XADHIGA HUBAAL LAGU RIDAY, XAQBAA MISE WAA XAQ DARO??

0
112

W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI (WIRDAANI)

Maalin waliba waayaheed, shalay mar ay goor sheehtu maraysay 2:00 duhurnimo ayaan furay raadiyawga si aan u dhageysto idaacada BBC-da, waxan cabaar dhageystaba waxa uu waryihii warka akhriyay sheegay in manta la xukumay wargeyskii hubaal, markaan intaa maqlay ayaan dhagaha la sii raacay waayo arimaha wargeyska ayaan la socday maalmihii u danbeeyey warkiisa, mise warkii waryuhu sheegay waan ka naxay, waxaanu noqdey war xun, kumaan farxin waayo mey galabsan, aniguna maan filaneyn, waayo wax looga bartey mey aheyn,    kadib ayaan nafteyda su’aalahan weydiiyey?.

Miyaanu madaxweyne axmed maxamed maxamuud(siilaanyo) ahayn kii ku doodi jirey xoriyatul qawlka?, miyaanu aheyn kii ku olaleyn jirey xurmadda muwaadinka?, miyaanu aheyn kii xukumadii riyaale ku naqdiyi jiray markay timaado arimaha warbaahinta?, miyaanay saxaafadu ahayn kuwii u hiiliyey markuu olalaha ku jiray?, mise xukuumaddu miyaanay ahayn tii iyadu samirka looga baahnaa hadii lagu qaldamo?, mise arinkuba wuxuu ahaa kursi uun aan ku fuulo?, mise waxay noqoneysaa jawaabata su’aalahaasi maah-maahdii soomaaliyeed ee aheyd ‘’abaal galaa baa badan laakiin gudaa yar’’.

Wargeyska hubaal shalay iyagoo shaqadooda gudanaya miyaanay rag booliska ka tirsani isku dayin in raga manta la xukumay inay khaarajiyaan, maa hiilkii ay ka dayeen maxkamada ayaa iyagii dib dacwad loogu qaadey, goormey garsoorayaashii kadhigeen eedeeyihii eedaysane, xadhiga wargesku waa dulmi aan geed loogu soo gaban, waa ma iga awood badantahay, waa ha qorin, waa ha hadlin oo ha maqlin aan lahayn gorgortan, waxaan xasuustey, cali sugulle, riwaayadii la odhan jirey kala-haab, eek u jirey ee uu lahaa,

’’Waa ha hadli

Oo ha arkin

Oo ha maqlin

Waa habaar

Waa habaar

Waa habkeynu nahee’’

Hadaba xukuumada arinkeedu ma wuxuu noqdey, kii hadla qabo, kii ku dhaliila xidh, kii wax iga sheega xabsiga dhig, miyaanay xukuumadu iyadu ahayn tii looga baahnaa inay dulqaadka iyo samirka la timaad, miyaanu madaxweynuhu ahayn kii shalay lahaa waxaan dhiiri galinayaa xoriyada saxaafada, goormay kulmiye wixii shalay markuu mucaaradaka ahaa xaaraanta ku sheegayey maanata xalaaleeyey? Mise daliil cusub ayaa loo heley, sawtii la lahaa gorsoorku wuu ka madax banaanyahay xukuumada, sawka maaha noqdey adeegaha xukuumadda, goormay noqtey meeshu waa mid kaliya ee ka mid noqo ama xabsi.

Hadaba hadii arinkaa maanta dhacay laga noqon waayo, waxay noqon mid sharateeda, iyo sumcadeeda dawladnimo disha, waxayna noqon mid laga aamin baxo, hadaba anuu waxaan ku talin lahaa ‘’baruur qadhuntey baa baruurya qadhmisee’’ waar qudhunka halaga saaro xukuumada, inta baalashaka madaw daba sidata ee dawlada sharfteeda dilaysa banaanka halaga dhigo, wargeyska hubaalna waxaan leeyahay kii ka roonaan lahaa haduu kugu qaldamey aduu ka roonaw, akhriste adoo ka jawaabaya ciwaanka maqaalkayga ee ah XADHIGA HUBAAL LAGU RIDAY, XAQBAA MISE WAA XAQ DARO??, rayigaaga ka dhiibo hareerahana iska eeg. Waxaana kugu dhaafi ereyadii abwaan maxamed xaashi dhamac ‘’Gaariye’’ rabi godka ha u nuuree.

Dal ayaan ku noolahay,

Saddexdii dalaaqood,

Lagu furay dadnimadii,

Da waxaan ku noolahay,

Runtu arag-darraysoo,

Daaddihi” la yidhi been,,

Hadday dunida been tahay,

Dusduskiyo khiyaamadu,

Noo dabeecad weeyaan,” abwaan Gaariye