Ururka Somda Oo Wax Soo Saarkiisa Ku Soo Bandhigay Carwo Lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

0
33

SomdaHargeysa(Waaheen) Hay’adda maxaliga ah ee Somada ayaa shalay munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ku soo bandhigtay wax soosaarkeeda.

Munaasibadan oo lagu soo bandhigayey wax soo saarka xaga hilibka xoolaha gaar ahaan qaybaha aanay dadka Somalida  ahi aad uga faa’iidaysan kuwaas oo siyaabo kala duwan loo isticmaalo ayaa waxa ka soo qayb galay xubno ka mida golaha wasiirada Somaliland, maayarka caasimada Hargeysa, masuuliyiinta ururka Somda iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha ururka Somda Mr Siciid  oo ka hadlayey munaasibada uu ururkaasi ku soo bandhigayey  wax soo saarkiisa ayaa waxa uu sheegay in ururka Somda uu carwadii hore kaga soo baxay tijaabadii wax soosaarkooda waxaanu yidhi “ururka Somda imika uguma horayso inuu sidan oo kale u soo bandhigo wax soo saarkiisa, balse carwadii sanadkii hore ee wasaarada qorshayntu qabatay waxaanu ku soo bandhignay wax soo saarkayaga.” Ayuu yidhi gudoomiyaha ururka Somda.

Gudoomiyaha ururka Somda oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “dhawaan mar aanu dalka ingiriiska kaga qayb galnay Carwo lagu soo bandhigayey wax soo saarka hilibka xoolaha waxaanu ka galnay kaalinta 40aad  iyada oo ay carwadaas ka soo qayb galeen wadamada hore u maray ee leh warshadaha  waaweyn.” Ayuu yidhi gudoomiyaha ururka Somda Siciid.

Wasiirka qorshaynta qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo iyaguna munaasibadaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyey wax soo saarka ururka Somda.

Ururka somda ayaa inta badan bulshada Somaliland u soo bandhiga sida looga faa’iidaysan karo hilibka xoolaha isla markaana looga samayn karo waxyaabo badan oo ay bulshada Somaliland u baahan tahay.