Abwaan Weedhsame oo Soo Bandhigay Maansooyin Cusub‏.

0
1297

IMG_6250Halkan ka Akhriso Maansooyin badan oo uu sameyey Abwaan Weedhsame, Halkan waxaanu idinku soo Gudbinaynaa 5Manso.

 

DHUFAAN

waxa hadda xilkii ka degay madaxweynihii masar ka dib markii muddo ku dhaw 20 cisho (18 cisho ) ay isku soo baxyo baahsan dhallinyartu ka waday fagaaraha TAXRIIR. Taariikhdu waa 11/febuary/ 2011 waan a maalin jimce ah.

 

Damaashaadka keli-taliyahaa gelbaday anigoo ku jira lana dhacsan sida geesinimada leh ee dhallinyarada masar u midawday ugana dhiidhiday  keli noolaanshaha dabaqada dhiigyo cabka ah ee xilka haysa. Waxa mar qudha farxadaydii hakad gelisay su,aal aan is weydiiyey oo ahayd: toloow adigana dhallintaadu maalin maalmaha ka mida sidan ma ugu midoobi doonaan ka tashiga aayaha iyo danta ummadooda, iyagoon dhexdooda aanay ku jirin qabyaalad iyo kala shiridi?

Waxan mar keliya qawaday nolosha dir-sooca ah ee dadkaygu ku jiro. Waxa duunkayga hoose gelgilay sida loo kala daadiyey cududdii dadkayga horumarin lahayd. Libta iyo guusha ay suntadeen dadyowga reer tuunisiya iyo masar waxay igu noqotay toosh lagu ifiyey iintayda hoose iyo boogta aan dugsado. Nabarkii aan dusha ka dhayayey muddada badan ayaan is tusay inan dhidhkiisa saro oo aan ku dhiirado ka badheedhkiisa. Waxa mar qudha ii soo baxay inay QABYAALADU tahay dib u dhaca ugu weyn balse la iska indho tirayo, dagaalkeedana looga gaabsanayo sababo salka ku haya dano shakhsi ah iyo cabsi laga qabo ka hor tagga hab-dhaqanka qabaliga ah ee bulshada caadada u ah. Waxay tidhi maansadii; waxan gabayga ku bilaabay hadal aan kula hadlayo wiilkii is gubay ee (MAXAMED ABU CASIISI)

 

DHUFAAN

 

Food-caddoow aday kaa dhab tahay sharaf la dhawrtaaye

Ina xaashi dhamac baa ku baray maanso dhilideede,

Intaan dhaafo ii arag halkaan dhidibka weydaarsho,

Dhammays maaha aadmiye I qabo qadaf ha ii dhuubin,

Dhaliishayda ii sheeg xaqaa lagu dhawaaqaaye.

 

Markay heesta dhawdhawle iyo taagan tahay dheesha

Waa dhaayo guudkood tixdaad soo dhabdhabataaye

Haddii loose dhaadhaco guntoo dhuuxa laga soohdo,

Laan-dhaare gabay baa murtida laga dhalaashaaye,

Ragbaa kaban ku dhuuntiyo durbaan dhawr qof codadkoode,

Mid iskii u soo dhaashadoo dhaadan lana dhiibshay,

Nin dhaguugayoow caawa kani waa mid dhaladkaas leh.

 

Inkastoo dhabada aan qabsaday naanni lagu dhoobay,

Inkastoo dhadhaab yaala iyo shiil-cad dhego beelay,

Bal inaan hal dhagax qaadi karo waan is dhibayaaye,

Ha is dhiibin maankaa i faray quusi ma leh dheefe

Ifku waa dharaaree haddaan mawdku iga dhaabin

Dheg-xarraan kun diidiyo barbaar dhaafsan qoladooda,

Rag dhabeeya yoolkaan higsaday dhaayo inan saaro,

Maalintaa dhammoow aan jiraa waan dhursugayaaye.

