CANBAAREYN XADHIGA WARGEYSKA HUBAAL EE HIILKU KA MUUQDO EE FOOSHA XUN WAANA IN UMMADU TALAABO KA QAADAA GARDARADA GARABKA OG EE MADAXTOOYO KU SHEEGTA .‏

0
72

Ugu  horeyn   waxaan  salaamaya   saxaafada  xorta  ah.  Ka  dib  waxaan  aad  iyo  aad  u  canbaareynayaa  xadhiga  lagula  kacey  wargeyska  hubaal  ee  ay ka muuqato  kibirka  iyo  gardarada  garabka  og  ee  loo  badheedhey, waxaa  wax lala  yaabo  ah  ninkii  la  diley  oo  la  yidhi  maxaad  u  sheegeysaa  cida  ku  dishey  waa  reerkayagee  ,maxkamda  maanta  hargeysa   lagu  xukumey   wargeysak hubaal  waa  maxkamad  qabiil  oo  hiilo  ah  una  hiilineysa  cidii  wargeyska  waeerarka   ku  qaadey,  waxaana  dadka  riixaya ka mid  wasiirka  maaliyada  cabdi  casiis samaale  iyo  xubno  ah  kuwii  wargeysak  weerarka  ku  qaadey  oo  doonaya   in  danbigodii  la  danbabaso  oo  la  ilaawo  balse  maahan  mid  ummadu  ay  ka  aqoon  laaday ee  waa  film  dadku  wada  daawadee  bilow  ilaa dhamddkiisa oo la  fahmey  waxa  uu  ku saabsaneyey  ama  filmku ka  hadalaayo.

Waxaan  u  diyagyaa  wasiirka  maaliyada  ee  sida  ayga  loo  isticmaalaayo  in aaney  silaanyo  iyo  xirsi  meel  geyndoonin  haduu  ku  sii  socdo  isticaamlka ay  ka  muuqto  badownimada  iyo  jaahilnimada badani,  waana  ninka  maleegey  in  wargeyska  la  soo  xidho  sababtoo  ah  wargeysku  waxa  uu  wax  ka  qorey  musuqa  iyo  lacago  badan  oo  uu  lunsadey  iyo  kuwo uu  si  baad  ahaana  looga  qaadey oo  ay  ka  qaadeen  wasiir  xirsi  iyo baashe  moorgan.

Ugu  danbeyn  waxaan  shacabka  reer  hargeysa  ugu  baaqayaa  in  aan  la  yeelin  xadhiga  dulmiga  iyo  kibirku  ka  buuxo  ee  wargeyska  hubaal  lagula  kacey,  waxaanan  odey  siilaanyo  ugu  baaqayaa  in  uu  is  casilo  hadaanu  dalka  maamuli   karin,  shacabku  waa  in  ay  mudaharaado  waaweyn  isugu  soo  baxaan  oo  lagu diidanyey  qabyaalada  iyo  maamul xumada  dalkii ku  habsatey,

Waadmahadsantahiin

Qore<  Tahir hussein (Xumaandiid)