TALO KU SOCOTA GOLAHA DEEGAANKA CEERIGAABO GAAR AHAAN MAAYARKA GOBOLKA SANAAG,CEERIGAABO..

0
125

Assalamu calaykum,
Marka hore aad baan u salamaya bahda waaheen news  sida fiican ee ay wararka
wadanka nooga haqab tiraan.
Hadaan u soo jeesto dulucda qoraalkayga waxa u ku saabsan yahay isku shaandhayntii
uu madaxweynuhu ku sameeyay golihiisa wasiirada dhowaan kaas oo sida muuqata ahayd
mid cadaalad daro ah oo beelaha wada dega mandaqada qaarna uu ka dhigay lama taabtaan
wasiiradooda siiba kuwa ka soo jeeda beeshiisa qaarna uu wasiiro ka qaaday kuwo kale oo badana aanayba iska arag shaashada dawlada KULMIYE gadh wadeenka ka yahay. Iyadoo cadaalad daradaasi rakaadisay wadankii ayey xukuumada maanta jirtaa waxay tijaabisay oo aan mar ahayn oo laba ahayn sidii gobolka Sanaag oo awelba aan wax faiido iyo caawimo ku qabin waxa loogu yeedho Somaliland inay hadana meesha keliya ee dhaqaalaha yari ka soo baxo ee ah wakaalada biyaha inay isku dayayso
sidii looga wareejin lahaa golaha degaanka ceerigaabo iyadoo uu hore u tijaabiyey wasiirka macdanta
iyo biyaha ee ka soo jeeda beesha madaxweynuhu inkastoo uu kala kulmay dhirbaaxo kulul maayarka
ceerigaabo Mr.Ismail Haji Noor meel adagna iska taagay inay wakaalada biyuhu gacanta u gasho
khasnada dawlada ee hargeysa isagoo ku celceliya lacagta ka soo baxda wixii ah public serviceka
haday ahaan lahayd qashinka magaalada iyo mushaharka shaqaalaha biyaha iyagoo aan wax caawimo
weyn ka helin dawlada oo iyagu waxooda isku celceshada ayey dawladii intay dekedii berbera wixii
ka soo baxayey ay soo dhaaftay ayey mar walba isku dayaysaa sidii ay lacagta biyaha ceerigaabo gacanta ugu soo geli lahayd waayo waxa makhraati u ah inta joor ay isku day day inay usoo magcawdo isuduwe biyaha ceerigaabo inkastoo aanay waxba ka suurobin.

Ugu danbayntii markay dawlada iyo beesha madaxweynuhu ka quusteen lacagta biyaha ceerigaabo sidii ay ugu soo gacan geli lahayd waxay samaysay isku shaandhayn ah xaga wasiirada si looga gooyo wasaarada macdanta iyo biyaha qaybta biyaha oo wasaarad gaara laga dhigo wasaarada biyaha loona magcaabo wasiir ka soo jeeda reer cerigabo si laysugu dhufto reer ceerigaabo markii wasiirkii ay madaxweynaha isku beesha ahaayeen ka quustay oo usoo geli waayey golaha degaanka  ceerigaabo oo meel ka istaagay gacan ku haynta biyaha ceerigaabo fikradaasina ma noqon doonto mid la mahadiyo ama meel marta waynuna arki doona mustaqbalka dhow markaa ayey ogaan doontaa xukuumada siilaanyo sanaag inaanay ka talin xukuumadi, dawladanina noqon doontaa dawlad beeleed ama dawlad u siman dadka ku dhaqan somaliland haday ahaan lahayd xag horumar iyo xag dhaqaaleba .

markaa waxaan odhan lahaa maalmo yar baa ka dhiman inta lagu soo gebagebayn lahaa dabinada laga soo dhigayo madaxtooyada oo dad gaara loola dan leeyahay laakiin miyaanay xukuumadu ogeyn in ceerigaabo tahay meesha lagu xanto MAAKHIRINIMADA oo ay ka horeyso dabinada xukuumadu soo dhigayso kuwa ka darana u diyaarisay.

 

waxaan talo ahaan ugu soo jeedinayaa maayarka ceerigaabo inuu ka feejignaado dabinkan xukuumadu u dhigayso uuna ku adkaysto sidii aanu gacantiisa uga saari lahayn maamulka biyaha ceerigaabo ama wasiir reer ceerigaabo ah  soo magcawdo ama ha iska daysee waayo wax dhaqaale oo gobolka ka soo gala hargeysa ma jiraan markaa maaha in ishii u bidhiiqaysey ceerigaabo maanta loo soo qalab qaato waa in golaha degaanku goaan cad ka qaata kana hortagaa dabinada ku soo maqan wixii ay kala hor tegi lahaayeena diyaarsadaan

 

wa bilaahi tawfiiq

A.H. E….Norway