Madaxweynaha Somaliland oo Kormeer ku tagay Wasaarado iyo Hay’ado .

0
46

ddHargeysa (Waaheen)- Madaxweynaha Somaliland Mudane:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kormeer kadis ah oo hawleed ku soo maray qaar ka tirsan xarumaha wasaaradaha iyo Hay’adaha qaarkood, kuwaasoo ay ka mid yahiin wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Madaarka Caasimadda, Xarunta Dawladda Hoose ee Magalada Hargaysa iyo Cisbitaalka caruurta ee Dr. Maxamed Aadan Sheekh.

Madaxweynahu waxa uu kormeerkiisa ugu kuur-galay hanaanka shaqo iyo ta shaqaale ee hay’adahaasi, halka sidoo kalena uu warbixino ka dhegaystay mas’uuliyiinta kala duwan ee hay’adahaasi, waxana kormeerkiisa ku weheliyey mas’uuliyiin kala tirsan Xukuumadda.

Intii uu Madaxweynahu kormeerka ku joogay Xarunta wasaaradda warfaafinta, waxa uu mid mid u galay xafiisyada kala duwan ee waaxyaha wasaaradaasi isagoo si rasmi warbixino ku saabsan qaabka shaqadu u socoto iyo baahiyaha u baahan in la daboolo uga dhegaystay mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Wasiirka Wasaaradda Warfaafiinta Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Agaasimaha guud Md Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, Maareeyaha TV-ga Qaranka Md Khadar Xasan Cali Gaas iyo Agaasimayaasha waaxyaha kale ee wasaaraddu ka kooban tahay.

Dhanka Kale Waxa uu Madaxweynaha Somaliland u Kicitimay Dhanka Dawlada Hoose ee Magaalada Hargeysa isaga oo halkaasi kula kulmay Madaxda Dawlada hoose iyo xildhibaanada golaha deeganka isaga oo warbixino ka dhegeystay warbixino ku saabsan hawlaha qaranka ay u hayaan, intaasi ka dib waxa uu madaxweynuhu kormeer ku soo maray Guud ahaan xarunta Dawlada Hoose ee hargeysa.

Wax kale oo uu madaxweynuhu Kormeerkasi ku tegey Cisbitaalka caruurta ee Dr. Maxamed Aadan Sheekh oo ah mid loogu tallo galay Xanaanaynta caruurta oo ay gacanta ku hayaan Dhakhaatiir Talyaani ah, waxanu warbixino ka dhegesytay Maamulka Dhakhtarkaasi iyaga o uga xogwaramay sidda ay hawlaha u wadaan iyo daryeelka ay caruurta Somaliland u Fidiyaan.

Waxa kale oo uu Booqday Madaxweynaha Somaliland Madaarka Caalamiga ee Cigaal oo Dib u dhis uu ka socdo dhinca Runwayga ay Duwaaraduhu ka hadan waxaanu warbixin ku tacaluqda Hawlaha shaqo ee ka socda madaarka ka dhegeystay Maamulka Wasarada iyo Madaarka.

Gabogabadii Madaxweynaha Somaliland Markii uu Kormeerkiisasi soo dhameystay waxa uu dib ugu guryo noqday Qasriga madaxdooyada Somaliland.

Kormeerkan madaxweynaha ayaa waxa ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Md.Cali Warancade iyo Taliyaha Booliska ee Somaliland iyo Masuuliyiin kale.