 

Dhimashadu xaq weeyoo halyey geeri loo dhalaye

kamay dheefin nimankii ku dhibay dhederbigaagiiye

dharaaraba adoon mootanayn dheelmay caligiiye

alleylehe dhabbaad jeexdayoo qaaday dhacantiiye

carabtii miyey wada dhameen dhiilka cadhadaada?

dhallintiyo barbaartii miyaad ciilka dhaxalsiisay?

dhacdadiyo shilkaagii miyey dhaharo naafeysay?

siday kuugu dheeleen miyaa loogu dhagax qaaday?

dhamacdiyo dabkaagii miyaa uunku  ku dhalaalay?

tuunis dhimbiishii miyey dhaaftay kana dhooftay?

beri dhexiyo suudaan miyaa jiifka laga dhaartay?

saw dogobyo lama sii dul dhigin dhuxushii aad oogtay?

shacabkii dhufaanaa miyuu caawa dhumuc yeeshay?

dhul-gariirkii Qaahira miyuu dhoosha ka higgooday?

ma is dhoobay reer masar taxriir  taada ma la dheegtay?

ma dhawaaqay ruux dhawrsan jiray dhiirri ma la sheegtay?

xaqlihii miyuu soo dhacsaday caawa dhaxalkiisa?

dulmigii karkaarada dhufsaday madaxdii dhiileeye

kelidii nin dhaylaysan jiray saw ma dhego-beelin?

saw mubaarik caawana ma dhicin dhalatay guushiiye!!!!

 

Toban iyo sideed baan dhafroo dhigay dantaydiiye

Taxriir baan dhex taagnaa intaad dhahar ridayseene

Inkastoon dhakoolkiyo hurdada dhababay oo daayey,

Inkastoon halkaad dhoobantiin dhaxanta aan joogay,

Libintiinu waa ii dhaawaciyo digasho dhoolkeede,

Saw dhidhkayga may sarin runtii dhagida soo booday,

Saw dadkayga maan dhugan intaan dhalasho deymooday,

Saw dhashayda maan arag intaa kala dhaqaaqaysa,

Dheg-xumaanta saw maan qadhqadhin taalla dhinacayga,

Saw ka dhoof ismaan odhan dhulkii eebe igu beeray,

Nimanyohow dhiggay baad tihiin guusha dhaliyaaye,

Misna waxad ka dhiidhiyi kartaan waan ku dhaqanaaye,

Waxan ahay nin dhuubkiyo ka jaban lafaha dhaadheer,

Tiirkiyo dhigtoodoo is neceb duul wax dhisanaaya

Nin dhexdooda joogaa kollay ciilku dhibayaaye,

Shan nin oo is wada dhaarsadoo dhaabbad kala qaata,

Oo qabyaalad dhoobada ku rida saw ma dhali waayin!!!!

 

Lafta dheer hadduu ruux ka jabo dhaadka iyo bawdo

Kaan is dhiibin waa kii ka kaca dhawr kal dabadoode,

Haddaan ruuxa dhoobada ku kufay dhawran maradiisa,

Wasakh dhegada kama baaqdo iyo dhiidhi gelideede,

Nin qabyaalad dhaansaday wallee sharaf ka dheeraaye,

Ummad dhami dhalleecada hadday dhaax ka guban weydo

Damiirkoodu inu dhaawac qabo dhayda ka caddaaye,

Lillaahida haddii iil la dhigo daacad laga dhuunto

Runtu dhicisay beentuna jid bay sii dhambalataaye

 

Ma dhuundhuumo dherigaan dabkiyo dhamaci hoos oole

Mar hadday dhadhaaradu murmaan dhuuni sugistiisu,

Rajo dheelalaw bay la tahay garasho dheegoowe.

 

 

Yaa qabyaalad dheefteeda cuna yey u tahay dhuuni ?

