Shir lagu soo bandhigay natiijada Sahan Qiimayn ah ayaa lagu qabtay Hargeysa

0
118

Hargeysa (Waaheen):-Daraasadan oo ay samaysay Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland oo ah qaybtii 4aad oo Afartii sanadood-ba mar la sameeyo, taasi oo diirada lagu saaro arimaha Hooyada iyo Dhalaanka daryeelkooda iyo kor u qaadista tayadooda, sidoo kalena lagu daraaseeyey arimaha Caafimaadka, Waxbarasha, Biyaha iyo dhamaan adeegyada Bulshada. Ayaa lagu qabtay Hotel Ambador Ee magaalada Hargeysa taasi oo ay ka soo qaybgaleen Madaxda Wasaarada Qorshaynta oo ay ka midyihiin Wasiirka iyo Agaasimaha Guud, Madaxda Hay’adaha UNICEF iyo ANPPCAN iyo Wasiirka ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka.

shirkii 1

Munasibada Shirkan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha Gud ee Wasaarada Qarshaynta Qaranka Somaliland Cabdirashiir Axmed Guuleed oo faah faahin ka bixiyey Sahankan waqtigii uu Somaliland ka socday iyo waxyaabihii ka soo baxay waxaanu yidhi

shirkii 4

“Munaasibadan waxaynu isugu nimid inaynu ku daah furno sahan, sahankaasi oo khuseeya hooyada iyo dhalaanka marka uu dhasho ilaa 5 sano inta u dhaxaysa iyo Hooyada, sanadkani waa kii 4aad ee la sameeyo, kii ugu horeeyey waxaa la  sameeyey 1995-kii, kii labaad-na waxaa la sameeyey 1999-kii, kii seddexaadna waxaa la sameeyey 2006-dii, kan afraadna waxaa la sameeyey 2011-kii wuxuu bilaabmay sankani 2011-kii bishii May diyaar garawgiisu”.

wariirka Qorshaynta agaasimaha

Agaasimaha Guud isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Sahankan natiijadii ka soo baxday si loogu camal falo taasi oo meelo badan taaban doonta sida Wasaarada Caafimaadka,Waxbarasha,  Biyaha iyo shaqaalaha oo wasaarada badan taabanaya ayaa loogu talo galay in madashan lagu soo bandhigo, sahankan natiijada ka soo baxday waxay cabir u noqon doontaa dhamaan waxyaabaha khuseeya Hooyada iyo Dhalaanka Caafimaadkooda, Biyaha Nadiifta, ita dumara ee wax barata, waxa soo bixi karta in Hooyooyin aan aqoon lahayn Ubadkooda Shubanku ku badan yahay qaar aqoon leh-na uu ku yar yahay”,  Ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Qorshayntu.

shirkii

Sahankan ayaa si gaara u khuseeyey Dhinaca Arimaha Caafimaadka Wasiirku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Nimco Qawdhan oo munaasibadaasi ka hadashay ayaa dhinaceeda taabatay waxyaabihii Wasaaradaasi uga soo kordhay waxaanay tidhi “Sahankan xogta ka soo baxday inyar hadii aan dul istaago waxa uu ka yidhi caafimaadka Dalka, markaanu dhinacyo badan ka eegno waxaan odha karaa caafimaadka Dalka Waxbadan ayaa is badalay, dhimasha caruurta 5-ta sano ka yar aad bay hoos ugu dhacday inkasta oo aanu talaalku halkiisii dhaafin, Hooyada ku dhashay Goobaha Caafimaadka ama hesha xirfadle Caafimaad xogtani waxay soo saartay in hooyada ku dhasha Gurigu ay aad uga yartahay tii ku dhali jirtay markii hore”.

shirkii 5

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Diinta iyo Aw-qaafta oo madashaasi ka hadlay ayaa isaguna ku dheeraaday qiimaha ay diin ahaan leedahay rabaynta Caruurta iyo  Daryeelkoodu.Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xafiiska UNICEF ee Hargeysa Haydar Nasser iyo Masuuliyiin kale oo si faah faahsan uga warbixiyey  Faa’iida uu leeyahay sahankani.

Wasiirka Wasaarda Qorshayn Qaranka Dr-Sacad Cali Shire oo shirkaasi si rasmiya shirkaasi u  daah furay ayaa ka waramay Qorshayaasha u dajisan iyo u jeedada la leeyahay Daraasadaasi waxaanu yidhi

wasiirka Caafimaadka

“Daraasadani waxay leedahay Afar faa’iido waxay inoo sheegaysaa halkaynu joogno, halkaynu ka nimid waxa kale oo ay sheegaysaa Halkaynu joogno marka loo eego Caalamka intiisa kale, waxa jira yool la dhigtay oo ku saabsan Caafimaadka Waxbarashada, Biyaha, Daryeelka, shaqada iyo Horumarka ilaa 2015-ka oo la doonayo Qaran waliba inuu gaadho daraasana waxay tilmaamaysaa bal inta inooga hadhay, Waxaana loo baahan yahay inaan Daraasad walba la soo ban dhigin uu wixii ka soo baxay ee Go’aana laga qaato wixii laga daba gayn lahaa oo la yidhaa xogtan baa inoo soo baxday oo waxay ka qaadaynaa talaabooyinkan. Ayuu yidhi Wasiirku

shirkii 3

Shirkan soo socday mudo Hal maalin ah ayaa intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay dhamaan waxyaaihii ka soo baxay sahankaasi la sameeyey 2011-kii oo ay Wasaarada Qorshanta Qaranku samayey dhinaca kharaskana ay ka gacan gaysatay Hay’ada UNICEF, halka dhanka qalabka gacan wayn ka gaysatay Hay’ada UNPPCAN.

shirkii 2

Agaasimaha Guud ee wasaarada Qorshaynta  Qaranka Cabdirashiid Axmed Guuleed ayaa gaba gabdii shirkaasi soo Xidhay, Sanahankan ayaa la qaban doona kuwa kale oo lamida sanadaha soo socda iyo doo la bar bar dhigi doono sanadkan halkaasi laga qiyaas qaadan doono wixii isbadal ah ee dhaca.

Abdishakur Mohamoud Omer

Waaheen Hargeysa Desk

Waaheen001@hotmail.com