MADAXWWEYNE SIILAANYO OO MUSUQMAASUQII U HIILIYEY IYO QABYAALADII.‏

0
111
qor5Ugu  horeeyn  waxaan  salaamayaa  saxaafada  xorta  ah.Ka dib  waxaan  doonayaa  in aan  wax  yar  ka  idhado  iskubadalkii  golaha wasiirada  ee  uu  dhawaan  isku badaleyba -Oday Siilaanyo.
 Hadaba  maxaa  uu  sameeyey  ee  uu isku  badaley?  waxa  uu  u  hiilyey wasiiradii  musuqmaasuqa  ahaa, sababtoo  ah  midna  muu  badalin  wasiiradii  hantida  ummada  lunsadey,  waxaan  odhankarnaa  ummada  somaliland  maahan  caruur  la  qaldi  karo  ee  waa  dad  aqli  iyo aqoonba leh, waxa  uu  wadana  sida  cadceeda  ayay  u  muuqdaan.
wasiirada  la  rabey  in  la  badalo  oo  waliba  lagu  qaado  xatooyo  xoole  dadweyne  waxaa  kow  ka  ah.
Wasiirka,  madaxtooyada-2 wasiirka  maaliyada-3 wasiirka  duulista  hawada-4 wasiirka ciyaaraha,  intaasiba  wali  wey fadhiyaan,  manuu  badalin,  iyadooey  xisbiga  kulmiye  iyo  dalkaba  joogaan  aqoonyahano  uga  fiican  xilalkan  ay  hayaan.
Hadaba  maxaa  kalifey  in  madaxweyne  siilaanyo  uu  sameeyo  wasiiro  isku  badal  aanu  la  hadho  kuwii  ugu  liitey  ,waa  ujeedo  cad  oo  ah  in  uu  doonoyo  wasiiro  uu  ku  guro  dadkana  uu u  tuso in  uu  wax   badaley, tusaale  ahaan,  wasiirada  uu  hada  la  hadhey  iyo  kuwa  cusuba  waxaan  odhankarnaa  waa  kaadh  cusub  oo  uu  rabo  in  uu  ku  ciyaaro  dano  siyaasadeed  oo  uu isagu  wato, siiba  waxaa  la  isla  dhexmarayaa  in  uu  doonayo  in  uu  xisbiga  kulmiye  gudahiisa  u  adeegsado, sida  wasiirka  maaliyada  oo  kale  iyo  waliba  wasiirka  arimaha  dibada  oo  uu  arko  in ay  yahiin  dad  uu   gudoomiyaha  xisbiga  kulmiye   ka  gaashaanbuureysto  oo  isagu  leh  damaca  muraxshnimo  ee  xisbiga  kulmiye  ahna  nin aanu  qancin  karin  ayaa  waxa  soo  baxaaya,  in  ujeedad  ugu  weyne  ee  siilaanyo  tahey  sidii  uu ula  dagaalamilahaa  muuse  biixi  oo  uu  ogyahey  hankiisa  madaxweynenimodoonka  ah  ee  mudad  dheer  uu  ku  soo  jirey.
Hadaba  su’aasha  meesha  taalaa  waxa  weeyey  madaxweyne  siilaanyo  isagoon  wadanka  aan  qas  galin  himilada  ummadana  aan  qabiil  u badalin  miyaanu  ciyaari  karin  siyaasad  u  jeeda  dhanka  wanaaga,  balse  kooxeysiga  iyo  qabiileysiga  xagee  lagu  gaadhayaa?.
Mase  la  odhankaraa  kuwa  wasiirada  loo  cumaamadey  laftoodu  waa  kuwo  dhoohan  ama  iyaga  laftoodu  uu  hooseeyo  hankooda  siyaasadeed,  mase  ogyahiin  godobta  iyo  danaha  laga  leeyahey  ee  hoost ka  godan  ,mase  noqon  doonaa  kuwa  iska  garta  in  inta  la  isticmaalo  oo  waliba  saaxiibadood  loo  istcimaalo  barin  laga  guuro?  waa  su’aal  u  taala  dadweynaha  reer  somaliland.
Waxa  Qorey:  Tahir hussein( Xumaandiid)
Email: waayo_aragman@yahoo.com.