Wasiirka Qorshaynta Somaliland oo sheegay Sanduuqii Horumarinta Somaliland filaysay in uu dib u dhacay

0
53

Hargeysa(Waaheen) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Somaliland Sacad Cali Shire ayaa waaheen siiyay waraysi gaar ah oo uu kaga waramay arrimo sacadbadan oo saameeya Mashaariicda Horumarineed ee sanadkan loogu talogalay in Dalka laga fuliyo, kuwaas oo aan wali suurtogelin, sidoo kale waxa uu kaga waramay qaabka dhaqaalahaasi dalka u soo galo iyo sida uu wax uga qaban karo shaqo abuurka dadweynaha Reer Somaliland u baahan yihiin.

Waraysigaasi oo dhinacyo badan taabanayaa waxa uu u dhacay sidan:-

S: Wasiir waxa aad balanqaadeen mashruucii Horumarinta Somaliland inaad bilaabayseen bishan, dhawaana kulanbaad ku qabateen Ambassador maxaad nooga sheegi kartaa mashaariicdii Sanduuqaasi loogu talogalay goorta la fulinayo?

J: Bisha sadexdeedii waxa isku yimi guddidii wadajirka ahayd, waxay wasaaraduhu soo bandhigeen mashaariicdoddii dabadeedna waxa la isla gartay in mashaariicda wixii ka dhiman la soo dhamaystiro, dabadeedna lagu celiyo gudida qorshaha gudida qorshuna markaa soo dhamaystirto dabadeedna loo gudbiyo shirkaddii u xil saarnayd fulinta.

Shirkadda u xil saaran fulinta waxa la magacaabay bishii April, heshiiskii waxa la siiyay bishan, wali hawshii muu bilaabin, waxaan rajaynayaa bishan inuu bilaabo oo uu yimaado oo uu xafiiskii dhamaysto dabadeed markay guddida qorshaynta qaranku soo dhamayso mashaariicdii in iyaga lagu wareejiyo , dabadeedna markaa iyagaa bilaabaya fulintii, Sanadkan waxaan u malaynayaa haddii ay u soo horayso oktoobar ama November mashaariicdu way bilaabmayaan.

Anaga xagayaga wuu ka soo dhamaaday, anaga xagayaga waxa ku dhiman uun in guddida qorshaynta qaranku ku raacdo uun markaa waxa loo gudbinayaa guddida wadajirka dabadeedna fulinta oo ah shirkadda. Tusaale ahaan haddii biyo la qodayo waa in shirkaddu qandaraas ku bixiso cidii biyaha qodaysay.

S: Wasiir sanadkan siyaasadda Miisaaniyadda waxa ku jiray mashaariic horumarineed waliba adiga iyo wasiirka Maaliyadda ayaa la idiin xil saaray sadex biloodkiiba in aad warbixin ka soo saartaan Mashaariicdaasi ma muuqato, warbixin aad soo saarteena ma jirto  maxaa dhacay?

Waa runtaa oo sanadkan siyaasadda miisaaniyadda qaranka waxa ku jirtay qayb horumarineed, waa sax labada wasaaradood ee Maaliyadda iyo Qorshayntu in ay dabagal sadex biloodle ah sameeyaan bay ahayd maanaan samaynin wali, laakiin insha allaah marka ugu horaysa ayaanu samayn doonaa, waanu kala mashquulnay hawlo farabadan baa soo galay markaa wali maanaan samayn.

S: Markaa maxaaad nooga sheegi kartaa mashaariicda aad sheegayso inaad hirgaliseen?

Walaahi waxaan filayaa mashaariicdu inay sidoodii u socdaan, waxaan kaaga sheegi karaa anagu  wasaarad ahaan oo kale mashruuc cilmi baadhis ah baanu wadnaa, wuu noo socdaa markaa cilmi baadhistaasi waxay tahay in aanu ogaano baahida ka taagan goboladda, mashruucaasi kabacdi waxaanu ka soo saaraynaa qoraal baahiyihii gobolada ah, dabadeedna sidaas baanu u isticmaalaynaa markaa waxaan filayaa wasaarad kastaa sidii loogu talogalay inay u wado, inkasta oo dakhligeenu yar yahay, waad taqaanaayoo inaga dakhligeenu waa mushahar iyo shiidaal iyo qalabka xafiisyadda, markaa wuu yar yahay, hadana waa dedaalnaa oo meelo badan baa wax laga hirgeliyay waxa ka mid ah wasaaradda Kalluumaysiga oo kale, dhisme weyn bay dhistay waxa uu ka mid ahaa mashaariicda horumarinta. Wasaaradda ciyaarahana sidaasoo kale, wasaaradda xanaanada xoolaha waa sidaasoo kale, gidi waxa maal-geliyay dawladda. Way jiraan xafiisyo kale oo ay noo maal-geliyeen hay’adduhu sida Wasaaradda Arrimaha Dibeda, Maaliyadda iyo Arrimaha gudaha qaarkoodna way dhamaadeen, qaarkoodna way socdaan.

S: Wasaaradaha Arrimaha gudaha, Caafimaadka iyo Waxbarashada waxa soo gala dakhliyo  ay ka helaan Hay’addaha Caalamiga ah iyo Dawladdaba waxaanay ahayd in lagu xareeyo qasnada dawlada maxaad nooga sheegi kartaa ilaa hada lacagaha wasaaradahaas soo galay?

