii Soomaaliya ayaa lagu soo caawiyay ciidan iyo hub sida uu abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi “Xasan-ganay” uu ku muujiyo ruwayaddiisa la yidhaahdo “GALBEED WAA LA XOREEYEE WAARSAA GAAGIXISAY”.

Dagaalkaasi oo sababay in magaalooyinkii xigay xagga Itoobiya in laga dhigo fadhiisimo ciidan oo aad loo soo dhoobay saannado dagaal iyo lagana dhigay xeryo ciidan, saraakiishii ka qayb qaadatay dagaalkaas Itoobiya lala galay iyo jabkii soo waa jahayna uu ku sababay in ay qaarkood isku dayaan in ay af-gembiyaan maamulkii dalka jiray. Waxa dhacday in ay dadkii ku noolaa gobollada Waqooyi ay ka cawdeen saami qaybsi xagga xukuumadda ah iyo in ay u baahanyihiin in dalkooda looga dhiso jaamacaddo iyo adeegyada ay u baahanyihiin bulshadu;taas oo ay maamulkii markaa jiray ay kaga jawaabeen cabudhin iyo car juuq dheh;iyada oo aakhirkiina sababtay in la aas aaso jabhaddii “SNM” oo bilowday in ay dagaal hubaysan kala hortimaaddo xukuumaddii hogaanka haysay; taas oo ay dawladdiina kaga fal-celisay cadaadis aad u daran oo lagu la kacay dadkii rayidka ahaa iyada oo habbeenkii guryaha laga bixi jiray mudanka hal-doorka ah biri-magaydada ahaa dhallinyaradii ubaxa ahayd ee lagu indho kuulanayay iyada oo wax alla wax loo aanaynayo oo ay biiyeen aanay jirin; iyada oo

 

 Si kasta oo ay wax u dhaceenba waxa duhur dharaareed guusha looga dhaqaaqay jabhaddii xaq u dirirka ahayd ee “SNM”.

Haddaba waxa dheehasho dheeraada iyo dhug u yeelasho habboon u baahan habka ay jabhaddu u la dhaqantay dadkii ay ugu yimaaddeen waddanka ee hab wadaagga la ahaa ragga maamulka dawladdii dhacday u talinayay; waxay qaadeen talaabo ay baal dahab ku mutaysteen taariikhduna u astaysay gobonimo iyo milge ay kaga duwanaadeen dhiggoodii gacanta ku dhigay maamulkii magaalooyinkii koonfureed ee ay ugu weynayd caasimaddii dalka looga talinayay ee Muqdisho. Inta aanan gaadhin koofur iyo wixii ka dhacay aan soo qaadanno siyaabihii ay ula dhaqmeen mujaahidiintii SNM dadkii ay ugu soo galeen magaalooyinka.

 Waxa la raggii u soo taagnaa ay ka sheekeeyaan in ay madaxdii jabhaddu ugu qudbadeeyeen askartii iyo shacabkoodiiba in aan lala hadli Karin dadka loo nisbaynayo in ehel iyo Abbayihiin madaxdii arxanka darnayd ee diyaaradaha ku duqaysay ummaddii ay u talinayeen, iyaga (jabahaddu) ay masuulkayihinn oo ay ciddii dawladda u shaqaynaysay ee dambi cad lagu helo ciqaab dambigooda ku aaddan ay marinayaan ee loo daayo oon loo gacan dhaafin. Taasi oo u dhacday sidii ay iyagu doonayeen, waxa kale oo ay saraakiishii iyo siyaasiyiintii samo-taliska ahaa ee jabhaddu ay gawaadhi ku qaadeen dadkii ay maatada iyo biri-magaydada ahaa; iyaga oo ku geeyay halkii ay dadkaasi ka soo jeeddeen dhalasho ahaan kuwo bari ka yimid iyo qaar galbeed noqdayba iyada oo dadyawgaa dhulalakoodii intii la gaadhi karayay loo geeyay si nabad gelyo ah.

 Akhriste aan u jaleecno wixii ka dhacay deegaannadii koonfureed ee dalka soomaaliya iyo sidii loo la dhaqmay dadyaw aan iyagu ka tirsanayn taliskii dabayshaday balse waxa loo gumaaday ee loo gelelefaya ay ahayd waxaad la wadaagtaan dhiig iyo dhalasho; waxa jira sheekooyin la xidhiidha falalkii arxan darada ahaa lagu la kacay dadkaas aan waxba galabsan waxaana ka mid ahaa kuwan kooban ee aan soo gudbin doonno.

 Waxa la weriyaa in ay niman moorayaan ah oo hubaysani (dayday) ahi ay ku soo baxeen niman dariiq maraya waana milay waxyar uun laga joogo burburkii dawladdii kacaanka;

Waxaynimankii hubasnaa ku amreen in ay istaagaan; markii ay joogsadaeen ayaa nin mooryaantii kamid ahi waydiiyay raggii oo ku yidhi “qoloma ayaad tihiin?”

Nin raggii la joojiyay kamid ah ayaa ugu jawaabay “waxaan ahay Isaaq”. “Yaad ka tahay” ayuu ku celiyay mooryaankii wuxuu ugu jawaabay waxaan ka ahay “Habaryoonis oo ba Dhulbahabte ah” mooryaankii ayaa isaga oo aan dad aqoon ahay balse ay ku la dhantahay isir nacayb ayaa ku tiraabay ereyo aqoon daro iyo iimaan xumo ku dheehantahay; isaga oo raacayay odhaahdiisii fal waaxishnimo ah waxa ka soo baxay ereyadan “GADAAL GADAAL AYUU DAAROOD KA NOQDAY” isaga oo u qaatay in uu ninkaasiyahay qabiilkii uu dilka la raadinayay ee ahaa Dhulbahante oo habtiisu Daarood gasho, waxaanu halkii ku toogtay ninkii aan cidda uu doonayay ahayn.

