Oday 92jir ah oo guursaday gabadh 70sanno kayar

0
33

666Nin da’diisu tahay 92jir Ciraaqi ah ayaa guursaday gabadh 70sannadood ka yar,arrintan oo ka dhacday magaalo ku taal waqooyiga Baqdaad,isaga oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay guurkooda.

Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Al-Mujamac ayaa guursaday Muna Mukhlif Al-Juburi oo 22jir ah khamiistii lasoo dhaafay,saddex sanno ka dib markay ka dhimatay xaaskiisi u horeeyey oo 58jir ahayd degankiisa oo uu kuyaal degmadda Gubban ee koonfurta magaalada Samarra ee waddanka Ciraaq.Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan guursado Muna iyada oo ay kasoo qaybgaleen carruurtaan awowga u ahay”sidaa waxa AFP u sheegay Maxamed xafladii guurka ka dib,isgaa oo intaa ku daray inuu dareemayo  20jir inuu yahay.Xafladda guurka ayaa socotay 4saacaddood iyada oo muusig iyo qoobka ciyaar ba lahayd,waxaana loo riday qori  loogu dabaal degayay,waxaana kasoo qayb galay  oday dhaqameedyo iyo hogaamiyeyaal diimeed.