waa waajib ina wada saaraan in qofkastaa horumariyo diintiisa, naftiisa, dalkiisa ,dadkiisa,dhaqankiisa,khayraadkiisa kana waan toobo waxkasta oo naftiisa haligaya hoosna u dhigaya

0
53

dddddddwaa  waajib ina wada saaraan  in qofkastaa horumariyo  diintiisa, naftiisa, dalkiisa ,dadkiisa,dhaqankiisa,khayraadkiisa  kana waan toobo waxkasta oo naftiisa haligaya hoosna u dhigaya .                     W/Q: Farhan Mohamed Hassan (rakad)

(bulsho kasta  iyo dadkastaa waxay horumar  gaadhaan markay horumariyaan dhamaan diindooda,dhaqankooda, qayraadkooda,dadkooda,dalkooda,iyo naftoodaba .)

Bulshokasta iyo dadkastaa waxay horumar  gaadhaan markay horumariyaan dhamaan diindooda,dhaqankooda, qayraadkooda,dadkooda,dalkooda,iyo naftoodaba . waana xaqiiq in haddii intaa aan kor ku soo sheegnay aynu  horumarino in aynu noqonayno dad dadka ka dhex tilmaaman oo gaadhaya halkay hiigsanayaan kuna gaadhaya talaabooyinkaas aynu kor ku soo sheegnay , inta aynu ognahay bulsho kastaa waxay leedahay diin,dhaqan,dhul, dhaqan iyo khayraad, kaas oo sababaya in haddii aad sidii loogu talo galay uga faaideysato aad noqonaysaan bulsho dhisan diin, ahaan ,dhaqan ,ahaan, iyo inaad noqotaan qaar ka faaideysta dhulkoodii iyo qayraadkoodiiba. Hadaba side looga faaideysanayaaa dhamaantood? Hadaan isku dayo inaan intii fikradaydaa  inaan isku dayo waxay noqonayaan sida looga faaideysanayo sidan:—————————————–:

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umada reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan iyo bahda saxaafada ee ku hawlan  siday cidkasta oo somaliland ah  u soo gaadhsiin lahaayeen dhacdooyinkii u dambeeyay ee dalka ka socday saacad saacad, iyo sikin sikinba . iyagoon ahayn dad faaido doona laakin u shaqayeeya si volunteer ah ama bilaasha .

 

 

  1. 1.       DIINTAADA MACAAN SIDA LOO HORUMARIYO.

 

Diinteena oo ah diinta adduunka ugu wanaagsan uguna saxsan waxa qofkasta oo muslima oo Somali ah looga baahan yahay inuu diintiisa horumariyo kuna faano kana ilaaliyo waxkasta oo dadka iyo diintuba ogolayn. Markasta ilaahay baa mahadleh maadaamo aynu nahay umaddiisii kana mid noqono qaar adeeca una hogaansan diintiisa.

Qofkasta oo muslima waxa ku waajiba inuu diintiisa faafiyo kuna faafiyo sida ugu saxsan qofkastaana  waa culaysa saaran inay dadka ka dhaadhiciyaan diintoda iyagoo sida ugu fudud ugu sharxaya.

Waxkasta oo suuro gal ahna waa in loo faafiyaa laguna faanaa diintaada markasta aad ka soo horjeedsataa waxkasta oo diintaada ku ah sharaf dhac iyo cidkasta oo diintaada cadaw ku ah adoo yeelaya inaad si saxa aad uga dhaadhicisid.

Diinta islaamku marna diyaar uma aha inay dhiig daadiso laakin waxay diyaar u tahay inay xal u hesho waxkasta oo xal loo waayo.

Diinta islaamku maaha diin cadaw looga dhigayo cid gaara ee waa diin aan madaw ku jirin  oo cad cidkastaana ay ogtahay. Markastana  ka soo hor jeeda in  qof aan waxba gaysan la iska dilo. Akhristayaal maanta waxa aynu ognahay in diinteenii noqotay cadaw dadka lagu ugadhsado .

 

  1. 2.       NAFTA SIDA LOO HORUMARIYO.