Hayinkeeda yaa dhaansan jiray dhaaxa raranaayey?

Bal kumaa dharaar nool ku hela dheemman iyo daaro ?

Qayrkii kumay dhaafisee dhaylo ku casuuntay ?

Xoolo aan weligiiba dhaqan waa la dhididaaye

Dhaxal yey u siisee bursaday dheeri laban laaban?

Yey dhufays u tahayee ka gala dhagarta uu geysto?

Naxligeeda yaa dhiil ku sida yaa dhig dhiga suuqa?

Dhaantadeeda yaa tumay mar aan dheguhu doonaynin?

Dharka yaa u soo xidhay markii dhaxanta loo saaray?

Xil loo dhaarsho goortay rabaan dhalasho yaa sheegta?

Dhadhamiyo kumaa dhiig u quba dharabo loo diiday?

Mansab yaa ku dhaafsada adaa dhoohan weligaaye?

Dhoomaha cadaabeed maxaa dhabarka kuu saaray?

Yaa dhufaanay maankiyo kashii libina dhooqeeyey ?

Dheddigiyo labkaagii kumaa  manta dhalan doorshay?

Markaad tiisa dhaydaba kumaa taada dhacan saaray?

Yaa hargaysa daamaha ka dhigay kalana dheeg dheegay ?

Dhallinteeda yaa yidhi is naca kalana dheereeyey?

Sidii dhidar xabaal qoday miyaan ceeb la dhilanaynin?

 

Kal dhufaanan maan dhoohaniyo garasho dhaandhaantay

Dhac la eedo dhiilliyo xumaan dhaadashiyo tookhid

Isma-dhaafto kala dhaaratoo kalana dheeraata

Kala dhilidda duul wada dhashoo laf iyo dhuuxeeda

Dhafoor-taabad, dhiig iyo xiniyo aano daba dheera

Nacas dhiirran, waayeel la dhibo odayo dhuun raaca

Dhaxalkeedu waa kaas haddii aanad dhuganayne,

Dhimirkeena mawluhu ha dhayo waad dhildhilateene.

 

Dimuqraadinimo dhaar-shiliyo qaabkii dhaqankeena

Midna lama dhabaynine dhextaal dawlad lagu dhaabay,

Markii dhinacna haybiyo tolnimo looga dhiro soohay

Dhanka kalena dhaal reer galbeed looga unug dheegay

Dadku dhaajin diidkii markuu aad u dhego beelay

Uga dhuratay xaajadu xagguu dhaadi jiray waayo,

Sidii la isu dhabanaanin jiray geela dhicistiisa

Laga dhigay xilkii dawladnimo dheeho la eryoodo,

Dhambaalada tol’laayda ah bulshada hiirta lagu soo dhur

Maan-dhallaanlihii yuusi jiray ciidho dhoqorjaale,

Kolba beel maqaar laga dhigtiyo dooyo dhalanteedle

Kolba dhaawac hadal keeni kara suuryo dhagar qoole

Kolba dhabaqa aan muudsadiyo dhuuni keli doone

Kolba nabada dhiigii lixle ah aad u dhagaxeeye

Kugu dheel adaa dhoohaneey aan wax dhuganayne.

 

 

2. DULMI-NECEB

 

Maansooy dareeneey

Dacar iyo ladh oogmaay

Inkastoon dakana iyo

Dibindaabyo kugu qabo

Marna la igu kaa duro

Ragna iigu kaa dudo

Kuma dayrin karayoo

Duunyaabad ii tee

Ii darar bal gaaxdii

Rabi iigu kaa dara.

 

Labaan la isu dari Karin

Degel ruuxa wada furay

Dannigiisu muu garan

Inay kala dibboodaan

Weheshiga dirsoociyo

Qarannimo dan mida lihi

 

In qabyaaladii dura

Saddexdii dalaaqood

Lagu siiyo duuduub

Waynagii dorraaduun

Qallinada ku duugnaye

Sawtan doonnan ee weli

Xisbiyada dumaashii

Dunta loogu wada xidhay

Geedigii diyaarkii

Dib maxaa u soo furay

Buladkiyo dabayshii

Iyo lama-degaankii?

