Qor-1aad iyo Dhibaatooyinka iyo Dareenka Quusta ah ee Saameeyey Haldoorkii Dhalinyaradii Somaliland‏

0
95
qorDhalinyarada S/land ee da’doodu tahay 18 ilaa 28 jirka oo ah cimriga qofka ibnu-aadamka  ugu muhiinsan ee uu qofku mustaqbalka noloshiisa uu salka u-dhigo ee uu meel-ku-hubsado ayaa Somaliland aad u-dayacan oo marin-habaabsan oo aan ceelna-u-qodneyn cidina u-maqneyn. kadib markii ay xukuumadu ay aduuna u-huri weydey talona u-huri weydey. ardeydaa oo badankoodu ay soo kala dhameysteen 70 dugsiye sare iyo 17 ka Jaamacadood ee Somaliland,   dhalinyaradaa oo iyagu dhinacooda ka dadaaley ka dib markii ay waxbarashadoodii ay ku soo dhameeyeen duruufo kala duwan oo aad ugu adkaa.
 Hadaba su’aasha la is weydiin karaa waa Maxaa dhalinyarada  ku falifey inayTahriibaan oo ay naftooda haligaan?
– Waxaa dhalinyarada saameeyey dareen quus ah oo ay naftoodii is-weydey ka dib markii ay xukuumada Siilaanyo ay kaga baxdey balan-   Qaadyadii afka baarkiisa ahaa ee ay u-balan qaadey waqtigii ay doorashada  ku jirtey  iyo 3 dii sanadood ee ay doobineysey ee ay dhibi-shaxleyneysey ee ay doogsin carareysey.
-Waxaa dhalinyarada qalin-jebisey taabatey oo saameysey cadaalad darada , wax-is-dabo marinta, musuq-maasuqa iyo qabyaalada dulaca furatey ee ay xukuumada Siilaanyo la-sibiq -dhaqaaqdey sadexdii sanadood ee ay qawdhameysey  ee ay qaldhabeysey ee  ay ku  jeedey malabsiga iyo futeyta hantidii yareyd ee dhalinyarda shaqooyinka loogu abuuri lahaa ama mashruuca gur-madka qaranka loogu fulin  lahaa.
-Dhalinyarada Somaliland oo ah bulshada somaliland badankeeda laguna qiyaaso 65% ayaa waxaa si ba’an u-saameeyey sanadahan
 duruufaha is-dabo-yaaca ah ee  dhaqan-dhaqaale  ee  siyaasadeed, qabyaaladeed eexda iyo qaraabo kiilka xadhkaha goostey  oo dhaxalsiisey fursad la’aan, taba-bar-la’aan, shaqo la’aan, talo la’aan, mada daalo la’aan dhamaan wadanka ku baahsan oo aaney xukuumadu xil-iska saarin sidii ay u-wajihi laheyd una maa-reyn-laheyd.
Markii ay xukuumadii iyo golayaashii qaranku ay daneystayaal is-xanbaar ah  noqdeen  oo  la is xisaabin waayey ee xilalkii loo kala igmadey la gudan waayey ayaa maatidii, wax-ma-garatadii iyo dhalinyaradii  qalin jebisey ee hal-doorkii wadanku ay intuba dayacmeen oo tahriib-miciinsadeen.waxa waxgaradka wadanku isku raacey iska daa miisaaniyad  wax loogu daree    in lacagaha madaxtooyada ku qul-qulayaa qeyb ka mid ah in shaqo lagu-abuuri karo sida in  yar oo ka mid ah lacagta dekeda, lagacta haamaha, lacagta majraxa xoolaha, lacagta wadooyinka, lacagta maraakiibta kaluunka laga qaato, lacagta dilaalnimada looga qaato shirkadaha sahamiya batroolka iyo hantida maguuraanka ah ee wadanka.lacagahaa oo aan soo marin wasaaradii maaliyada oo aan hadana ku jirin misaaniyada qaranka ee si qusum iyo qoon ah loogu tagri falo oo loo lunsado.
Hadii maanta la isku raacey in caqabadaha isbarkan  ee dhalinyarada S/land haystaa ay hiin kuwan hoose.
Sidee baa wax-looga qaban karaa oo loo soo yareyn karaa? maa-daama ay dhaliyarada waxbarashada sare soo dhameysaneysaa ay sii badaneyso sanadba sanadka ka danbeeya sanadkan 2013ka la filanaayo in ay dugsiyada sare iyo jaamacadaha wadanka   ay soo dhameeyaan ardey gaa-dheysa   ilaa iyo    15,000    oo ardey. Waxa  dhalinyaradii,  kiriimkii , haldoorkii, madaxdii mustaqbalka ee Somaliland biyo dhigay caqabadahan is huwan ee hoose:
Shaqo la’aan ( Lack of employment opportunities)
– Tababar La’aan ( Limited access to training)
– Talo La’aan ( Lack of career and Education Counselling)
– Higsasho La’aan ( Lack of positive Role Model)
– Dhaqaale la’aan ( poverty)
– Madadaalo La’aan, hadey noqoto Sports ama Madadaalo kaleba
– Iskaa –Wax uqabso La’aan ( lack of Volunteerism and Work experience)
– Waxbarsho La’aan ( shortage of vocational training schools and teachers)
– Goobo Mada- daalo  la’aan (lack   of youth and cultural Centres)
– Inkasta oo dhawaan dhalinyarada somaliland loo ogolaadey in ay ka qeyb qaataan siyaasada hadana waxaa  weli  jira (limited political  participation) oo dhalinyarada ganafka ayaa lagu riixayaa.
– Kadib intii ka danbeysey doorashadii xaqdarada iyo xaaraanta ku dhamaatey waxa dhalinyaradii S/land ku soo korodhey qodobo cusub oo hor leh oo ay ka mid yihiin.kuwan hoose :
– lack of identity and self-image
– lack of sense of  individually  self-esteem
– lack of beloging and acceptance
-lack of direction/optimism for the future
-Evidence of no ambition or aspiration for the future
– Significant lack of motivating factors
-Negative attitude towards current situation
-Inability to self motivation or deal with setback.
Sidaa daraadeed waxaan xukuumada u-soo jeedineynaa in ay sida uga dhakhsaha badan ay arimahan wax-uga qabato.
oo dhalinyarada loo bilaabo waab-hawleedyo lagu wacyi geliyo oo isdabo joog ah (on-going work-shops ).
la soco qormooyinka danbe———————————??
Alleh ayaa mahad leh
Waa-lahum-Aclam Waa-bilaahi Towfiiq
A/rahman fidhinle
Intensive Ed-PA
United Kingdom