Qofkasta oo adduunka ku nool wuxuu jecel yahay inuu horumariyo naftiisa waxaanu dadaaal aad u kala duwan ugu jiraa siduu u horumarin lahaa naftiisa, waxaanu sameeyaa wax kasta oo dan u ah inuu naftiisa u horumariyo. Hadaba sida ugu saxsan ee aynu nafteena u horumarin karnaa qofba si ayay ula muuqataa aniga  siday  iila muuqataa  waa sidan:———————————-

I.            Inaad noqotid qof ilaahay ku xidhan oo alle ka cabsi leh .

II.            Qof gudan kara dhamaan waxkasta oo ALLE waajib inooga dhigay sida, salaada oo uu tukado, soonka,sadaqada oo uu la baxo ,diinta oo uu faafiyo,quraanka iyo diinta barashadeeda.

III.            Inaad markasta niyada ku haysid sidii aad waalidkaa uga farxin lahayd oo aad ka war hayso markasta iyo meelkasta, haday dhinteena aad quraanka iyo ducada u badisid. Oo hadaanay waalidkaa raali ka ahayn naftaada iyo horumarkaaga cidkalena faaido uma laha.

IV.            Inaad noqotid qof wax ka bartay  cilmiga diinta, maadiga, qofkasta oo  labadaa isku daraana wuxuu noqdaa qof horumaray  dadka ka dhex muuqda oo og runta, xaqiiqada iyo nolosha saxdaa.

V.             Inaad noqotid qof daacada oo dulqaad badan kana xor ah waxkasta oo ka soo hor jeedsanaya diintiisa kana weecinaya wadada saxda ah ee alle ogol yahay.

VI.            Inaad noqotid qof aamina oo waxkasta lagu aamini karo.

VII.            Inaad noqotid qof balanta oofiya oo aad noqotid qof ka soo baxa wixii lagula balamay.

  1. Inaad noqotid qof ku dadaala inuu dadka caawiyo oo uu waxkasta oo uu awoodo ku caawiyo haday talo (adviser)  tahay iyo haddii uu waxkale u awoodo.

IX.            Inaad noqotid qof u gargaara dadka naafada ah ee aan laxaadkoodu dhamayn kana talaabiya jidadka , kana istaaga haddii aad gaadhi wadatid.

X.            Inaad noqotid qof iskii u shaqaysanaya  oo aan isku halayn inaad waligaa un aad cid u shaqayso laakin aad isku daydo in aad xoogaa adna laguu sahqeeyo,dadaal badana aad samaysid.

XI.             Inaad noqotid qof daacad  u ah shaqadiisa markastana  og shaqadan iyo cida aad  hayso. Ogna haddii cidan aad u haysaa  la waayo inaanad meesha sii joogi Karin.

XII.            Inaad noqotid qof aan isticmaalin dhamaan waxyaalaha balwada ah sida qaadka, sigaarka, I.W.M kuwaas oo dhamaan tood sababa  cuduro kala duwan sida waalnida iyo wixii la mida.

 

  1. 3.       SIDA AAD DADKAAGA U HORUMARINAYSID.

Dadku markay isku tagaan iskuguna tagaan inay wax wada qabsadaan waa la gaadhi karaa meelkasta oo la hiigsanayoo oo caqli gal ah , hadaba sidee qofkastaa uga qayb qaadanayaa inuu dadkiisa horumariyo, ilaahay S.W.C wuu ogol yahay inuu qofkastaa dadaalo kana faaideysto maskaxdiisa dhulkiisa iyo dadkiisaba.

Adigu ama qofkasta oo horumar doonaya waa inuu qofkaasi  markasta ugu horeeyaa waxkasta oo la baahan yahay in horumar laga gadho   iskuna daydaa inaad dadka wacyi galin balaadhan siisid adoo markasta  isku keenaya oo  samaynaya meel ay dadkaasi ku kulmaan dabadeedna wixii horumar ah ka hadlaya. Hadaba sida aynu ognahay horumarku wuxuu yimaadaa marka dad kala duwan isku yimaadaan  kana doodaan waxkasta oo meeshaas la dagan yahay ama gobol,xaafad dan u ah.

Tusaale ahaan inaad ka shaqaysid meelaha danta guud sida wadooyinka,biyaha,nadaafada,waxbarashada,caafimaadka. Oo aanad ku halayn haayad ama dawlad. Oo aad noqotid qof markasta waxkasta oo dan u ah xaafad,magaalo,degmo, jecel horumarkeeda .

