Madaxweyne Axmedow xasuuso erayadaadan

0
57
Madaxweyne Axmedow xasuuso erayadaadan (SNM waa urur ka soo jeeda beel,meel-la gaadhi maayo).1983 adigoo ahaa wasiir ka tirsan maamulkii Afweyne oo socdaal ku jooga dalka maraykanka ayaad jawaabtan siisay BBC-da oo wax kaa waydiisay SNM-ta oo curdin ahayd.
Sannad ka dib ayaad xilkii ka tagtay,kuna dhawaaqday inaad ku biirtay ururkii xaq u dirirka ee SNM.Muddo gaaban dabadeed waxaad noogu timi SNM,isla markiiba waxaad isu taagtay tartankii hogaanka SNM.Baahi loo qabay siyaasiyiin miisaan leh ayaa laguu doortay gudoomiyahii SNM.Dadkeenu wanaagsanaa,calool xaadhanaa hadana ka madhanaa hubsiimada iyo sooyaalka taariikhda siyaasiyiinta.Waad ogaydoo cidiba isma waydiin danta iyo damacii kuu qarsoonaa.
Madaxweyne Axmedow hadaan ku yara hakado muddadii aad haysay hogaanka SNM,waxaynu isla garanaynaa inaad qodobkii muddada gudoomiyaha oo ahayd sannad aad ka dhigtay 2sanno,hadana aad ka dhigtay 3sanno.Intaaba aad ku noqonaysay hogaankii SNM isu gayn 6sanno.Dhaqankaasi waata aad maanta tix raacday ee aad dastuurkii ummada ka dhaxeeyay kaga guurtay ee aad hadba xeer fulinaaya damacaaga qarsoon ka ansixinayso labada gole ee aad ogtahay inaanay sharci ku fadhiyin.Madaxweyne Axmedow xasuuso dhacdooyinkii laf-jabka ahaa ee ogaadhsigii lagu khaarajiyay saraakiishii inoogu mudnaa iyo kala qaybintii halgamayaashii SNM ee hakad-ka ku keenay guud ahaan SNM gaar ahaana maamulkii aad hogaanka ka ahayd 6daa sanno.Dadkeenu dul-qaad badanaa,waxna way arkayeen,waxna way ogaayeen balse waxa ay door bideen inay ka midho dhaliyaan ula jeedadii halgankii SNM.Waanay ku guulaysteen inay hiigsigoodii iyo himiladoodii-ba gaadhaan oo ay dib ula soo noqdaan xornimadoodii luntay.
Madaxweyne Axmedow aan hore uga socdee bal hada erayadaadan kalana xasuuso (waa maleeshiyaad aan dalka u dhalan oo dibada kaga soo duulay).Waa 1994 markii dagaaladii sokeeyahu ka qarxeen dalka ayaa lagaa hayaa oo aad ugu jawaabtay BBC-da oo wax kaa waydiisay adigoo ahaa wasiirka maaliyada ee dalkan jamhuuriyada Somaliland.Hada waa mar uu daljire kasta oo dadka iyo dalkaba u damqanaayay,xogogaal-na u ahaa danahii sababay dagaaladii sokeeye ee Berbera,Burco iyo Hargeysa uu ciil-kaambi dib-nihiisa hiifaayay,una guntaday sidii nabad iyo xasiloonidii shacabka walaalaha ah dib loogu soo dabaali lahaa.Madaxweyne Axmedow dadkeenu suugaanta ku tilmaami okaa aragtida ay ka qabaan waayaha soo maray, bal hada ila dhadhami midhahan oo aan kala soo baxay hees uu ku luuqayn jiray mj.marxuum M.Mooge (Maxaa sun lay walaaqay,waabay ku caafimaaday).Alla dadkeenu wacanaa,isa-saamaxi okaa,nabada iyo wada noolaashaha jecelaa.