 

 

Doorashooyinkeenii

Dubaaxdoodu yaab lee

Hungo lagu dar leefiyo

Hibashiyo ka sii daran

Noqotaye xaggay deri

Dawakhnaye ka leedahay.

 

Dimuqraadinimadii

Dihataye hadday tahay

Doqonkani fariidka ah

Dirataye ha ii dudin

Dacartani macaanka ah

Dalbataye dibnaa saar

Durduradan harraadka ah

Dul degtaye ku oon beel

Digo-rogashadeenaa

Sahan li’ dullaantoo

Wanqalkeedu dalabiyo

Dudmo uun ku koobnaa.

 

Maxaad doontay ee dana

Maxaad diiday ee daran

Maxaad door-bidee mudan

Maxaad deyrisee hadhay

Go,aan duunka weeyee,

Horta daacad maad tahay.

 

ninka doortay wadarnimo,
nin ka daaley weheshiga,
dan midaysa lama helo,
shir doceed nin lagu dhalay,
shir dugaalka uma bogo,
ab-tirsiinta dalabta leh,
axdi duuga kuma ogi,
qaran daacad laga jiro,
nolol doora kama sugo.

dhidar doori lagu yidhi,
dabcigaaga bahalnimo,
hadalkaasi kama dego,
dad shirqoolka lagu wado,
dannigoodu jecel yahay
digtoonowdu lama sama,

gudin daabku maqan yahay
damal raagay kuma jabo,
dhirta diirta lagu dhaqay,
midhaheedu damac ma leh,
didmo xaajo lagu galay,
dawo ruuxna kama helo.

qof dalaaqay garashada,
dubbihiisu kama tago,
inta aan la duri karin,
nin duruufta noloshaba,
doobigiisa ku sar jaray,
deris baahan kama naxo.

 

Danyartiyo saboolkii

Deyntii ma siiseen

Mise duunyadoodii

Weli way dawarayaan? .

 

Miyuu yimi damiirkii

Duday ee maqnaan jiray

Saw weli dalluuntii

Dadnimadu ma hoos taal ?

 

Dulmigii miyuu furay

Daacadii u mehersaday

Saw weli daryeelkii

Daranyada ma tuugsado?

 

Damacii miyuu nacay

Daribtii agoomaha

Dibjirkii gidaarada

Saw weli ma daadsana ?

 

Hankiinii miyuu duray

Dulligii u qaayibay

Saw weli duqaydii

Dufankii ma raadshaan ?

 

Xaqsoorkii ma deyraa

Mooradiisu duugnayd

Saw weli dillaalkii

Dulmanaha  ma dala’sado?

 

Ma shalay dullaameen

Ma xalay dayoobeen

Saakana ma diifbaa

Ma dulmay ku noolyiin

Sidii loo dulleeyaa

Weli loo dul yaallaa

 

Golayaashii dabatadu

Xeerar aan la deyinoo

Duuduub ku dhaafaa

Waa dabeecadoodee

Ka daree ma maantay

Dacartiyo dhunkaashii

Darsadeen wadaamaha?

 

Damiirlaawayaashii

Ma maantay ku doodeen

Marka aan ka daadago

Xilka duudka ii sudhan

Danyartaan ka baaqsaday

Doorkay filaayeen

Deyr-cadkooda weyda ah

Aan ka sii dareersado.