Waxaan halkan uga gudbinayaa dhamaan bulshada reer somaliland inay noqdaan dad wax shaqeeya oo ka wada shaqeeya wixii dan guud ah oo aanay cidna ku halayn . oo iyaga naftoodu wax qabsadaan qofkasta iyo dawladkasta way jeceshay dadka wax wada qabsada waxaanay noqdaan tusaale iyo wax lagu daydo.

Tusaale ahaan maanta magaalada hargeisa waxay ka kooban tahay shan degmo , shantaa degmo haday isku yimaadaan  oo  wax wada qabsadaan waxna wada urursadaan  oo maalinba degmo wax u qabtaan miyaanay ahayn wax lagu faani karo. Oo inta xaafad kasta loo sameeyo sanduuq dan guud ah qofkasta oo xaafadaas degan bishii uu wax ku rido waliba sida loo kala jeeb wayn yahay wax walba waa la gaadhi lahaa.

Waxa kaloo wanaagsan in haddii ilaahay wax ku siiyo aanad ilaabin dadkaagii oo aad isku daydid inaad wixii awoodaada ah aad caawisid kuna kana caawisid waxyaalaha nolosha aasaasiga ah sida biyaha,caafimaadka,waxbarashada, iyo shaqo abuurkaba

HADABA WAA IN AYNU GACMAHA IS QABSANAA OO AYNU WAX WALBA HORUMARINAA  INAGOO LEH  DIIN QUDHA ,DAN  QUDHA  , MAGAC QUDHA, JIHO QUDHA IYO AF QUDHA.

 

  1. 4.       SIDA UGA WANAAGSAN EE DHAQANKAAGA LOO HORUMARIYO

Dhaqanku waa mid ka mida waxyaalaha dadku aamin san yihiin kaasoo  noqda  caadooyin in badan soo jiray una gaara dad meel ku wada nool , adduunkan  aynu ku nool nahay bulsho kastaa waxay leedahay dhaqan iyo caadooyin u gaara kuwaas oo bulsho kastaa ay ku faanto kuna xaragoodaan laakin maanta marka laga hadlayo dhaqanka somalida ayaa noqday mid burburay oo aan meel  loo haago lahayn, waxaana sabab u ah dadkeenii oo dalkoodii ka yaacay kuwaas oo ku nool meelo kala duwan oo dunida ah sababtayna in dhaqankoodii ay ka tagaan qaataana mid aanay garanayn meel uu ka socdo iyo meel uu ku socdo.

Si kastaba ha ahaatee waxkasta oo bur bura waa la dhisaa waana la horumariyaa ,dhaqankeenana waa waajib in aynu ka wada shaqayno oo aynu dadka ka dhaadhicino inuu keenu ama dhaqankeenu uu midkasta ka wanaagsan yahay inagoo tusayna xaragada dhaqankeena ,dad badan oo caalamka kamida ayaa markay ka hadlayaan dhaqanka somalida ayaa noqda mid  aad loo jeclaysto  laakin maanta xaalada aynu ku jirno waa mid uu hoos u dhacay dhaqankeenii .

Qofkasta waxa looga baahan yahay inuu horumariyo dhaqankiisa isagoo cidkas u sharaxaya dhaqankiisa una qeexaya , ogow dhaqankaaga unbaad ku danbaynaysaa markastana iyo meelkasta ee intaad yartay ku faan kuna xaragoodo.

Qofkastana waxa looga baahan yahay inuu noqdo qof dhaqankiisa lexo jeclo ka leh una diyaara inuu dhaqankiisa ku faafiyo dadkiisa, kana bilaabo caruurtiisa,xaaskiisa,qoykiisa,iyo dadka ay asxaabta yihiin waana inuu noqdaa qof  (Ethnocentrism).

Qofkasta waxa looga baahan yahay inuu ixtiraamo dhaqanada kale ee dad yawga kale oo waxkasta oo adiga dhaqan kuu ah iyagana irbad ku ah aad ku ixtraamto dadka kale sida wadan aad tagtay ,dad aad wada shaqaynaysaan,iyo cidkasta oo aad la kulanto.

SIDA AAD DALKAAGA U HORUMARIN KARTID.

QOFKASTA oo maanta nooli dal ayuu ka soo jeedaa qofkastaana wuxuu jecel yahay inuu arko dalkiisii oo horumarsan laakin dad badan ayaan aamin sanayn inuu dalkiisu u baahan yahay oo uu uga baahan yahay DHAQAALE,MASKAX,TAAGEERID. Haddii maanta qofkastaa aamin san yahay dalkiisa inay waxwalba yaalo wax badan ayaa is badali lahaa laakin dadkeenii ayaa noqday qaar aan dadkoodii iyo dalkoodiiba aaminin.

