Hyderabad iyo hablaha India

0
102

bb

W/Q: Ridwaan Mubaarik Cabdi <Dalxa>

Malaga helaa gabadh soomaliyeed adigoo ku seexday iyadoo ku balfinaysa hadana aad ku soo toostay iyadoo weli sidii ku balfineysa. Waa baarinimo laga helo hablaha India.

Waxa laga hayaa nin somaliyeed oo gabadh India weliba u dhalatay gobolka Hyderabad doorbiday inuu noloshiia la qaybsado.

Ma xuma in gabadh hindiya u dhalatay ama ajaanib ah nolol lala wadagaa amaba gabadh soomaliyeed laga doorbidaa waayo maaha wax sharci ah in dad-dadkooduun ay ka guursadaan, waxaase jira dhaqan inoo ah barada keliya ee aan ka shidaal qaadano kaaso ah waxay ummadi u leedahay caado iyo soo jireen.

Ma hubo in rayigan ay cidi ila qabto laakinse waxaan dareensanahay inay jirto kala doorbid dhinaca haweenka ah ee lagu xulanayo dhinacyada  badan ee xasiloonida ku abuura nolosha qoyska.

Hadaba ninba waa dookhiiye iyo tuu dumar ka xushaaye, waxa isweydiin mudan maxaa keena kala doorbidida dumarka sinjigay doonanba ha ahadaane?

Waxaan filayaa inay tahay qofba arigtidii iyo meeshu wax ka eego waayo dookhu waa mid aan laga mideysanayn oo markasta lagu kala gedisan yahay ha ahaato dhinaca dheeha, dharerka, dhabeelnimada iyo dhumucdee iyo dhinacyo kale oo badanba.

Waxaanse qabaa in gabadh soomaliyeed intaa laga waayine ay jirto wax inagu qasbi kara in aynu ka dumar gedisano dumarkeena somaliyeed, waxaanan hubaa in caadifado badan darteed ay inoogu wacan tahay kala doorbididan waxaana ka mid ah sidaan qabo;

  • In gabadhii soomaliyeedba ay maanta noqotay mid intooda badan lagu hanan karayo oo qudha maal, nasab iyo inaad usoo marto caqabado kale oo ku hakin kara.
  • In gabadhii somaliyeed gabdhuhu iskuma jiraane ay noqotay maanta mid u hanqal-taageysa nin shisheeye, oo inagiina halkee nala dhigayaa? De mooyi!!!
  • In gabadhii soomaliyeed ay maanta ku hamiyeyso ilaa inta ay jamacad dhamaysanayso wax cilaaqadba ah aan lala abuuri karin ama qofkii ka hooseysana ay u arkayso waxaan u qalmin. Waa ayaan-darro.
  • In gabadha somliyeed ee maanta ku ahatana sinaba aanad ku heli karin ilaa aad soo buuxiso arrimo dhawr ah
    • Inaad ahaato nin martabad sare ka dhashay
    • Inaad ahaato nin maal iyo duunyaba leh
    • Waalidku iskuma jiree dad baa jira nasab in laysku guursado aaminsan.
  • In gabadhiiba is-afgarashadiinii-ba ay  noqtay ilaa aad ka aqbasho waxay rabto iyadoon ku jeeb eegayn haddii kalena aad sidaas ku furan tahay, wataaso adigiina nacnacdii kaa dhamaatay!!!

Dadku iskuma jiree hadana been maaha in arrimahani dadkeena ka madhan yihiin waayo indhuhu waxay qabtaanbay maskaxduna tafatirtaa si ay inta ubuc muceedka ah ugula soo dhex baxdo, waayo qofba sida uu wax u miisaamo ayay aragtidiisuna ku xadidan tahay.

Waxaan uga socdaa habluhu iskuma jiraane inay hablo ahayeen kuwii hore wanaagooduna intay sameeyeen dadna ay ahayeen intay soo saareen, waa hubaal in dadkii hore inaga fiiro iyo aragti dheerayeen dhinac walba oo lama arki jirin wiil gabadh meeshuu doono kula keliyooba.

War dhaqan iyo hidaa la lahaa gabadh lagu xulan jiray mee halkee buu qabtay, war dad dhawrsan iyo dabnahoodu beeniyo ka hufan yahay dirr bay ahayeen  halkee lagu tuuray?

War ku dayashiyo hooyo wax tilmaamtiyo hogo tusaalayn bal leh bay dumar lahayeene halkee laggu ilooba? War gabadh qol-qolkooda dhaafinoo rag hiigsigood iyo han qalkooda qeydo beryo loo quud la’aaday haween lahayeene  halkay mareen?