 

Waxay nooga digayeen

Saw kuwan ku daakiray

Xaaraantii duufkii

Goormaa daliilkani

Xalaaleeyey soo degay

Kabo-qaad digreetiyo

Lagu keenay daadihin

Ma anaa dadweynaha

Duunyadooda hoo idhi

 

 

3. GALIILYO

dhawaan aniga oo ku sugan magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama, ayaa waxan la kulmay dhacdo aad ii damaqday. waxa tahriibay dhallinyaro ilaa 20 qof gaadhaysa. qaarkood waxa lagu ambabixiyey lacago deyn ah oo la amaahday,qaarkood guryihii ayaa loo iibiyey,qaarkoodna dhul baa loo iibiyey. bal ka waran adigoo gurigiina iibiyey ilmihiina waayey oo tii alle heshay? dhacdadani waxay igu dhalisay su,aalo badan kuwaas oo u baahan in cilmi-baadhis qoto dheer lagu sameeyo. bal kolka hore maxaa loo suudalayaa(tahriibayaa)? haddii jawaabtu tahay dhaqaale xumo, ma dadka caydha ah ayaa tahriiba mise nin wax helaya kolay noolka tahay? aniga waxan qabaa in kalsooni darro loo tahriibo oo qofku aaminay inaanu iskii u noolaan karayn ilaa reer yurub uu hoos galo.

Ifkay gogoshiisu hawl tay
Ogow galab noolba waa shil
Ma oge taladii u goostay
Ma oga gurigay furayso
Galiilyada moog dambaysa.
Naftana hungraa gadh qaada
Cakuye damacaa ku guura
Haddana godobtiyo lurkeeda
Gefkiyo ceebtiyo xunkeeda
Ogow garashaa u qoollan.
Wedkana gamaskii ma iisho
Gaashaan celiyaa ma baajo
Ishaa gabadheed ma daaho
Qofnaba gabbalkii ma waaro
Wax aan hubo geeri kow dheh.
Taniyo anigoo gurguurta
Ilaa maantoo gadh leeyey
War geediya oo I qooma
Geddaafo wacaal xambaarsan
Dhegtaydu maxay guddoontay
Intaan tebay gaan la waayey
Maxaan murugadda la goohay
Barbaartii iga gablooshay
Kuwaan guruxyada u belay
Markaan godobtooda raadshay
Gunaadiyo ciil gadhoodhay
Miyaan gocashadda ku qoomay,
Bad gawliyo gacanka xeebta
Miyaan gooddiyey guhaadshay
Gartayda miyaan bilaabay
‘haddaad maxastayda gawrac
Badyahay kaga gooban weyday
Inaad bir ma geydadayda
Sidaa u gashaa gar maaha
Alleylehe waad gumowday!!
Geshaan kugu leeyey qaana
Gar qaado ha soo gignaane
Ilaah naaraha ku geeye
Adaa gadhmadoobahayga
Haweenkiyo gaaridayda
Ku gaasira meel go’doona
Gudhoo galabtaba abaadso
Biyuhu gororoo ku gawdhshe
Gawaan noqo meel garoona
Dhul geedigu galab caraabo.’

Intay guuxday gigleysay
Hirkiyo doobtay garaacday
Waxay tidhi ‘guurowgaagu
Gefiyo waa igu geddaafo
Ma geyo godobtaad I saartay
Aweytida aad ganayso
Miyaan galabsaday bal kaadso

Adoo geyigaagu liito
Hadduu sahankaagu gaabsho
Hadduu samirkaagu guuro
Qaneecaadkuna gabnoobo
Quustoo kugu geylamaysa
Garaad hirilaa ka seexdo
Miyaan geerida shinkeeda
Horteed geedigu ku geynin?

Hablaha guday ee tahriibay
Hir gaatamayaa idleeyey
Geed ay cuskadaana waayey
Markii gacal baajin waayey
Shariidku miyuu gasiintay?

