Musuq maasuq laga soo sheegayo Madaarka Aadan Cade ee Muqdisho

0
359

Muqdisho-(Waaheen) Dhowaan ayaa shir golaha wasiirada ee dowladda Somaliya yeesheen looga dhawaaqay in shirkaddii garoonka Diyaarada caalamiga Adan Cabdulle international airport horay u maamuleysay ee SKA laga wareejiyey lana siiyey Shirkad Turkish ah oo magaceeda lagu sheegay Favori LLC.

adan cade13/6/2013 ayaa war ka soo baxay shirka todobaad laha ee golaha wasiirada lagu sheegay in Shirkad Turkish lagu wareejiyey garoonka Adan Cabdule international airport.

Shirkadda Turkiga ah ee la sheegayo in garoonka lagu wareejiyey ayey warar soo baxaya sheegayaan in ay tahay mid dhowr bilood ka hor la sameeyey waligeedna aan Ayraboor ka shaqeyn.

Dabagal lagu sameeyey heshiiska ay Dowlada federalku la gashay Shirkadda Favori LLC ayaa waxaa ka soo baxaya faahfaahin muujineysa in uu jiro musuqmaasuq baaxad weyn iyo wax is daba marin xad dhaaf ah  oo xafiisyada Dowlada ugu sarreeya qaarkood ay ku lug leeyihiin.

Heshiiskan ayaa bishii janaayo ee sanadkaan waxaa si hoose oo qarsoodi ah Shirkada Turkishka ah ula galay wasiirkii hore ee gaadiidka Muxuyadiin Kaalmoy oo markas ku magacawnaa wasiirka gaadiidka iyo dekedaha iyo raisul wasaare Saacid.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo ku dhowdhow madaxtooyada Madaxweyne Xasan ayaa markii uu ka war helay heshiiska aad uga carooday is la markaana amray in la joojiyo  si degdeg ahna wasaaradda gaadiidka looga soo wareejiyey  Muxudin Kaalmoy oo ahaa wasiirkii heshiiska galay lana hoos keenay Cabdullahi CIIL MOOGE oo madax ka noqday wasaarada warfaafinta boostada isgaarsiinta iyo gaadiidka oo ayraboorkuna sii hoos tago.

Inta aan heshiiska la saxiixin waxaa ay shirkadda Turkiga ahi 24/1/2013 Bixisay lacag gaareysa $3Million oo Dollerka mareykanka ah taasi oo Nuskeed lagu shubay Bankiga dhexe , halka Nuska kalena aan wax raad ah laga heyn.

Intaa waixii ka danbeeyey Raisul wasaare saacid oo kaashanaya xubno ganacsato ah oo ay isaga shirka yihiin dhinaca kalana ay madaxweynaha qaraabo yihiin ayaa olole xoogan u galay Sidii uu heshiiskan ku socodsiin lahaayeen.

Raisul wasaare saacid ayaa Wasaaradii ay arrintani khusaysay ee gaadiidka iyo isgaarsiinta ka weeciyey isagoo  amray in Wasiirkii horay ugu  lugta lahaa musuqmaasuqa Muxuyadiin Kaalmooy uu heshiiska uga  warbixiyo golaha wasiirada ka hor intii aan gacanta loo taagin.

Guddi wasiiro  ah oo ay ka mid yihiin Wasiir ku xigeenka Maaliyada Maxamad Xasan, Wasiir ku xigeen Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, Ibrahim Yarow, Wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud Marwo Nadiifo iyo Agaasimaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayuu Ra’iisul wasaare Saacid u xilsaaray in ay hirgeliyaan heshiiska oo ay ka shaqeeyaan.