Gabadha haw-kar ahoo hooyadeed qurayshiyo la yidhaah quman, qun yar socota talaabada, hadalkaan hujuunka lahayn iyo erayo tag-taagan marnaba aan hiifka aqoon hooyadeed qeydata ayay gabadhi lahayde halkee looga guuray?

ma weelayn karo meeshu hayaankani yagleeli doono waayo waa mid markasta ku jira isbed-bedel iyo wajiyo kala duwan oo aan lahayn meel loogu hagaago.

Gabdhuhu iskuma jiraane qaar baa jira diin , dhaqan , dadnimo, dabeecad iyo leh daw loo soo maro laakinse kuwaasna waxaad mooda in heerka ay taagan yihiin hiigsigoodu uu yahay mandaqad sare oo aan la hanan karin taaso ay jiraan wax yaabo badan oo ka xadidayaa.

Waalidku ma sinee waxa jira waalid runtii diin iyo dhaqan leh oo lagu soo hirto, waayo waalidka wanaagsani waa mid dareen aanad dareemeyni kugu soo hagi kara, waa walid yaqaan waxay dadnimadu tahay iyo faa’idada ay leedahay in dad wax lagashado.

Way jiraan abayaal indho ku garaadle ah oo dhibatooyin fara badan kaga gudba si raganimo iyo raali ahaanshiba leh, taasina ay tahay ta maanta inbadan oo abayaasha ka mid ah ay rag badani ugu dhiiradaan inay mar uun gaboodkaa dhabar ka saran.

Way jiraan hooyooyin udub dhaxaad u ah nolosha abuurkeeda oodhan, waxkastana ka doorbiada waxay dadnimo tahay iyagoo u arkaya inay sharafto sidaa ku jirto iyo weliba karaamadu waayo muqaalkaagu maaha inta uu yahay humaaga aad ku sameynayso araga qofka ee waa dhaqanka kaa soo baxayaa sida uu qofkaas dhadhanka ugu sameynayo, hadii u wanaag yahayna soo jidasho ugu leeyahay, hadiise xumo uu yahayna uu kaaga firdhinayo.

Hadaba inbadan oo kamid ah waalidiinteena, abayaasheen, hooyoyinkeen, hablaheena waa kuwo lagu soo hiran karo oo markasta kugu hayn kara lab-lakac ama lab-qaad, hadaba waa halkuu ka lahaa ninkii  geeljiraha ahaa ee intuu damcay inuu magalo ku soo tukado salad cideed isagoon weligii salad cideed ku tukan is idhi ku tuko markii saladii la bilaabay dhawr jeerna lagu celceliyey Allaahu-akbar siday shurodeedu tahay markii uu yaabay yidhi “ salaadu halkay ka xidhmi laadahay!”

Aniguna waxaan leeyahay halkay wax iska qabsan layihiin?

Waxaan filayaa inay su’aashani ay tahay mid ka dhex guuxaysa qalbiyada dhalinyarro farabadan, waxaanse fikir ahaan qabaa inay tahay dhawr arrimood oo kala ah;

  • Is-afgarasho la’aan ka jirta waalidka iyo ubadkooda, wiilka iyo gabadh raba inay nolol abuuran.
  • Dhaqanka oo kala gedisan waayo soomali mawada ah dad isku dhaqan ah waayo dadbaa jira Somali ah oo gabdhooda ay ka mabnuuc tahay inay wiilkay rabaan soo xushaan oo ku nool magalooyinka.
  • Ugu danbeyntii in laysku qaban laayahay dhinaca dabeecada iyado wax tanaasul ah oo lasameynayaa anay jirin haday tahay labad dhinac ee raba inay nolol abuuran iyo dhinac waalidka iyo ilmihiisaba.

Waxaan qoraalkaygan ku soo afmeerayaa dumar gedisan mayno kana guuri mayno dhaqankeenu siduu ahaaye;

“meel dhex ah halaysugu imaado ayaan odhan lahaa waalid iyo dhalaanow sidaasa laysku afgaran karaa layskuna qaban karaa haduu alle idmo.”

Afeef: qoraalkaygani waa mid ka dhaman caadifad oo dhan, fikirkuna waa mid aad markasta kaga duwan tahay noolaha filkaaga ah. Markaa hadii aad saluugto qoraalkaygan waa mid aan kaa filayo inaad iiga waayo-aragsan tahay rokunadaan cuskanayo ee aan ku soo qaatay qoraalkaygan

Allaa mahad leh.

Email: ridwaan_99@hotmail.com