Intuu saxaruhu go’doonshay
Halyey lagu giirtay fiicni
Intee xabsi lagu gumeeyey
Gashaantimo wada quraysha
Intee guuleed tisqaaday
Raqdiisii haad ku goohay
Dhashii guuluhu ku siiyey
Dugaagu muxuu ku guusay
Markuu huudhigu geddoomay
Markay goglanayd barbaartu
Kalluunku miyuu galiilyo
Ilmadda ciil gabbax ka siiyey
Tiiyoo xeebaha goshooda
Meydkeenii galangalcoobay
Miyaad garan weyday kaadso.

Xasuuqa tahriibku geysto
Gummaadiyo geeri foolxun
Hooyooyinka weerka goostay
Shilkani kugu gaaf wareegay
Waxuunbaa laga guntaaye
Miyeydaan kaba gaboobin?
Gu’goo da’ay oo gadooday
Gudgude soo gallab caraabay
Markay galawgiyo jugleydu
Ka yuusaan gelida kaynta
Miyaan garashadu dhigaynin
Dasada gibilada ku giiji?
Geel iyo geesley lo’daada
Halkii gelmi iyo dugaag le
Gelgelin gawsaha hungaysa
Miyaan garashadu dhigaynin
Inaad waaberi ka guurto?

Adoo gurigaagi iibshay
Haddaad gabankiina weydo
Adoo gebogebo u yaala
Haddaad dhiilada guddoonto
Wedkaad gini siisataaye
Haddaad geerida la jaarto
Hadduu maalkaagu gooyo
Intuu aadmigu ka giigay
Kolay waa galabsigaaye
Maxaad gocashada ka toosin?

Garwaaqsaday inan taraaray
Guddoon xaal idhi bal qaado.

Sareedaddu may guddeene
Barbaartuna may go’deene
Badweyn iskuma gureene
Xil baan gubin kaad u dhiibtay
Xal muu garan aayatiinle
Xaq muu gudin aad sugaysay
Halkaad u golleyd ma geynin
Hayaankiyo geedigaaga
Guubaabana wuu ka seexday
Inuu galab nool tibaaxo.

Guulguulka naftaa ku oogan
Dhalaankani sii gurmaaya
Hankaa laga wada gumaystay
Buug guunaa yidhi ma gaadhid
Halkuu aadmigu u guuray
Rajada gibilbaa ka saran
Runtana waa laga go’doonshay
Gabnaad tahaybaa asqaysay
Gufaacaa lagu faruuray
Kalsoonida gabagabaysay.

Qofbaad tahay guul abuura
Qofbaad tahay guri yagleela
Qofbaad tahay gaar ahaantaa
Ku gaajo baxoo iskeena
Gankaa kuma dheera caaro
Aqoontaaduna ma gaabna
Ma gaagixin aayahaagu
Dadkaaguna kuma giriifin
dalkaagan kama go’aysid
Galbeed yurub kuuma yeedhin
Giriiguna kuuma baahna

gob baad tahay moog inteeda.
adiga geyigaagu waa kan.
Gargaara faray ka hoogtay
“ku eeg gabargaal horataada
U fiirso bal goonyahaaga
Gadaashaadana bal dheeho
Dhalaanbaa kugu gedaaman
Gidaarada dhaxanta jiifa
Garaadkaagaa u hiila
Qabyaa kugu gaafwareegsan
Hortaa aan cidi gufaynin
Xilbaa guudkaaga saran
Ka wayn goosoo dhaqaaji.

 

4. Hiil-gurasho (14 Abriil 2005)

Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame)

 

Maansadani waxay ka hadlaysaa nin inta uu gabadh caashaqay ay gabadhii ku gacan saydhay markii dambena aqbashay. Iyadoo ay sidaas tahay ayuu ninkii mar dambe ogaaday in aanay gabadhani isaga daacad u ahayn oo ay cid kale waxa la waddo. Dabadeedna wuxu goostay in uu niyadda ka jaro. Heestan baanu ugu sharxayaa waxa jacaylkii uu u qabay ka maydhay.

