Wasiirka Wershadaha iyo Guddida Qandaraasyada oo kormeeray Iskaraabka Gobolka Saaxil

0
95

wasiirka-warfaafinta-1-259x300Berbera(Waaheen) Wasiirka Wershadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur oo ay wehelinayeen qaar ka mid ah Guddida Qandaraasyada Qaranka ayaa doraad kormeer kedis ah ku tagay goobaha ay yaalaan Biraha Iskaraabka ah ee Gobolka Saaxil.

Lama oga ujeedada rasmiga ah ee Wasiirku u booqday goobaha Iskaraabka hase yeeshee ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya Madaxweyne Siilaanyo in uu Amray fulinta Digreeto uu hore ugu bayaamiyay in Iskaraabka Dalka la Ururiyo isla markaana loo Xaraasho Ciidamadda Qaranka Somaliland.

Wasiirka iyo xubnaha wehelinayay ayaa la sheegay in ay booqdeen goobo dhawr ah oo ay tuulan yihiin Iskaraab la ururiyay iyo goobta ay ku taaloa Wershadii hore ee Sibidhka oo Iskaraab ahaan loo isticmaalayo maadaama aanay wakhtigan faa’iido u lahayn Bulshada iyo Qaranka.

Ilaa hada Xukuumadda Somaliland may abaahin Qandaraaska ay ku Iibinayso qalabkan Iskaraabka ah hase yeeshee dadweynaha Reer Berbera ayaa muddo badan hadal hayey in ay Gobolka joogaan kooxo waraaqo ka sita Xukuumadda, kuwaas oo loo soo amray in laga Iibiyo.

Dadweynaha Reer Berbera ayaa u arka safarka Wasiirka iyo Gudida Qandaraaska mid soo af-jaraya tuhunadii laga qabay in Iskaraabkaas dad gaar ah la soo siiyay balse aanay jirin sharciyad rasmi ah oo ay dadweynuhu si siman uga faa’iidaysan doonaan, wallow ilo wareedyo aragtidaas ka soo horjeedaa sheegayaan in Xukuumaddu ku hawlan tahay oo kali ah qiimaynta Iskaraabka Dalka yaala si ay Qandaraas guud ugu bixiso.

Si kasta ha ahaatee waxa Xeryha Ciidamadda Dalka ka socda dhaqdhaqaaq la mid ah ka wasiirka iyo Guddida Qandaraasyadu ku tageen Berbera, ilaa hada xogaha ka soo baxayaana waxay sheegayaan in ay ku hawlan yihiin shaqaale Xirfadalayaal ah habaynta Biraha Iskaraabka ah.