Taageero Bayaanka aqoonyahanka & dhalinta Beelaha Daauud Ismaaciil ka soo saareen Hargeisa.‏

0
81

Asalamu calaykum. Bacda salaan, waxaan halkan uga mahad-naqayaa warbaahinta madaxa banaan gaar ahaan  Waaheen Media Group  oo noqday hormoodka saxaafada Somaliland. Hadii aan u soo daadego dulucda qoraalkayga, waxa aan halkan hambalyo iyo taageero uga dirayaa aqoonyahanka & dhalinyarada beelaha Daauud Ismaaciil(Ciidagale) oo shirar ay yeesheen ku soo saaray bayaan ka kooban 5 qodo. Waxa aan leeyahay xaq aad leedihiin ayaad soo bandhigteen, waxaanan aaminsanahay in beeshu muujisay dulqaad farabadan intaaba waxa ay ka dhursugaysay balanqaadyadii uu madaxweyne Siilaanyo oo tiraba ilaa 5 goor oo beeshu tabashadeeda u bandhigtay ku celceliyay balanqaadyo aan ilaa hada waxba ka fulin. Markii ugu horaysay ee uu madaxweyne siilaanyo soo dhisay cabinet kii ugu horeeyay waxa uu Siilaanyo ku afgobaadsaday in uu soo dhisay xukuumad kooban balse dhawr goor oo kale uu balaadhiyay cabinet ki xukuumadiisa isagoo markaste sed bursiimo u samaynayay beelo gaara halka uu beesha Ciidagale in wax ka dhacaan mooyaane aanay waxba u kordhin tani oo fajac gelisa beesha. Sidoo kale, waxa beeshu weyday mudadii  Xisbiga Kulmiye talada dalka saami-qaybsigii ay xaga ugu lahayd hadii ay tahay haayadaha madaxa banaan, wakaaladaha iyo shaqaalaha xarumaha dawlada. Waxaanan leeyahay madaxweyne “Rag cadaalad waayay, kala yaac sidii CAWL”, hadii ay sii socoto cadaalad darada hada taagan waxa ka dhalan doona cawaaqib xumo masuuliyadeeda aad dhabarka u ridan doonto.

Xukuumada waxan u soo jeedinayaa inay degdeg uga jawaabaan bayaanka iyo dalabka aqoonyahanka & dhalinyarada beelaha daauud Ismaaciil(Ciidagale) hadii kale waxay noqot doontaa in beeshu isku noqoto iyadoo ka fiirsanaysa siday u qaadi lahayd talaabooyinka ku haboon ee xaqeeda ku soo dhacsanayso.
Wabilaahi Tawfiiiq