“Waxaan soo dhaweynayaa hadalkii wasiiru Dawle Cadaani” Anwar

0
58

Gudoomiyaha guddida dib u dhiska wadada ceerigaabo iyo Burco Mr Anwar Maxamed Aaden oo fadhigiisu yahay dalka ssaaaIngiriiska, ayaa soo dhaweeyay hadal uu dhawaan ka sheegay magaalada ceerigaabo wasiirul dawlaha wasaarada maaliyada Mudane cadaani Saxardiid,taasi oo uu ku sheegay in dawladu ay dhawaan bilaabi doonto dib u dhiska waddada isku xidha Ceeerigaabo iyo Burco oo ka mid ah halbawlayaasha dalka haddii la fuliyo.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in ay tanni wax badan u soo kordhin doonto kalsoonida shacabka gobolkaasi go’doonka ah ay ku qabaan Somaliland iyo xukuumadeeda, haddii laga dhabeeyo sida uu wasiirku sheegay jaaliyada ahaan iyo gobol ahaanba.

Mr Anwar waxa uu sheegay in hawsha waddadaasi aanay ahayn mid sahlan oo u baahan in shacabka Somaliland oo idil ay ka qaybqaataan dib u dhiska waddadaasi, sidoo kale ay xukuumadda sannad mashaariicda horumarinta isugu dudo wax ka qabashada go’doonka gobolka Sanaag.