25 Dhakhtar oo Imtixaankii shahaadiga ahaa u socdo

0
105

Hargeysa(Waaheen) 25 dhakhtar oo ka mid ah Ardayda cilmiga Dhakhtarnimada ka barata Jaamacadda Hargeysa ayaa muddo shan cisho ah u fadhida Imtixaankii shahaadiga ahaa ee dhakhtarnimo, kaasoo ay ku qaadan doonaan qaybaha kala duwan ee Caafimaadka.

dhakhaaDhakhaatiirtan oo Imtixaanka kaga jirta Cisbitaalka Hargeysa ayaa la filayaa in uu Imtixaanku manta u dhamaado, iyagoo mudadii ay baranayeen Cilmigan si joogto ah uga shaqaynayay qaybaha kala duawn ee Cisbitaalka si toos ah maadaama Xirfada Caafimaadku u baahan tahay waayo aragnimo dhinaca gacanta ah.

Imtixaanka ay ku jiraan dhakhaatiirtan qalin jabinaysa waxa ilaalinayay khubaro Ajanabi ah oo Jaamacadda hargeysa ka taageerta barashada Cilmigan ay ardaydu dhamaysteen, waxaanay goobta lagu qaadayo oo ah Waadhadhka lacagta ah ka muuqatay in si adag loo ilaalinayay, anagoo mar aanu booqanay kula kulanay khuburadaasi.

Cisbitaalka Hargeysa ayaa laga dareemayay muddooyinkan danbe horumar dhinaca Hawlagalada caafimaadka ah, waxaana qayb ka ah Ardaydan Imtixaanka laga qaadayo iyo dhakhaatiir Ajanabi ah oo ay Xukuumadda iyo Dawladdo kale iska garabsadeen.

Dhakhaatiirtan qalin jabinaysa ayaa la filayaa in ay ka sii shaqayn doonaan Cisbitaalka Hargeysa maadaama ay qaadanayaan shahaadada Dhakhtarnimo isla markaana dalku aad ugu baahan yahay.