Madaxweyne Axmedow hadaan ku yara xasuusiyo erayadaadii qaar ka mid ah waagii aad mucaaridka ahayd ee aad hogaaminaysay xisbiga Kulmiye waa kuwane bal indhaha u fur (Dawladan fadhiidka ah ee Riyaale waxa aanu u sheegaynaa inaanay sharci ku fadhiyin haday gaadho 24sep,umana aqoonsan doono Riyaale inuu yahay madaxweyne sharci ku fadhiya),bal hada erayadaadan kalana xasuuso (Doorashadu haday waqtigeeda ku qabsoomi waydo dhengad ayaanu madaxtooyada kaaga soo saari doonaa).Intaaba xubnaha kulmiye iyo taageerayaasha-ba waxaad ku hor kacaysay banaan-baxyo aanad ku talo galin rabshadahii ka dhacay ee dhiigga iyo xadhig-ba ku danbeeyay balse aan laguu diidin inaad dhaliisha dawladii Riyaale ku muujiso banaanbaxyo salmi ah.Madaxweyne Axmedow maantana markaad ku fadhiisatay kursiga dalka looga taliyo waxa aad tidh (Xisbiyada mucaaridkaa iyo shacabka-toona looma ogola banaan-baxyo salmi ah oo ay ku muujiyaan aragtidooda iyo dhaliilaha dawlada,waxa waxa ay dawladaadu ku sababaysay inaynaan haysan agabka bolisku ku xakameeyo banaaan-baxyada).Ma maalintaa hore ee aad hormoodka ka ahayd banaan-baxyadii kulmiye ayaa boliska dalku ugu tayo fiicnaa,agab-na aynu u haynay.Waxa kale oo lagaa hayaa berigaa aad mucaaridka ahayd erayadan(Waxaanu aad u cambaaray-naynaa oo aanu ka soo hor-jeednaa cabudhinta iyo xadhiga maalin wal-ba dawlada Riyaale kula kacayso saxaafada madaxabanaan).Madaxweyne Axmedow waxa hal-hays kuu ahayd (Xoriyatal qawlka daljirayaasha iyo saxaafada madaxabanaan ayaanu dhawri doonaa oo aanu tix-gelin doonaa).Maantana waynu ognahay talaabooyinka iyo dhaqamada qalafsan,awood sheegashada iyo tabaha la midka ah kuwii keli-taliyahii Afweyne ee ay dawladaadu kula dhaqanto saxaafada iyo xorayatal qawlkii,xaaladuna marayso heer aad tidhaah-daan waxba nalagama qori karo,nalama dhaliili karo,daljiraha ama suxufiga sidaa ku kacaana waa xadhig iyo xukun xaqdaro.Waxaana cadayn inoogu filan falalkii axmaq-nimada ahaa ee sida isdaba jooga ah ay dawladu kula kacday hawl-wadeenadii Hubaal,weliba iyagoo dhibanayaal u ah dawlada lagu riday xukunka awood sheegashada ah,isku daygii dilkoodana raggii gaystay aan weli sharciga la hor keenin.Ku darsoo waxa ka horeeyay arrin dalkeena ugub ku ahaa oo intuu wasiir Xirsi saxaafada hor tagay yidhi (Gabadh ayaa I cayday oo fariin iigu soo dirtay mobile-ka),sidaana marwo Nadra loogu xukumay 8bilood ayadoo wasiirku u adeegsaday awooda xilka uu ummada u hayo ee looga fadhiyay inuu ugu adeego shacabka dulqaad iyo deganaansho.Madaxweyne Axmedow dadkeenu aragti dheeraa oo adkaysi badanaa,weli waxa u muuqda oo ay waqtiyada adag u il-duufayaan waxaanay gaadhin hirkay tiigsanayeen oo hadba laga leexinayaa jidkay ku gaadhi lahaayeen.
Madaxweyne Axmedow bal erayadaadana dib u xasuuso (Dhalinyarada tahriibaysa waxaanu u samayn doonaa shaqo abuur).Dhalintu way rumaysteen balan-qaadkaagaa oo inaad qorshe u diyaarisay ayay tusmaysteen,waana kuwii kuugu codeeyay balse ma fulisay baahidoodii,waa maya,waabay ka sii dartay oo aqoon-yahankii ayaa quus ka taagan dawlada aad hogaanka ka tahay ee ku fashilantay xal inay u hisho tahriibta ay maalin walba ku naf-waayayaan.Welina waad ka leexsantahay qorshahii dhalinta shaqo loogu abuuri lahaa,waataa aad miciin mooday inaad guddi u saarto oo weliba wasiiradii xilku ka saaraa ee ku fashilmay aad qol isugu xidhay,maxay soo kordhinayaan,ma marka hore ayay hagrasho ka ahayd.Alla madaxweyne kugu adagaa inaad mucaaridka la tashato oo aad waydiiso qorshaha ay ugu talo galeen shaqo abuur rasmi ah,ilayn talo isuma kaa sheegto.
Madaxweyne Axmedow xasuusto waxay toosisaa arrin kaa qaloocday oo siduu ku haboonaa aan la yeelin,waxase isku fuuqsaday dhegaba uma lihid inaad wax ka maqashid xisbiyada mucaaridkaa gaar ahaan ucid,waxaaba kuu raacay inankan aad adeerka u tahay ee caadada ka dhigtay inuu madaxda xisbiga ucid siduu doona u caayo,cid qabataana aanay jirin balse madaxweyne nin eray xamili waayay ma gudan karaa xil qaran.
Waxa aan ku soo afjarayaa madaxweyne Axmedow qalwadii mas baa galay qodax baase hoos taal.
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL