Xukuumadeena Kulmiye,Lumiye, Dulmiye, Dumiye oo hagratey shacabkii doortey..‏

0
166

Waxaa dastuurka Somaliland uu muwaadinkasta oo Somalilander ah uu u-damaanad qaadayaa oo uu xaq-u-siinayaa in uu aragtida fikirkiisa, qor5dhiibashada rayigiisa, cabirista maskaxdiisa, hilaadinta indheer-garad-nimadiisa, abaabulka dhigiisa, sheegista iyo meel-marinta taladiisa, edeeynta iyo toosinta xukuumadiisa uu intaba uu xor u-yahay , xaqna u-leeyahay isaga oo dhawraya oo aan ku-talax tageyn milgaha, karaamada iyo xuquuqda muwaadin-kasta  uu siiyey dastuurka qaranku,  Waa hadii aynu run-sheeg nahay oo ay  inaga dhab-tahay in aynu dhab-dhabano oo kab-kabano oo dhirin-dhirino ( Dimuquraadigeena silan ee saboolka ah ee saqiirey ee solmay  ee socod-baradka ah ee sii ragaadaaya ee ra-ranka maanta saarmey)

Waa xukuumadeenii kulmiye oo waxay kulmisey xeer-dejintii,wakiiiladii,guurtidii iyo xisbiyadii taas oo intaaba isugu -keentey hal-xisbi oo noqdey is-xanbaar is-barkan taas oo meesha ka saartey kefedii miisaanka, haykalkii dawladnimo,  karaamadii iyo higsigii habsami-u-socodkii hawlihii qaranimo.Waa xukuumadeenii  kulmiye oo waxay kulmisey intii xero ka weydaarka aheyd ee aan u-damqaneyn ummadeena baahan ee debed-yaalka u-ah dac-darada dabeecada ku-waas oo aan weli  wax-la-taaban-karo aan ummadda u-qaban.Waxa taa ka sii-daran waxa ay  la sibiq dhaqaa-qeen qabyaalad duluca furatey oo noqotey tusbax-furmey iyo  musuq-maasuq xadhkaha goostey, ku waas oo  ku caan-baxey in ay fag-taan, fadhateystaan oo futeeyaan hantidii ummada iyo  cashuurtii laga soo qaadey hooyooyinkii fadhiyey sariibadaha suuqyada bacadka ah ee aan qoraxda ka-dedneyn.

Waa xukuumadeenii lumiye oo waxay lumisey kal-soonidii iyo ilaadadii maajooratigii shacabkii reer Somaliland ee soo doortey ka dib markii ay xukuumadii baal-martey balan-qaadyadii ay shacabka u-balan qaadey ee ay  ku-fashilantey ee ay  wada noqdeen balan-qaadyadeedii madan- afka baarkiisa ah iyo mikirifoon been ah oo lagu adimo, taas oo hada lagu bartey oo dhalinyaradii xukuumada u-hanka weynaana uu saameeyey dareen quus ah oo ay ka door-bideen in ay wadanka ka haajiraan oo naftooda ku biimeeyaan badaha iyo saxarayaasha kulul ee lama degaanka ah oo maanta  raqdoodii haadku ku feento.

Waa xukuumadeenii dumiye oo waxay dumisey oo baal-martey  sharciyadii wadanka u-yaaley  bal-hada eega qodobkan sida ay ugu dur-durisey : Qodobka 39-aad dastuurka qaranku wuxu cadeynayaa in golaha wakiiladu ay yihiin xubno ka wakiil ah dadweynaha waana qeybta 1aad ee xeer-dejinta dalka ee ansixisa xeerarka, kuwaas oo ka masuul ah ogolaanshaha iyo ilaalinta siyaasada guud ee hogaaminta dalka. Xeerkani wuxuu isna ramiimka noqdey ka dib-markii xukuumada siilaanyo ay si-ba’an u-fara-gelisey isku-dhellitirnaantii awoodii dawladnimo taas oo ay ku milantey oo ay shidhka u-gashey oo ay ku fasaqantey golihii xeer-deginta iyo gar-soorkii wadanka, halkaasana uu qodobkaasi ku-bur-burey oo ay meesha ka baxdey is-xisaabintii iyo xil-gudashadii la isku  kantarooli jirey. halkaas oo maanta ay xukuumadii Siilaanyo noqotey Gaadhi-bilaa-bireg ah oo aan cidina odhan karin (stop) oo cid-walba jiidhaaya.