Gudigaasi ayaa Ra’iisuwasaaraha u gudbiyey  24/6/2013 warbixin dheer oo ay ku diideen gebi ahaanba heshiiska Shirkadda Turkiga lala galay iyagoo soo jeediyey in gebi ahaantiisba la kansalo. Ra’iisul wasaare saacid ayaa la sheegay inuu guddiga kala diray isagoo agaasimihiisii xafiiskiisa oo guddiga ka mid ahaana shaqada ka eryey wacadna ku maray inuu isagu shakhsiyan heshiiska meel marin doono.

Waxyaabaha guddigu heshiiska ku dhaleeceeyeen ayaa waxaa ka mid ah sida uu noo sheegay xubin ka mid ah guddiga oo aan dooneyn in la magacaabo.

 1-      In Shirkadda la sheegay in garoonka lagu wareejinayo aysan wax khibrad ah u laheyn maamul Ayraboor aysana waligeed  Garoon Caalami ah maamulin, islamarkaana ay ku lug lahayd musuqmaasuq keenay in madaxweynuhu heshiiska joojiyo.

2-      in ay ogaadeen  in Shirkaddu ay qaab aan sharciga waafaqsaneyn., u bixisay lacag gaareysa $3 million oo doller  oo nuskeed lagu shubay Bangiga dhexe ka dibna laga saaray iyadoo  nuskii kalena  aan la aqoonin cidda qaadatay iyo waxa lagu qabtay..

3-      In ay Shirkaddu garoonka maamuli doonto muddo 20 sano ah.

4-      In aysan Marnaba Shirkaddu dowladda Somaliya siin doonin wax canshuur ah, ilaa sedex sanana aan waxa soo gala wax laga waydiin karin.

5-      In Magaca ay Shirkaddu wadato ee FAVORI uu yahay Magac ay dhowaan Sameysteen laba Shirkadood oo Turkish ah oo midi qaabilsantahay dhanka amniga midda kalena dhismaha  iyo shirkad Somaliyeed oo lagu magacaabo wardheer oo ay leeyihiin ganacsato qaraaba dhow la ah madaxweyne xasan Sheikh maxamuud.

Raisal wasaaraha Dowladda Somaliya ayaa la sheegay inuu Markaa wixii ka danbeeyey isagu Shakhsiyan ku lug yeeshay wada hadal ku saabsan sidii heshiiskaas lagu meelmarin lahaa iyadoo taasna natiijadeedu noqotay in Raisul wasaaruhu uu isagu golaha wasiirada horgeeyey heshiiska oo iyada oo aan wax dood ah laga gelin gacanta loo taagay.

Dowladda Turkiga ayaa la sheegay iney dhankeeda Iska fogeysay Shirkadda la sheegayo in Dowladda Somaliya  Qandaraas la gashay iyadoo ay jiraan warar soo baxay sheegaya in Safiirka Turkiga ee Somaliya uu  dowladda uga digay  jiritaanka shirkadan been abuur ah oo la doonayo in lagu dhaco lacago yaalla dalka Turkiga oo   xilligii abaaraha Shacabka Turkigu u ururiyeen Shacabka Somaliyeed oo aan Weli la kharash gareyn, shirkadahaas oo ku dooda iney Somaliya wax u qabanayaan ayaa waxaa ka mid ah tan la sheegayo in ayraboorka lagu wareejiyey.

 Warkaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dabagalka Soomaaliya iyo Eritrea ay dawlada Soomaaliya ku eedeysay musuqmaasuq baahsan oo wiiqay kalsoonidii dawlada curdunka ah. Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in Kooxdani ay baaritaan ku hayso heshiiskan qaabkii loo galay, kadib markii ay ka warheleen sida wax u dheceen

Ugu danbeyntii saraakiil sar sare oo ka tirsan AMISOM  ayaa walaac ka muujiyey warka ku saabsan heshiiska ay dowladdu la gashay Shirkadda Turkiga iyagoo sheegay in aysan dhinaca amniga dartii  ku kalsoonaan Karin shirkad aan taariikhdeeda la aqoon in xiligan garoon Muqdishu ee Adan cabdulle gacanta loo geliyo.