 

Halacsiga ishaydaa

Halakada abuurtoo

Heemaal qurxoonbaa

Hindisaha il-duufka ah

Igu horu-tibyeeyee

Sidaan kuugu hawl-galay

Aseed ii hungaysiyo

Hibashada xasuusta leh

Miyaan soo hinqanayaa?

 

 

Horu-dhalawga xiisuhu

Kasha heellan waligeed

Ma hantaaqadeeduu

Hiyi-waale been iyo

Higil usu sabaayoo

Waxaan loo huraynbuu

Himilada ku seejaa?

 

Hulqe waxan ahaadoon

Hogashada dan moodaba

Ma naftii hadraysee

Kuu hawaawiyeyseed

Furaheeda haysaa

Heeryadii jacaylkiyo

Diiday heensihiiyoo

Hambadayda daa tidhi?

 

 

Ma halbawlihiibaa

Intuu caashaqii habay

Uu jaray higaagii

Laga waayey huubana?

 

Hor allee shalaytaba

Adigoo hadh jiifaan

Hogo wiiro wiiro ah

Kaa haybinaayee

Ma huqdii i gaadhiyo

Haydaaradaadii

Lurka ii horseeddaan

Hoggaankeedii qoonsaday?

 

 

Ma hankaad xujaysaa

Siduu kuu dul heegnaa

Intuu quus haddaadumay

Hiil-gurasho door biday?

 

Ma ishii hillaaciyo

Hoosiiska sagalka ah

Ku hareer dhigaysee

Haybad kula simaysaa

Hummaaggaagu gubayaa?

 

Hawraar su’aalliyo

Hal-xidhaale jiiftadu

Ka hagaagi waydee

Heedhe baanahaygii

Hoobaantan loolida

Kaga taal hareertee

Aad halacsanaysiyo

Jacaylkii haggaaseen

Mar labaad hir gali laa

Isu haabba maahee

Haki dhacanna kaa saar.

 

 

Onkodkiyo Hillaacaba

Hogol baa mar dihatoo

Misna waa hal yaablee

Hanqadhkoo aan kuu iman

Hoomayga daymada

Biligtaad hor aragtaa

Hor allee sidoo kale

Nimu helay jacaylkuna

Hawraar la kaydshiyo

Inta aanu hadaladaa

Heeryada ka soo furin

U hoggaansanaantiyo

Hayal-sami xad-dhaafaa

Lagu hayb ogaadaa.

 

 

Anoon taas hareer marin

Barashada horteed buu

Caashaqu hab-heeb iyo

Halis ba’an i mariyoo

Sidaan kuugu heermiyo

Dhamacdaan hadhsanayuu

Haatuf soo xambaaroo

Hagratoo dhankaagii

Kamay soo hagaagine

Caku haybintaadii

Iyo hiilkii aana rabay

Hangal baan ka qaadoo

Huuryaa jidhkaygii

Hogo uga banaysoo

Habac iyo mid liitaa

Dhiiladayda huriyoo

Hadimooyinkaagii

Sabiyada hadaaqaa

Ka hadh iigu baaqee

Mar haddaan hadhiinooy

Hilaw jirin xaggaaga

Dhul la ii han wayn yaa

Hanku kaaga guuroo

Hablo xuural-caynaa

Ii haadshay gacantoo

Waan kaa hayaamee

Adigana habeenkaa.

 

Naftaa dookh habeeno leh

Hoggaankii u dhiibtaye

Hirashada laxaadka la

Miyaan hees ka tirin laa?

 

5. KAL CEEBEED

 

 

 

Ma aamusin koortii maanso

Ma damin kaahii tixdaydu

Manay gabin kaalinteeda,

Hadduu ragga qaar kiraystay

Kalaamka Dhegtaa maqlaysa

Allaa oge kaari taydu,

Ma laha soo kora yidhaahda.

Hadduu ragga qaar kun siistay,

Tixdii lagu kuunyanaayey

Kumaan cabbin koob caddaysan.