Sida kastaba ha noqotee akhriste waxaad ogaataa in dalkaagu markasta kuu baahan yahay oo uu u baahan yahay shaqadaada iyo  maskaxdaadaba qofkastana waxa looga baahan yahay in marka alle uu wax siiyo uu noqdo qof dadkiisa iyo dalkiisaba wax gashan kara isaga oo ka caawinaya dhinacyada aasaasiga ah sida

        i.            WAXBARASHADA

      ii.            CAAFIMADKA

    iii.            MAALGASHIGA

     iv.            BIYAHA

       v.            NADAAFADA

INTAAS aan kor ku soo sheegnay qofkasta wuu ka horumarin karaa dalkiisa oo siyaabo badan ayuu uga hor marin karaa haday fikrad tahay iyo haday maalgalin tahayba. Kuna dayo dadka aad is leedahay wax badan ayay dalka u tareen.

Qofkasta oo muwaadina waxa looga baahan yahay inuu dadkiisa ka caawiyo dhinacyadaas badan ee aan kor ku soo sheegay oo uu ogaado in dalkiisu markasta u baahan yahay meelkasta oo uu kaga nool yahay caalamka.

 

SIDA KHAYRAADKA LOO HORUMARIYO LOOGANA FAAIDEYSTO.

Somaliland waxa ka buuxa khayrad badan oo aynu ka gaajoonayno kaas oo u baahan maskax iyo muruq una baahan maalgalin . hadaba waxkasta oo aad jeceshay ogow inaad gaadhaysid hadaad ku dadaasho .

Khayraad badan ayaa dalkeena kana kaas oo haddii laga faaideysto aynu wax badan ka helayno sida in dalkii shaqo abuur helo,in adigu shaqsi ahaan aad ka faaido, iyo in dalkaagii magac ku helo wax soo sarkaaga sida shirkado badan oo maanta dalka ka jira sida COCO COLA COMPANY.

HADABA ISKU DAY INAAD SOMALILAND KA HESHO DHAMAAN FURSADAHAN

Warshada kalluunka

Warshada caanaha

Warshada hilibka

Warshada sonkorta

Warshada milixda

Warshada  dharka

Warshada baabuurta  iyo warshada kabaha  iyo qaar kaloo badan oo aad iga helayso hadaad ila soo xidhiidho.

 

ISKA ILAALI DHAMAAN WAXKASTA OO NAFTAADA DHIBAYA

Runtu waxay tahay in dadkeena oo arkaya dhibkii in ay gacmahooda ku raadsadaan tusaale ahaan hadii aad sigaar iibsanaysid waxa ku qoran iska jir naftaada ayuu dilayaaya caafimaadkana uma fiicnee hadana ma garanayo wax ku dhacay dadkii oo iibsanayaan.

Hadaba waxaan dadka isticmaala waxyaalaha aan nafta u fiicnayn sida qaadka sigaarka iyo waxkasta oo la mida inay iska daayaan oo aanay naftooda ku dilin kuna badashaan wax dhaama . waxaanan arkay dad dhalin yaraa oo siday balwad u cunayeen aad maanta naftooda iyo noloshoodaba ka naxaysid.

N.B

I.            FADLAN ISKA ILAALI WAXKASTA OO HOOS U DHIGAYA NOLOSHAADA, DIINTAADA, DHAQANKAAGA,KUNA BADALO WAXKASTA OO NAFTAADA IYO DIINTAADABA KOR U QAADAYA.

II.            Ku dadaal inaad wax badan ku soo kordhisid dadkaaga,dalkaga,diintaada,dhaqankaaga

III.            Aynu gacmaha is qabsano oo horumar gaadhno

IV.            Noqo qof wanaag ka sheekeeya laakin xuman maya.

V.            AAMIN,diintaada,dalkaaga,dadkaaga,dhaqankaaga.

 

Farhan Mohamed Hassan (Rakad)

 Email: farxaanmxd@gmail.com 

TELL: 252263–4400319

 Hargeisa

   Bachelor of management science and information technology

Social activist

Thank you all

Post number:  RP35