Waa xukuumadeenii Dulmiye oo waxay dulmidey shacabkii Somaliland ee codkooda ku doortey bal-eeg shaqadii yareyd ee soo baxda oo lagu qoranaayo yaa tahay iyo meeday warqadii wasiirku,shaqaalihii khibradaha badan lahaa ee 20ka  sanadood soo shaqeynaayey oo la dulkeenay oo laga sareysiiyey inamo yar- yar oo aan khibrad shaqo wadan oo dabo ka nuug wada-ah.boobkii hantida qaranka oo noqotey dar-darsi, qaado aan qaatee iyo  timir xabaal taala.Cashuurtii wadanka oo ganacsatadii nina loo jebinaayo nina lagu kordhinaayo si ninka aan la dooneyn ee aan gacan wadaaga aqoon uu suuqa uga baxo, ninka la wato ee kooxda ka midka ahina uu dhakhso uu hodan ugu noqdo. waxa ay dulmi ka shaqeysatey  ardeydii tiradoodu aheyd 6649 ardey ee sanadii 2012 kii ka-kala qalin-jebiyey 17 jaamacadood ee wadanka taas oo xukuumadeena dulmiye ay ku-fashilantey in ay aduun uga qoondeyso miisaaniyadii mala-awaalka aheyd ee ay sanadkan soo dhoob-dhoobtey ee ay afar-laa-been ee ay gaadh-siiyeen ilaa $170 Miyan ee Dollar.Waxaa ay xukuumadu iska indho tirtey baahiyaha dhaqan dhaqaale ee haysta dan-yarta Somaliland iyo sicir-bararka isa soo taraaya ee heerka nolosha dan-yartu ay maanta  taxada ku sii socoto.

Waxaa maanta Somaliland ka jira xaqdaro tii abid ugu xumeyd ee binu-aadam laga galo bal-eeg dhulka danta guud ee Berbera oo muwaadiniintii dawladihii xukuumada siilaanyo ka horeeyey ay dhuka sife sharciga waafaqasan ay ku siiyeen oo xaqoodii  la duudsiyaayo oo la leeyahay dhulku waa dan-guud ,hada qabso oo waxaa  si-xaqdaro ah loo siinayaa muwaadin kale oo ganacsade ah oo gacan wada-daaga yaqaana.Bal-eeg sidii wadanka loogu qaybiyey ceelashii biyaha, bal-eeg sida loo qayb-sadey qan-daraasyadii wadanka, bal-eeg sidii loo qaybsadey anfacii iyo Liisamadii wadanka oo intaaba lagu qaybsadey si silan oo sirgacan oo sabool ka ah  sinaan iyo cadaalad.

 

Guntii  iyo gunaanadkii qormadan-  Weli Somaliland may soo marin xukuumad tan oo kale ah oo  daani ah oo hadana dilaaliin ah oo bilaa karaamo ah oo la kharash ah ilaa iyo 7da  Wasaaradood ee wadanka ugu  muhiimsan, Taas oo madax-tooyo  ahaan iyadu isu qoondeysey oo iska fuudh-yeeshay ilaa iyo afar-mee-lood, meel-ahaan  1/4 Misaaniyadii  qaranka ee  ummadda danyarta ah ee aynu xaalkeeda wada ognahay shaqooyin loogu abuuri  la-haa ee lagu bad-baadin lahaa hal-doorkii dhalinyarada oo naftoodii badaha waa-weyn ku-haligaaya.

 

Alleh ayaa mahad leh,

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Billahi-Tawfiiq

A/rahman fidhinle

UK- London