GABOWDAYE GUURTIDA KU BIIR Qalinkii:Libaan xaji fagadhe Qormadii 3aad‏

0
102

 

DEELEY DAREENLEY

 

RAG ALLOW MADOOXAA

 

MA DILAACIYAA NABAR

 

Waa markhaati madoon  iyomuran reeb waa maalmo ina soo maray oo aynu milicsanayno waa manfac aynu leeney  misne aynu moog nahey ee bal aan miida iyo micnaha udaa dago .

 

Qormadii 3 aad

 

Heybada maamul iyo hanashada shacbigaad horjoogtaa waa hadyad uu bixiyo wahaabigu dadku waxay yidhaahdaan abeesadu markey ku qaniinto hadii aad ka badbaado markaad 50 jir gaadho ayey sunteedu kugu soo baxdaa hadaba shirkii Baligubadle ee 1990 waxay markaa mujaahidiintu muujisey in ay 6 dii sano ee Siilaanyo ahaa hogaanka SNM ay fahmeen siyaasadii xumeyd ee beertey qabiilka iyo kala fogaanshaha laga diga rogtey waxaa dhacdey intii uu hogaanka hayey SNM Axmed Siilaanyo inuu korneyladii qaar ay ku xidhnaayeen Ethopia nimankaasi qaarbaa nool waxase isweydiinle  Sababta ay hadana markii uu xisbiga Kulmiye ku dhawaaqey ay u taageereen  iyagaaba shacbiga uga aqoon badnaaye maalintaa ayuu qabasho lahaa markaan 1984-1990 iyo maanta aan eego is shabahaada siyaasadiisa ayaan xasuustaa nin mujaahida oo aad Siilaanyo u yaqaan ayaa mar aan joogey hargeysa waxa uu ii sheegey in uu mid aad ugu yaqaan oo ah hadii aad halmaalin wax qalada oo aad arkeyso isna uu leeyey waa sax oo aad tidhaa maaha Axmedow waa qalad oo sidaas ayaa sax halkii uu ka qaadanlahaa uu ku qaniino oo uu gows dambeedka kugu qabto waliba kuu qoslo ayuu maalinta uu jaanis helo sida Halaqa kuugu dhufanayaa qaniinyada deedna waynu naqaanaa qofka uu Maskaasi qaniino Aa hadii qofku yidhaa wuxuu yidhaa kuma qaniin. Hadaba yeynaan fogaane aynu taxanihii halkii ka sii wadno e waxay mujaahidiintii Baligubadle 1990 ku doortii Gudoomihii shanaad C/raxmaan Axmed Cali (Tuur) iyo ku xigeenkiisii Xasan Ciise Jaamac.

 

Alle ayaa inala jiree waxaa mujaahidiintii SNM soo qaadeen dagaalkii kama dambeysta ahaa ee ay taliskii siyaad bare kaga xoreeyeen cariga Jamhuuriyada Somaliland  dib ula soo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland, waxa ay ka dambaysay halgankaa qadhaadh ee Ururkii SNM oo taageero ka helayay shacbiga ku dhaqan dalkan, la galleen dawladii keli taliska ahayd ee Maxamed Siyaad Barre, ka dib markii uu tacadi, xasuuq iyo dhibaatooyin kale kula kacay shacbiga Somaliland.

 

Shirweynihii  Burco ee 1991 in badan ayaa laga dooday  go,aanaakaas goosahada  waxaa leysku raacey oo la go aansadey 18 May 1991 in ay jamuuriyadii Somaliland la soo noqotey madax banaanideeda maalintaa laga bilaabo waxaa xusuusmudan Guurtida SNM oo lagu dhisay shirwweynihii Lixaad ee SNM, Balligubadle, 1990-kii, oo lagu kordhiyay xubno ka socda Gobollada Awdal, Sanaag-bari iyo Sool. Waxa shir-guddoon ahaa Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar .

 

Magacyadii Guurtida saxeexday gooni-isu-taagga Somaliland ee ku qornayd warqaddii xambaarsanayd go’aanka la soo noqoshada madax-bannaanida waddanku waxay kala ahaayeen toddoba iyo toban qof oo uu weheliyo Xoghayihii Shirku, kuwaas oo kala ahaa

 

Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, Guddoomiye
Suldaan Maxamed Suldaan Faarax
Suldaan Cabdi Sheekh Maxamed
Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir
Suldaan Yuusuf Suldaan Xirsi
Suldaan Saxardiid Suldaan Diiriye
Suldaan Ismaaciil Muuse
Suldaan Rashiid Suldaan Cali
Suldaan Ismaaciil Suldaan Maxamuud
Axmed Sheekh Saalax
Sheekh Daahir Xaaji Xasan
Axmed Xirsi Cawl
Suldaan Maxamed Jaamac
Xasan Cumar Samatar
Maxamed Warsame Shiil
Garaad C/Qani Garaad Jaamac iyo
Suldaan Cali Muuse iyo
Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo ahaa Xoghayaha Shirkaasi
Markii ergada shirka Burco uu Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo ahaa xoghaya shirku u akhriyay natiijada shirka madax-dhaqameedka, waxa ay mujaahidiintu soo jeedisay qodob toddobaad oo ah: In mujaahidiinta SNM la siiyo mudnaanta xagga shaqada, kaas oo la oggolaaday.
Waxa isaguna qabsoomay Shirkii Golaha Dhexe ee SNM, waxa la soo hordhigay go’aamadii shirka Guurtida, waxa Golaha dhexe culays lagu saaray in ay ansixiyaan go’aamada ka soo baxay Guurtida, gaar ahaan qodobka madax-bannaanida Somaliland, sidaas ayuu Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” ugu dhawaaqay la soo noqoshada xorriyaddii Somaliland ay Ingiriiska ka qaadatay 26/Juun/1960-kii. Waxa lala oogsaday sacab iyo mashxarad. Si weyn ayaa loogu diirsaday xorriyada kow iyo soddon kaddib la helay. Rasaastii farxadda awgeed meelaha qaar cirka loo ganayay ayaa sababtay in ay waxyeello ka soo gaadho dabaal-degayaasha.
Go’aannada ugu waawayn ee shirkaas ka soo baxay waxa ka mid ahaa
1. In guddoomiyeha SNM noqdo madaxweynaha Somaliland, Guddoomiye-ku-xigeenka SNM-na noqdo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, xilkana ay hayaan muddo laba sanno oo kala guur ah
2. In muddaddaa labada sanno ah lagu diyaariyo dastuur afti lagu ansixiyo.
3. In Golihii dhexe ee SNM oo lagu kordhiyay xubno ka soo jeeda beelihii aan SNM ahayni noqdo Golaha Cusub ee Wakiillada Somaliland muddadaa labada sanno ah.
4. Waxa kal-fadhigii 2aad oggolaaday Golihii Wasiirrada ee Madaxweynuhu soo hordhigay.

 

Waxaa halkaa kaaga muuqta in uu shirkii 1991 ee burco na yahey shirkii labaad ee Somaliland mahadisey isla 18 May 1991 kii waxaa madashaa gooni isutaaga somaliland qudbad ka jeediyey

 

 

 

Lasoco…………