Ka’leydiyo maansadayda

Korkeeda dillaal ma taabto

Ma goyn karo kaash nin sheegtay

Hankaygu karsiin ka weyne

Karaamada ceesh ma siisto.

Hayeeshee waan u kaadshay

Inaan qabto kooraheeda

Markaan dhego-koonba waayey.

 

Adoo ah qof keeno-diid ah

Kun ciil runta aan ka baydhin

Hadduu xaqu kaalmo waayo

Dantaa kugu kaasbiyeysa

Inaad xidho keebka maanso.

 

Markay  kala kaan ku heesto

Kudkii dilay ee dhammeeyey

markay uba sii kadleysay

markuu dadku kiish u qaatay

Xaaraan iyo been la kaydshay

Kiyuu loo galay xumaato

Waxaan galay koomo aamus.

 

Qabyaalada kaamamkeeda

Waxaa kadalooba wiilal

Kolkaan arkayeen jalleecay

Sidaan ahay kiiniyaati

Qariib laga keenay koongo

Naftayda qalaan ku koobay.

 

Anoo kob bannaan ah jooga

Mar aan keliday faqaayey

Ayaamahan kaaha beelay

Markaan gelay kiisaskooda

Waxaan ka kaxayni waayey

Kalkii samahaa dhammaaday

 

Ilaah ma karbaasho duulna

Hadday xaqa kaashadaane

Intay kubadiina buuxdo

Qabyaalad karkaaro goysi

Dal kaamila yeelan maysid.

 

bulshada kal middaysan weyda

bulshada koox koox u qaydan

Bulshada kibir kala qaloota

Bulshada kala kaca ku fooggan

Kurkana laga wada shaqeeyo

Uurkuna kala kaymo daaqay

Kufkeed weligeed ma gaadho.

 

Shil weeyi inaad kuftaaye

Haddaad kambadhuudho boodhka

Aseed kici weydo baa xun.

Il-duufkuna waa kol uune

Intaad mar labaad kulaasho

Kataan dabinkaad ku leeday.

Wallee kama’ eed ma saaro.

 

Mar uu kallahaayey muuni

Wuxuu yidhi kaariyoonle

Jidkaa kambalkayga haystay

‘‘Kursiga hebel yeeli mayno

Inuu ruux kale hawaysto’’

Intaan kacay baan jalleecay

Kaaf iyo kala dheeri weeyi

Korkiisa cirraa ku taalla

Siduu ku socdaa kadeeda

Biyiyo kimis buu ku noolyey

Kuurkuursigu baahi weeyi

U kuur-galka xaaladiisa

Ninkaa kala kaar adkaaday

Indhaha ninkan uu ku kuushay

Ma kaalo haddii u baahdo

Ma oga keerkeerka haysta

Kawaanlaha iibshay weeyi.

 

Hayeesha’e kuuligaasi

Kuul bay u gasheen qabiila

Karuur naxli baa la siiyey

Kaskiisana waa la leeyey

Ka kaynaan talo u gaadho.

 

Dadkaa kaba daayac liita

Dadkaa dhala kaadibiinta

Dadkaa korshay maati-boobe

Qaraabo u kiil ku doorta

Siyaasi dantii kalkaal ah

Buunbuuniya keeb la yuurar

Sidii kurdadleyda tookha

Kebdaha iyagaa dul saaray

Rarkiyo layliga kabaalka

Ka buubee selel karaaray.

 

Ninkaad koolkoolinaysay

Hadduu ku dhansiiyey kaadi

Kariir dahab kaaga qaatay

Kabriid dogob kuugu sheegay

Kabaha orod kaaga saaray

Kelbado kugu wada maroojay

Adkaysiga kiish ka buuxso.

 

Kaar baan iba aamusiine

Haddaanan arkayn karaahi

Kaslaay kulamaan hadleene

Garaad lagu haysto kooto

Wallee waanaan karaynin.