Salaadiinta iyo Guddida Xalinta khilaafaadka Sacad Muuse oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Guddida Qaban qaabada Shirka oo dhan 39 xubnood.

0
116

Hargeysa(Waaheen) Salaadiinta Beesha Sacad Muuse iyo Guddida xalinta khilaafaadka beesha ayaa Shir balaadhan oo ay saaka ku qabteen Huteelka Maan-soor kaga dhawaaqay Gudida qaban qaabada Shirka Sacad Muuse oo dhan 39 xubnood, kuwaasoo laga soo xulay Tusmooyinka beesha Sacad Muuse.

Img00175

Kulankan lagaga dhawaaqay guddida qaban qaabada Sacad Muuse waxa laga soo jeediyay qudbado hogo tusaalayn ah oo guddida lagu farayo in ay sida ugu haboon uga soo baxaan qaban qaabada shirka Beesha Sacad Muuse, isla markaana waxa ay fareen dhamaan beel weynta Sacad Muuse Gudo iyo Dibedba iyagoo ka dalbaday in Guddidaas lala shaqeeyaan.

Img00206

Odayaasha, Salaadiinta, Culimada iyo Aqoonyahankii madasha ka hadlay oo kala ahaa gudoomiyaha Guudida Turxaan saarka Beesha Xildhibaan Muxumed Axmed, Xildhibaan Sheekh Khaliif, Cumar Boobe Xandulle, Xildhibaan Suldaan Ismaciil Suldaan C/raxmaan, Suldaan Xiis Barre, Suldaan Mawliid Cali Sabaysa, Suldaan Xuseen Ismaaciil waxay ku dhawaaqeen guddida hoos ku qoran oo ay u aqoonsadeen guddida kali ah ee qaban qaabada shirka oo kala ah :-

Img00150

  1. Sheikh C/qaadir X Jaamac
  2. Abiib Sheekh Cumar
  3. Abshir Axmed Xasan
  4. Dr: Axmed Cabdi Xuseen
  5. Axmed Caduur C/laahi
  6. Axmed Cilmi Samatar
  7. C/raxmaan Abiib C/laahi
  8. Axmed Ismaaciil Cismaan
  9. Axmed Ibraahim Suldaan
  10. Axmed Ismaaciil Saban
  11. C/laahi Cabdi Muuse
  12. Deeq Axmed Cumar
  13. Maxamed Cilmi Xasan
  14. Mire Sheekh Yoonis Axmed
  15. Cali Meygaag Cilmi
  16. Cumar Aw Jaamac Adhi-badane
  17. Cumar Yuusuf Siciid
  18. Ismaaciil Xuseen Cumar
  19. Axmed Muxumed Cumar
  20. Eng: Xaashi Cumar Cige
  21. Ismaaciil Xaseenn Cumar
  22. Khadar Ibraahim Dugsiiye
  23. Maxamed Cabdi Daa’uud
  24. Maxamed Cumar Askar
  25. Maxamed Odowaa Cigaal
  26. Muxumed Aw Xasan Cali
  27. Muuse Obsiiye
  28. Dayib Maxamed Rabiile
  29. Yuusuf Cali Aadan
  30. Siciid Cilmi Tukaale
  31. Xasan Cismaan Bookh
  32. Xasan Maxamed Cawaale
  33. Cumar Maxamed Yey
  34. Xuseen Maxamuud Axmed
  35. Dr: Muuse Qaasim
  36. C/risaaq Sheekh Aadan Cali

Dhamaan masuuliyiinta Beesha Sacad Muuse ee ka hadashay kulanka manta lagaga dhawaaqay waxa ay guddida qaban qaabada ka dalbadaeen mudada ay haystaan in ay soo diyaariyaan dhamaan shuruucda iyo Ajandayaasha shirka lagu hagi doono, oo ay ugu horeeyaan ururinta dhaqaalaha shirka lagu qaban doono.

Img00143

Sidoo kale waxa laga sugayaa isku dubaridka dhamaan Agabka shirka lagu qaban doono oo dhan haddii ay tahay shaqaalaha Shirka, Sugida Amaanka, cayimida wakhtiga shirku socon doono, hogaanka shirka iyo Warbaahinta.

Img00209

Shirka Beesha Sacad Muuse ayaa manta markale lagu celiyay inaanu wax siyaasad ah shaqo ku lahayn, isla markaana uu si rasmi ah u qabsoomi doono 17 bisha sideedaad ee sanadkan 2013-ka oo ku began ramadaanta kadib.

Img00142