Waxa ayaan daro ah in dembi iyo dill ala beegsado qof aan waxba gaysanin iyada oo lala xidhiidhinayo waxa aad gashaa qabiil aannu waxyeelo ka tirsanaynay.

 Annaga oo wadar ah ayaa waxa abaaro labadii duhurnimo soo gashay baahinta idaacadeed ee BBC London, waxa dagaallo ba’an laga sheegay magaalada Muqdisho; halkaas oo khasaare naf iyo maalba ahi ka soo gaadhay dad rayid ah oo kamid ah kuwii ku noolaa magaaladaas; anna oo aad ugu tiiraanyaysan una ducaynayna intayadii madashaas ku dhagaysanaynay warku ayaa ninkii noogu da’da waynaa ee amintaa goobta nala fadhiyay uu ay si kedis ah uga soo baxeen ereyo bedalay dareenkayagii ay idaacaddu nagu dhalisay.

Markii warkii dhammaaday ayaannu u gudubnay falanqantii warka iyo wax ka sheeg ku aaddan waxyaabihii warku sheegayay; wuxuu ku bilaabay hadalkiisii sidan

“waxay ahayd goor barqo ah, waxa dhacaysa rasaas xoogan oo anaan saxayn meel ay ka dhacayso iyo dhan ay u dhacayso midna; waxse aan garanayaa oo qudha in ay u dhaxayso cid isdiidan, waa maalmo ka dib uun markii ay waddanka ka baxeen madaxweynihii iyo maamulkiisii. Waxaan raadinayaa dareen damqasho lehna aan ku baadi goobayaa wiil aan dhalay oo dhallinyar ah, anniga oo si aad u talaabo dheer u dhex qaadaya surimadii iyo suqduuddadii margaalada Xamar ayaan ku soo dhacay jid laami ah, waxaana meel aan aad iiga durugsanayn iiga muuqday humaag aan u maleeyay wax la is-dul saarsaaray iyo dadka ag dhaw; intii aan is-weydiinayay waxaa ii muuqda iyo waxa uu yahay, ayaan ku soo dhawaaday mise waa dad inta la laayay la is-dul tuulay, naxdintii hore ii luraysay ayaa igu sii xoogaysatay, waxaan gartay nin ka mid ah raggii dul tubnaa mid kood, una maleeyay in uu maydkan ii muuqda wax ka dilay iyada oo muuqiisa laga dheehan karo sababtoo ah jaahiisa iyo kuwa la joogaba waxa ka muuqatay farxad iyo digasho, waxaanan anniga oo firka naxsan wayadiiyay wiil kaygii, waxaanu igu yidhi

“Aniga gacantayda kuma bixin haddaan kuwo kale Daarood ahaan u dilin”, waan ka dhaqaaaqay oo waxaan sii watay baadi goobkii inankayga; waxaanu ku soo koobay ninkii waayeelka ahaa

Hadalka ahaa “Adeer waxa koonfur ka socdaa waa waxa ay dadkeedu galabsadeen oo laga goynayo”.

Akhriste waxaad maan fayow iyo maskax caafimaad qabta isku barbardhigtaa labada macaamilo ee ay ku kala kaceen labada dadyaw eek u kala nool Soomaaliland iyo Soomaaliya; sidii loo la kala dhaqmay iyo siday u kala dhaqmeen.

 

Gobonimadu waa hibo kamid ah haybadaha Illaahay dadka ku ladho ee ay la soo dhashaan, ee maaha mid la isa siiyo iyo mid itaal iyo adduuntoona uu gooyo.

Inaga oo aan soo koobi karayn wanaagga iyo waxtarka aan la soo koobi karayn ee dadka reer Soomaaliland ay u galeen guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, waxa aan ku soo koobayaa ka qayb qaadashadii taageerada caawimo ee ay dawladda Soomaaliland kaga qayb qaadatay mucaawimadii loo ururinayay xaaladdihii abaareed ee la soo dersay dadka ku nool koonfurta Soomaaiya sanadkii 2011-kii. Wuxuu madaxweynuha Soomaaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” magacaabay guddi uu u xilsaaray in ay ururiyaan qaadhaan dhaqaale oo loogu tabarucayo walaalaha la taagdaran macaluusha daran ee la soo deristay, iyada oo xubnahaas guddida ahi ay ka soo ururiyeen qaadhaankaas dhammaan xubnaha bulshada iyada oo laga bilaabay in laga jaro mushaharka shaqaalaha dawladda; iyada oo laga gaadhay in xataa ardaydu ay u huraan nusasaacahooda.

Akhirste waxaad dhacdooyinkaa iyo talaabooyinkaa ay dadka reer Soomaaliland qaadaan ee naxariista iyo damqashadu ku jirto barbardhig hadallada ka soo yeedha markasta madaxda Soomaaliya, ereyadaas oo aad u damqa maanka iyo maskaxda dadka reer Soomaaliland; kuwaas oo aana odhon karo uma qalmaan mana geyaan qaranka xortaa iyo qoomiyaddiisa gobka ahi.

Ayaasiin55@hotmail.com

00252634131105 Telesom