Gabadh iibisay ilmo yar oo ay dhashay oo la xukumay

0
83

daaGabadh iibisay ilmo yar oo ay dhashay ayaa lagu xukumay 3sanno oo xadhig ah waddanka Imaaraatka.Gabadhan oo siisay ilmaheeda lacag dhan 4000 lacagta imaaraadka ah,ayaa  kasoo jeeeda waddanka Indonesia waxaana lagu soo oogay dacwad ah kaganacsiga dadka(Human Trafficing),waxaanay sheegtay inaanay maskax ahaan caadi ahayn markay ka iibisay inanteeda yar gabadh boolis ah oo iska dhigaysay lammaane doonaya inay ilmo iibsadaan.Waxay doonaysay inay iibiso ilmaheeda yar  waayo lacag ayay u baahnayd,waanu u yeedhnay waxaananu kala xaajoonay qiimaha iyada oo wax naga daysay markii dambe,sidaa waxa maxkamadda u sheegtay gabadha soo qabatay oo  booliska imaaraadka ka tirsan.Iyada oo inta ku dartay inay ku kulmeen meel lagu magacaabo Al Qusays oo markii lacagti la siiyay ay iyaduna u dhiibtay ilmihii yaraa.Gabadhan ayaa qiratay dambiga lagu soo oogay markii baadhistu socotay,iyada oo sheegtay inay Imaaraatka u timid inay ka noqoto jaariyad sannadkii 2011kii, laakiin ay iskaga tagtay shaqadii sannad kadib iyada oo ku biirtay dadka jidhkooda ka ganacsada.Waxay tidhi”waxaan ka shaqeeyay ilaa 10 meelood waxaanan lahaa macmiil badan.Waxay tidhi waxaan jeclaaday wiil Pakistani ah waxaanu iga codsaday inaan iska daayo hawshan aan ku jiro taabadalkeedana uu isagu i biilin doono,waxaan se yeeshay uur waxaanu iga codsaday inaan iska soo rido,laakiin waan diiday,isaga oo ka cadhooday arrintaa waanu iskaga kay tagay.Ilmihii yaraa hadda waxa lagu daryeelayaa xarunta daryeelka carruurta iyo dumarka ee Dubai.