Wasiirada Sanaag Bari oo Olole ka dhan ah Doorashada Puntland ku tegay deegaamadooda

0
77

wasiiro bariga tagaay“waxyaabo aan afka laga dhawri Karin baa jira oo kasoo kordhay bariga oo ugub cusub oo aan caado ahaan jirin” Wasiirka Gaashaandhiga

Ceerigaabo(Waaheen) Wefti uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland Axmed X. Cali Cadami oo ay weheliyaan wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Cali-buureeed, wasiir ku-xigeenka Macdanta C/salaam Maxamed Xasan iyo wasiiru-dawlaha wasaaradda Xanaanada xooaha C/raxmaan jaamac Cabdalle ayaa waxay gaadheen magaalada Ceerigaabo

Weftigan oo ay madaxda degmada iyo gobolkuba kaga hortageen bannaanka magaalada ceerigaabo ayaa markay soo gaadheen guriga martida ee magaalada ceeerigaabo waxa halkaas ugu horrayn hadal soo dhowayn ah ka yidhi kusimaha maayorka degmada ceerigaabo Saalax Ismaaciil cabbaaswe iyo ku-simaha badhasaabka gobolka sanaag Ismaaciil Cabdi Xasan

Waxa isaguna socdaalkooda ka xog-warramay wasiirka gaashaandhigga Somaliland Axmed X. Cali Cadami

“Annaga niman golayaasha ahina waa nala socdaan waxana socdaalkayagu salka ku hayaa waxyaabo aan afka laga dhawri Karin baa jira oo kasoo kordhay bariga oo ugub cusub oo aan caado ahaan jirin ah oo doorashooyinka iyo sida ay u socdaan ah waxannuna u soconnaa waa in caqligu shaqeeyo waxa kaloo noo weheliya oo aannu u soconnaa siyaasaddayadu waa deris-wanaag”.

Wasiirradan ayaa la filayaa inay hore ugu maraan degaannada degmooyinka Sanaag-bari oo ay ka mid tahay Badhan oo magaala-madaxda u ah gobolka cusub ee Badhan/Sanaag-bari ilaa dhahar degaannadaas oo guud ahaan si weyn looga dareemayo ololaha u diyaargarowga doorashada golayaasha degaannada Puntland ee loo asteeyey inay qabsoomaan 15-ka bishan aynu ku jirno taasoo aan la saadaalin Karin sida wasiirrada oo aad mooddo in lasoo canaantay iyo beesha ay kasoo jeedaan ee sanaag-bari ay arrimahaas isugu afgaran doonaan.