OPEN LETTER TO MINISTER OF CIVIL AVIATION.

0
88
MAQAAL11Farriin ku socota wasiirka duulista iyo hawada. Waxa aan ka soo duulay madaarka Berbera daraad oo ah 23/05/2013. Waxa aan sitay alaab ay ka mid tahay jaad aan ula socday Addis-Abeba.
Layab markii aan imid madaarka ayaa la igu idhi Jaadka lama raacaysid diyaarada, waxa aan u sheegay dadka aad tayadoodu shaqo ahaan u liidata ee madaarka ka shaqaynaaya in aan ku jeedo Addis-Abeba. Ethiopia halkaas oo Jaadku inooga yimaado, waxa aan kale oo u raaciyey in dalkeena aanu Jaadku ka mamnuuc ahayn sidaas darteed waxa aan waydiiyey sababta ay jaadka iiga reebayaan. Xataa jaad waan soo googooyey oo intii la cunilahaa ayaan sitaa.
Waxa ay ii sheegeen kuwan madaarka joogay in ay fulinayaan amar ka soo baxay wasiirka Duulista.(Ogawna dalkeena jaadka waa lagu cuna meeshii aan ku socday ee ah Ethiopia waa meesha uu jaadku inoga yimaado. Amarka caynkaas ahi waa mid CASHWAA’I ah. Sida roobka dabayshu wado. Waana mid aan micne samaynaynin.Iminka oo aan rajaynaayo in ay noqon doonto markii iigu danbaysay ee aan ka soo dego maadrka Berbera am aan ka dhoofo waa ii markii 3aad ee aan kula kulmo amaro aan la yaabo, iyo dad tayada shaqadoodu aad u liidato oo aad moodid in dadka dhoofaya ay amar askari ay ku ridayaan.Layaabka kale ee aan arkay
Dad cadaan ah oo dhoofayey si fiican bay ula macaamilayeen, laakiin qofka marka ay soomaalilander u arkaan miciyo libaax bay yeelanayaan.
Waxa aan in badan ka dhoofay madaarka Hargeysa oo dadka ka shaqaynayaa ay yihiin dad ixtiraam iyo hadaardad iyo shaqo hufaan iyo waxii musaacado aad uga bahatid qalbi furan kaga helaysid.( waxa ay mudan yihiin mahadnaq iyo mudnaan.
 
Waxa aan weydiinayaa mudane wasiirka Duulista: waxa amarkaasi salka ku hayo. Iyo waxa warbaahinta loogu faafinwaayey si aanay dadka mufaaja’o ugu noqon marka ay madarka uun yimaadaan.
Waxa  xusid mudan in madaarada dalalka ayno jaarka nahay aan la barbar dhigi Karin madaarkeena Berbera  oo aan qabo in aanu ku sifoobi Karin ( International airport) hase yeeshee waxa la yidhi togba taagtii iyo rogmadaa laakiin iyada oo qofka soomaalilanderka ahi  ay tahay in uu u hanwaynaado oo u dulqaato waxyaabaha dhaqaaleheenu ino asmixiwaayey,regardless what current nationality such Somali lander is, or what passport he is holding, Isaga oo taa xamilaaya intee buu xamili karaa anshaxa aad u  liita iyo awaamirta sida weedhka roobka ah.
Waa A. Xuseen Dhegjar.