Muwaadin ku taliyay in Mucaaradka boodhka laga tumo ama Musharax madax banaan lagu daro Xeerarka Doorashooyinka

0
81

muwaadinRoma(Waaheen) C/qani Ismaaciil Foodcade oo ka tirsanaan jiray Xisbiga Kulmiye hadana ku sugan Dalka Talyaaniga oo uu Tahriib ku tagay ayaa ku taliyay mar uu Waaheen khadka Telefoonka xalay kula soo xidhiidhay in Axsaabta Mucaaradka ah Boodhka laga jafo si looga badbaadiyo Dalka xukuumadda kootada ku qabsatay siyaasadda Dalka.

Sidoo kale waxa uu ku taliyay in wax ka bedel dhakhso ah lagau sameeyo Xeerka Doorasahada Xeer No: 14, kaasoo uu soo jeediyay in lagua daro Musharax madax banaan in uu isku taagi karo Doorashada soo socota, si loo helo siyaasi aan ka tirsanayn Axsaabta jirta, maadaama aanay wax badani isbedelin.

Waraysi dhinacyo badan taabanaya ayuu C/qani kaga waramay arrimo door ah oo ay ka mid yihiin dhibaatada Tahriibka, isku shaandhayntii Madaxweynaha ee u danbaysay iyo Siyaasadda Dalku halka aya marayso, waxaanu ugu horay ka jawaabay su’aal laga weydiiyay dhibaatada Tahriibka waxaanu yidhi “ waa masiibo Afrika iyo Adduunka ka jirta, waxaana Somaliland ugu wacan shaqo la’aanta iyo dhibaatooyinka maamul xumo ee dalka ka jira, awal hore waxa ay ka iman jhireen Burco iyo Boorama, laakiin imika Hargeysa ayaa ugu daran oo waxaad arkaysaa carruur aan qaan-gaadhba ahayn” ayuu yidhi

Isagoo ka waramaya dhibaatooyinka ay Talyaaniga kala kulmaan iyo talada uu hayo waxa uu yidhi “ Talyaaniga dhibaato weyn baa ka taagan oo maaha sida Yurubta kale dad qaabila dadka magan gelyo doonka ah ama Qaxootiga ah, shaqo la’aan baahsan baa ka jirta iyo murano siyaasadeed dadka yimaadaa dariiqyada ayay seexdeen Cajalad bay kaa duubayaan iyo faraha oo ay akaa qaadayaan meel kasta oo aad tagto dhibaato ayay arrintaasi kuu keenaysaa, markaa inkasta oo ay Rag iyo Dumar dhibaatadda Tahriibku saamayso, hadana waxaan kula talin lahaa Hablaha reer Somaliland ee aan aadka u jecelahay waxa u dheer rafaadka dhibaatada Jinsiga ah ee loogu geysanayo jidka dheer in ay iska joogaan oo dalkooda Iimaansadaa.” Ayuu yidhi

Mar uu ka jawaabayay su’aal ku saabsanayd sida ay ula socdaan arrimaha siyaasadda eek a taagan Somaliland waxa uu yidhi “ anigu waxaan ahaa dadkii aasaasay Xisbiga Kulmiye 2002-dii markii laga soo noqday geeridii Marxuum Cigaal, markii uu Siilaanyo talada qabsaday waxaad moodaa mucaaradkii inuu meesha ka baxay oo ay taladii ku soo koobantay xisbi kali ah, waxaan qabaa in Mucaaradka boodhka laga jafo oo shir qaran loo qabto, ama in Xeerka Doorashooyinka No:14 lagu daro in Musharax afraad oo Madax banaan ku tartamo” ayuu yidhi

 

Isku shaandhayntii Madaxweyne Siilaanyo dhawaan Xukuumadiisa ku sameeyayw axa uu ka yidhi “ dadku aad bay u naawilayeen, Madaxweynuhu halkii ay ahayd muu abaarin, dancab dad cusub wuu soo kordhiyay sida Maaxamed biixi Yoonis, Shugri X Ismaaciil Baandare iyo Cali Warancade, balse inta kale oo dhami waa ka daba tuur oo wax badan ma soo kordhinayaan” ayuu yidhi