J: Horta sidaan hore kuugu sheegay wixii ku saabsan mashaariicda horumarinta guud ahaan waxa ina siiyaa waa hay’adaha Ajanabiga ah, ama Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ha ahaadaan ama Hay’adaha Caalamiga ah ha ahaadeene, guud ahaan waa sidaas, hase yeeshee wasaaradaha way ku kala badan yihiin. Wasaaradda Tacliinta iyo Wasaaradda Caafimaadka ayay ugu badan yihiin; waayo waa labada adeeg ee bulsho wax aliyaala waxa adeeg caafimaad inoo furan iyagaa bixiyay 90%, hadana imika kuma odhan karo waa intaas dhaqaalaha ay ina siiyaan.

Waxa aanu go’aansanay in sanad walba aynu yeealano laba dakhli. Dakhliga Dawlada iyo Dakhliga Hay’adaha, sidaa awgeed Hay’adaha waxaanu ka codsanay ilaa laga bilaabo kal hore in ay noo soo gudbiyaan wax allaale wixii dakhli ah ee ay ina siinayaan ama mashaariic ah, noomay suurtogelin illaa iyo hadda laakiin imikay noo soo dhamaatay waana gabagabo oo hada waanu garan karnaa inta mashruuc ee ay  noo fuliyeen, hadana wax kastaa waa ku talagal inkasta oo wixii lagu talogalay aanay wada dhacayn imika halkan kuma hayo, laakiin waan idin siin karnaa wixii ay bixiyeen ama ha ahaato caafimaad ama ha ahaato Tacliin

S: Maalmahan waxaad ku mashquulsantihiin mashruuca shaqa doon. Maadaama oo aydaan illaa hada wax mashruuc horumarineed ahba aydaan fulin wali, sidee bay idiin ku hirgeli kartaa inaad shaqo abuur samaysaan?

J: Malaha dhinac bay kaa dhaafeene mashaariic horumarineed way fuleen oo dhismayaashii baa ka mid ah aan kuu sheegayay, way fuleen laakiin waxa kala badan shaqada aan ku abuurnay mashaariic iyo dadka inoo soo baxaya ee doonaya shaqada wixiina is dabooli maayaan ilaa la helo maal-gelin. Maal-gelintaas midi waxay ka timaadaa dadka gaarka ah ee Ajanabiga ah adeegyada Baananka oo kale waa caqabadaha ina hortaagan ee yareeya Maal-gashigii tooska la inoo maal-gashan lahaa iyo kaabayaashii kale.

Arrinta labaad waxa weeyi waa daymaha laga qaato baanankan waaweyn ee caalamiga ah gaar ahaan kuwa horumarka loogu talogalay ama ha noqdaan caalami ama goboleed taasna dayn kama qaadan karno, dakhligeenuna wuu yar yahayoo inta mushahar loogu talogalay weeyaan, ta sadexaad waxa weeyi shicibweynaheena, shicibweynuhuna wuu maal-gashadaa waa idinka arkaya waxa ganacsi socda, laakiin xaga wershadaynta oo kale oo ahayd meelaha shaqo abuurku ka samaysmi lahaa waa idinka arkayoo wuu yar yahay  oo waa mid jirta, takale dhibta jirtaa waxa weeyi dhinaca Tamarta.

Waxa la furay konton wershadood waxa shaqeeya labaatan in ka yar, inta u badani waxay u xidhmeen way is bixin waayeen, taas laftigeedu mushkiladaha ayay ka mid tahay, markaa marka aad isu geyso carqaladaha dhinaca maal-gelinta ayaa waxay keentay shaqo abuurkii inuu yaraado, halka dadka shaqo doonka ahi ay soo badanayaan markaas taas weeyi mushkiladeenu

 

S: Laakiin wasiir mushkiladaha intooda badan idinkaa la idinku eedaynayaa tusaale ahaan korontadii Itoobiya ilaa hada xagiinay ka dhaqaaqi la’dahay oo heshiiskii hortaagan, wasaaradaadu Hay’adihii yaraa ee dalka imanayay ayay shuruudo adag ku xidhay, shiidaalkii oo kale waxaasi miyaanay jirin?

J: Wax caqabad ah oo ay xukuumadda Somaliland hor dhigtay cid doonaysa inay dalka maal-gashato horta ma jirto, aad baa loo soo dhaweeyaa cidii doonaysa dalka inay maal-gashato waxaana qeexa sharciga maal-gashiga dibeda midna ka gudaha, qof wuxuu sharcigu siinayo oo loo diiday ma ogi mana jirto. Sharciga ganacsigu runtii wuxuu hoos yimaadaa wasaarada ganacsiga iyo Wershadaha markaa shirar badan baanu ka qayb galnay in la soo dhaweeyo mooyee runtii ma jirto in la fogeeyo, dadka qurbahana in badan baanu ku wacyigelinay inay dalka soo maal-gashadaan.

Dadka ajanabiga oo kale waxay la soo degaan lagama cashuuro, shaqqalahooda way keeni karaan kuwa kale ee muwaadiniinta ahna waa sidaas oo kale, markaa runtii waxaan ahayn carqaladahaas gacanteena ka baxsan mooyee wax kale ma jiraan. Imika dhawr iyo labaatan sano baynu dawlad ahayn dee dhawr iyo labaatankaa sano dawladihii soo maray waxbay qabteen, haddii anagu aanu waxba qaban weynay oo wax socday jireen oo ay hoos u dhaceen waa la arki lahaa oo may dhicin, runtii wax kor u kacay mooyee ma jiraan, aad baana runtii la inoo daneeyaa imika. Dawlada way ka go’antahay inay soo dhaweyso maal-gashiga waanay ogtahay inaan si kale shaqo loo abuuri Karin maal-gelin mooyaane, laakiin waxa jira meelo laga fikirayo Maal-gashigooda.