Laacibka Arjen Robben oo u qaadan la inuu ka mid noqdo ciyaar yahanada u sharaxan abaal marinta Uefa Best Player

0
46

W.Waraka Xidiga garabka ee xulka Holland iyo naadiga FC Bayern Munich Arjen Robben ayaa meesha ka saaray inuu si gaar ah u xiiseynaayo sanadkan ku guuleysiga abaal marinta UEFA Best Plyer, ka dib markii lagu dhawaaqay dhawaan 10ka ciyaar yahan ee Abaalmarintaas u taagan.

Laacibka baalka weerarka ee kooxda Bayern Munich oo kooxdiisa ka caawiyey xili ciyaareedkii dhawaan dhamaaday 3-koob oo kala duwan sidoo kalena uu soo bandhigay qaab cayaareed aad u wanaagsan, isagoo laacibkani lugtiisa ugu qaaday Bayern koobka horyaalada Yurub ayaa iska diiday inuu awoodiisa  kookan ugu qaaday kooxdiia Munich balse ay si wadajir ah tartankan ugu guuleesteen wuxuuna yidhi

“iskuma arki inaan ka mid ahay xidigaha isku heesta ku guuleysiga abaal marinta UEFA waayo aniga waxaa ii muhiim ah in Bayern ay kooba qaado waayo shaqsi bilad uu qaado ahmiyad ilama lahan, Bayern waxay koobabka u aruursatay inay ahayd naadi isku xidhan balse ma ahan koox shaqsi ku tiirsan waayo ma heesato xidigo halis ah sida Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo balse wadajir ahaan koox walbo ayaan ka awood badanahay waana faa’iidad kowaad inaan nahay koox isku xidhan oo aan hal cayaaryahan ku tiirsaneen”.