HUBSIINO HALBAA LA SIISTAA

0
106

HUBSIINO HALBAA LA SIISTAA  ( this article was sent on 30th April 2013)

I may disagree with what you have to say, but I shall defend, to the death, your right to say it. (Voltaire a French philosopher)

Haddii isku daygii la isku deyey in lagu khaarajiyo masuulkii wargayska “Hubaal” ay ku lug leedahay arin la soo maleegay oo siyaasi ah waxa ay noqonaysaa mid tiiraanyo leh; taas oo loo qaadanaayo in ay tahay in la doonayay in lagu aamusiinayo saxafada madaxbanaan.

Waa dhacdo ugub ah oo tan iyo intii Somaliland ay dib u madax banaanaatay 1991kii illaa  hadda waxa aynu ku soo caanamaalay Nabad taas oo ku timid  sida miyirka ku sugan ee shacab iyo dawladba aynu uga fogayn waxii abuurikara is-hirdi iyo nacayb. Maan maqlin dhacdo hore oo qaabkan oo kale ah.

Dhacdadani waa mid aad iyo add u ayyaan darro hoog iyo gef qaran u ah, waxase haddii ay dhab tahay ka sii daran oo tiiraanyo leh in nin ciidanka ah oo loo xilsaray amaanka ummadu oo police ahi uu qayb ka ahaa weerarkaasi.

Isku dayga caynkaas ahi ee ah in qof lagu khaarajiyo iyada oo loo salsaarayo waxa uu aaminsanyahay iyo odhaahdiisa waa anshaxumo iyo fulanimo. Budhcadnimada caynkaas ah hore waynu uga cafimaad qabnay, tanna waan ku rajawaynahay in la helo biyo dhigeeda .

Waxa aynu ku khasbanahay shicib iyo dawladba in la raadiyo oo baadhitaan wayn lagu sameeyo ciddii ka danbaysay aafadaas, ma danaynaayo cidda ay noqondoonto ee ka danbaysay iyo halka ay ka soo jeedaan, laakiin waxa aan aad u danaynayaa in la helo ciddii ay kaysatay falkaas ka dibna sharciga la mariyo.

 

Waxa aad iyana u xun oo hoog iyo jab ah in aynu shaabbad degdeg ah ku dhufano  oo durbaba cid gaar ah lagu eedeeyo  in ay falkaasi soo aloostay ama tilmaamo iyo malo awaadh samayno kaas oo aan run la taaban karo ooadag ku salaysnayn. Taasi waxa ay noqonaysaa odhaahda carabida ah(خير يراد به الباطل)taas macnaheedu yahay nin isku deyeya in uu tilmaamo wanaag iyo xaq laakiin ujeeda oo maagan in uu xumaan iyo xaalad abuuro.

 

Alle ayaa mahad leh.

 

Waa: Axmed Xuseen-Turub.

Ahshaib82@gmail.com