Dhaxalka iyo isbeddelka. W/Q: Prof. Abdi Ali Jama

0
158

Mar kasta waxa is barbarsocda oo loo baahan yahay in aynu isu miisaanno isbeddelka iyo dhaxalka ma- guuraanka. Waa laba cabdiiska soo horjeeda. Lamana joojin karo isbeddelka dhacaya .  lama ogolaan karo in ma- guuraanka si degdeg ah looga diga rogto. Markaa sirtu waxa weeye sida la isugu dheelitirayo labadooda. Tusaale, nolosha iyo dhaqanka qabiilku waa asal ma guuraan ah oo aynu leenahay, dhinaca kale dawladnimada, sharcigeeda iyo habkeeduna waa isbeddelka aynu illaa lixdankii rabnay in aynu samayno.

Dhaqankeenu waa dhaxalkeenii.  Inta bandanna waa lagu qasban yahay in la raaco. Hase yeseeshee  marku ku daashado, isla markaana uu fursad siin waayo isbeddelkii loo baahnaa, su’aal baa imanaysa. Su’aashu waxa weeye: maxaa keenay in aan u xidhnaano dhaqanka dhaxalka ah, gaar ahaan kan bulshada  ee ina daashaday? Ma fikirkeena ayaan sax ahayn mise weynaan fikiraynba?

Shaki kuma jiro in sababtu tahay sdia aynu u maamulay siyaasaddena, dhaqankeena iyo dhaqaalaheena oo aan lagu hagayn aragti dheelitiran oo dhan walba xeerinaysa, tiiyoo  batilmaameedku yahay horumar, kaasi oo ah isbeddelka la rabo. Waxa muuqata in dhaqanka dhaxalka ah oo ay ugu horayso qabyaaladdu uu inoo jiidanayo si ka baxsan dadnimada iyo ilbaxnimada , taasoo aanay suuragal ahayn in lagu sii jiro.

Si kastaba ha ahaatee,  waxa lagama maarmaan ah in la sameeyo isbeddelka loo baahana yahay oo aynu  iska dhaafno fulaynimada aynu ka baqanayo isbeddelka,  kaasi oo ah in hore loogu socdo sharciga iyo dawladnimada, lagana gudbo qoqobka qabiilka ama reernimada iyo siyaasadda adeegsata hannaankaas.  Su’aasha u weyn ee madaxa dadkeena daalisay, gaar ahaan inta daacadda ka ah in laga baxo qabyaaladda waxa weeye: sidee baa looga baxayaa qabyaaladda? Dad badani waa bay ka quusteen in jawaab loo heli karo su’aashan,  taasoo ay ku qanceen in qabyaaladdu tahay cudur aan dawo lahayn.

Anigu waxan qabaa sidaa aan kor ku soo sheegnay lidkeeda oo ah in xalka qabyaaladdu uu yahay mid fudud .  Looma baahna in qabiilka ama qabyaaladda lafteedaba la karaahiyaysto ama la hiifo oo la haaraamo iyadoo dhinaca kalena aynu ognahay—waa yaabee–in dhammaanteen aynu isticmaalo iyada. Sidaasi iska daa in qabyaald ay wax ka tarto’e, dadnimadeenna iyo  iimaankeena  (Ethics and morals) ayaa bay halis ku tahay. Waana dariiqa loo maro burburka ummadaha. Waa marka ficilkaaga iyo carrabkaagu is kilaafo. Sidaasi waa sida ummaduhu ku duqeeyaan sida mishiinka gaadhigu u duqeeyo oo kale.

Ugu danbayntii , si looga baxo qabiilka iyo qabyaaladda waxa loo baahan yahay innaga oo aan is duqayn, saliiddana cunin in marka hore aynu garwaaqsanno in qabyaaladdu hayso hawl ama xil bulsho iyo mid siyaasadeed-ba, taasoo aanay suragal ahayn in la joojiyo illaa inta la helayo wixii lagu bedeli lahaa oo ah sharciyo dhaqan gal ah oo hay’adahoodii wata. Markaa waxa loo baahan yahay in si aayar aayar ah looga guuro hannaanka qabiilka tiiyoo la raacayo sharciyo lagu hagayo hab dhaqanka muwaadiniinta. Macnaha, waxa la soo saarayaa sharciyo lagu saxayo hab dhaqanka qabyaaladysan. Tan waxa ina faraya cilmiyada bulshada, kuwaasoo isku mashquuliya barashada dhaqanka dadka—Behavior science. Marka la rabo in dhaqan la saxo—Behavior—waxa loo adeegsadaa samaynta xeerar, taasina waxay u baahan tahay in la abuuro bii’adii xeerarka ku dhaqmi lahayd. Maxaa yeelay wey fududahay in xeerar la soo saaro, laakiin ma hawl yara in la dhaqan galiyo. Sida loo abuuro jawiga sharcigu ka dhaqan gali karo, waxaynu kaga hadli maqaal kale, haddii Allle idmo. Laakiin mid waa la hubaa oo ma aha sida aynu maanta u naalo.

www.profabdiali.blogspot.com