HADHIMA U SAMAYNTA WASIIRADDA XUKUUMADDA SIIRAANYO EE BEESHA DAA, UUD ISMACIIL (CIIDAGALE) MATAHAY JAWAABTII HABOONAYD EE ISKU SHAANDHAYNTII LA SAMEEYEY.‏

0
64

Rag kaa faqay rafiiq nimaa tihiin talo lagaa reebay meel -aan lagaa rabin indhaha lalama sii raaco.

Waxaan maqaalkaygan ku bilaabayaa, su,aalahan oo in badan maxkasdayda ka guuxayey oo ah, ilaa maalintii dowladda siiraanyo madaxda u yahay timid ama xukunka maamulka kulmiye yimid, waxay beesha ciidagale  iyo dadka hormoodka reer kaas ka ah kaga dhegtay caasumad xukuumadii lamaga caababa, yaabe waa maxay sababtu? Xukuumadii soomaliland soo maray dhamaantood way uga sadroonaayeen tan manta jirta, tusaale ahaan tii rayaale ee u danbaysay ciiidagale wuxuu lahaa 2 wasiir, 2 wasiirku xigeen iyo 2 agaasime guud iyo waleba haayado kale oo madaxbanaan, tani se zero Capet (wasiiro) amah al wasiir oo c ah iyo wasiirul dowle oo ah xil had iyo goor la siiyo dadka meel loowaayey. Tallow maxaa si ah , maxay beelaha kale ee somaliliand ee sadbursiimada haystaa u casuumuiwaayeen golaha xukuumadda ?  waxaan maskaxdayda ka helay jawaabahan:

1.    Ciidagale ma oga ama wuu ilaaway in uu kursi madaxweynaha u tartamay oo uu mucaarid yahay

2.    Ciidagale waxaa hogaanka u qabtay nin aan u qalmin oo sabab xaga hogaan ah ayaa jirta (leadership problem)

3.    Mayee ciidagale wuxuu is leeyahay is muxaafidee, oo dardaarinki xaaji cabdi ee ahaa xumadaha ka hor imanina ayey laabta u siidaayee.

4.    Jawabta u danbaysa waxay tahay mayee aduukay ka dhacdaa marka ilaahay cid gob ahayd gumaynaayo ayey sidan u dhaqantaa.

5.    Dadka ama beelaha kale ee Somaliland tacabkii kulmiye ay gelayeen ayey maalayaan (kaadidooday u soo cabeen)

6.    Mayee waxay garanayaa xaqooda iyo siday u doonan lahaayeen

7.    Isku duubnaanbaa jirta iyo weliba jeegaantii 1994 kii ee kulmiyana ku hana qaadaybaa sii xoogaysatay oo laysu joojinmaayo.

 

Akhristayaasha sharafta leh wayku darikaan jawaabo kale haday hayaan

 Waxaan ku dhexjiraa qarnigii qabyaaladda oo xuuqdaadu waxay ku dhexjiraa hada saamiga aad ku leedahay golaha xukuumadda, maxayna ahaa xataa og in wasiirkastaa reerkooda shaqaaleeyo, fursadaha soo baxana siiyo, waxaaba iiga daran ninka ciidagale ee xil qabtaa markaasu wada cadaalad noqdaa. Taa macnaheedu waxa yeeye dhalinyarta daa,uud is maaciil ee waxbata mustaqbalkoodu waa madow oo mahaystaa clan protection maan lagu faano, ee wasiirkastaa leehay intaasaan reerka yaga u shaqeyyey. Waxaan ognahay dhibaatadii ka dhacday wasaarada maaliyada ee in isku wada reer ah imtixaanka laga qaday, waxaan ognahay niyadjabka ka haysta dhalinyar wasaaradda tacliinta oo schoolarshipka cid gaar ah la siiyo. Waxaasoo dhan waxaa iiga daran casuumadda lagu waashay, ee hadii uu agaasime la magacaabo star iyo ambaasor qadada u horaysa laga loogu samaynaayo, waxaan ogahay in meelahaa laga yidhaadan marka qolada ciidagale la arko gobaa tihiin, lakiin markay dhaqaaqaan la yidhaahdo nimankan way ka baahday iyo allaylehe waa gumoobeen. 

 

Waxaan kale oo ogahay dad badan oo ciidagale ah oo sida saxda ah u fikiraya siiba dhalinyara badan oo cadhaysan oo sidan wax u socdaan iyo maaqaam ka reerku maanta joogo ka aan la dhacsanayn. 

Waxan ku soo xidhayaa taxdan gabay ah oo jawaab u ah cinwaanka maqaalkan

 ‘Nuurow waad haboowdaye sidaas kuma haboonayne, hubsiimaba halba lagu gataa siday ku heeseene, allaylehe hubal li,i cidlaad habata ahayseene’
XIGMADKALE AYAA AHAYD ‘ U MILXIISKA RUUXKALE WAXAA KAAGA MAGAC ROON ADIGOO MID GUURSADA HALAGUU MASH XARADEE-‘ MACNAHEEDUWAA CASUUMADAN BADAN WAAA LAYDINKA LEHAY WAXAANA KAA LEH RAGA MARWALBA KORODHSIIMADA HELA’
Mohamed Jama