Xuska 26ka June Ma Ka Dhabbaa Somalia?

0
167
MAQAAL11Xukuumadda maamusha Somalia iyo wakiiladeeda dibedaha jooga waxay miciin moodeen maalmahan inay qiiq isku qariyaan kuna maaweeliyaan dadkooda inay daacad ka yihiin xuska, khudbadaha, hambalyada, iyo baaqyada maalinta 26ka June oo ah maalintii ay Jamhuuriyadda Somaliland gobonimada ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska sannadkii 1960 iyada oo la ogaa in 30kii sano ee midowgii lagu hungoobay lagana dhaxlay dullinimada, dulmiga, duudsiga, iyo hoogga ay Somalia cagta hoosteeda gelisay maalintaas 26ka June iyo Ururadii Siyaasadeed (SNL, NUF, iyo USP) ee u soo halgamay xornimadii ummadda Somaliland kuna bedeshsy 1da July iyo SYL. Sidaas daraadeed,  xuska 26ka June kama dhab aha Somalia ee waa arrin ku salaysan munaafaqnimo, huwanna khiyaamo iyo dhagar taas oo ummadda Somaliland ula mid ah qof inta la dhaawaco loogu daro cay (An insult to injury). Shakhsiyaadka ka soo jeeda Somaliland ee lagu buuxsado kuraasta Fadaraalka Somaliweyn ee Muqdisho ma matalaan ummadda iyo dalka Somaliland mana keenikaraan. Waa la dhaafay xilligii ummadda Somaliland la isku dirijiray ee la iska horkeenijiray. Somaliland waa qaran jira maanta oo u taagan aqoonsiga beesha caalamka, qarankaas oo ku yimid rabitaanka shacabka Somaliland
 
Ummadda Somaliland waxaa u kacay jiilal cusub oo laxaad leh oo yaqaan si joogto ahna u barta taariikhda ummadooda iyo dalkooda, oo og il-duufkii ku dhacay ummaddooda sannadkii 1960, oo ka dheregsan sida abaalkii ay ummadoodu u gashay horseedkii "Midnimadii Somaliweyn 1960" ay ugu  hungooday oo uga dhaxashay masiibooyin kaga yimid xagga Somalia oo ay walaalnimo iyo sokeeyenimo ka raadisay, waa ogyihiin in in badan oo sacabka u tumay midowgii 1960, ubaxna u ruxay la gumaaday ama la qaxiyay hoygoodii. Waa ogyihiin in sharafta xornimada iyo madaxbaannida ay maanta haystaan loo daadiyay dhiig badan xilligii Halgankii Hubaysnaa ee SNM intii u dhaxaysay 1981-1990.  Markaas marnaba laguma khiyaamaynkaro xuska 26ka ee Muqdisho oo beenta ah oo muujinaya in xuskaasu ka fogyahay daacadnimada balse huwanyahay dhagar khiyaamo qarsoon oo loo maleegayo si mar labaad dabinka ugu soo dhacaan.  Ubadka cusub ee Somaliland waxay wacad-ku-marayaan in aanay wadankooda iyo ummadooda mar labaad u loogin dulimiga iyo duudsiga Somalia. Waxay ku dhaaranayaan inay dhiigooda qaaliga ah ku waraabinayaan geedka xornimada iyo madaxbanaanida ee Jamhuuriyadda Somaliland.
 
Kuwa maanta ka tasha Somalia ee iska dhigaya inay jecelyihiin 26ka Juun weli afkooda lagama hayo inay ka hadlaan ama xusaan xad-gudubyadii iyo tacadiyadii ka baxsanaa Islaamnida iyo insaaniyadda ee Somalia kula kacday ummadda Somaliland. Waxay dhahaan, "Masiibooyinku meelkasta waa ka dhaceen." Waa kaas hadalka munaafaqnimada huwan ee kuwa aan taariikhda waxba ka aqoon ama runta ka sheegin. Waxay ilaa maanta is-diidsiinayaan inay qiraan in Somaliland iyo Somalia ahaayeen laba dal oo madaxbannaan oo midoobay 1960, waxay is-diidsiinayaan in Somalia ka mas'uul ahayd masiibooyinkii loo geystay umadda Somaliland, waxay inkirayaan in masiibooyinka ka dhacay Somalia ay ka mas'uul tahay Somalia oo aanay ku duulin Somaliland sida Somalia ay ugu duushay Somaliland. Xaqiraad iyo xumayn awgeed, waxay kuwa ka taliya Somalia ama in badan oo dadkeeda ka mid ah aaminsanyihiin in Dalka Somaliland ahaa gobol ka tirsan Somalia welina ka tirsanyahay Somalia sida Bay ama Hiiraan.
 
Waxaan ummadda Somaliland xasuusinayaa in meeshu tahay Afrika oo ay haysato labo dhibaato oo laxaad leh, kuwaas oo kala ah: Faqri iyo qabyaalad. Labaadaas arrimood marnaba uma oggola inay Afrika ka hirgasho midow dhexmara laba dal ama in ka badan oo ku salaysan cadaalad, dimoqaraadiyad, horumar,  iyo wax-wada-qaybsi loo simanyahay; indhihiinana taariikhda waad ku aragteen 30kii sano ee midnimadii lagu hungoobay ee dhexmartay Somaliland iyo Somalia taas oo aad ka dhaxasheen masiibooyinkii la ogaa.
 
Waxaan idiinka digayaa midow dambe oo aad la yeelataan Somalia oo weliba maanta uu aad u kacay nacaybka iyo xumaanta ay in badan u hayaan ummadda Somaliland sida aad dal iyo dad ka haysataan. Midnimo dambe ma keenayso oo qudha dulmi iyo duudsi la idinku sameeyo ee waxay keenikartaa in mar labaad loo hanqaltaago in dadkiinna iyo dhulkiinaba lagu sameeyo dhalan-rog taas oo la isku deyay intii u dhaxaysay 1987-1988 (Akhri: The "Letter of Death" by General 'Morgan', January 23, 1987), qorshahaas foosha xumaa iyo dhagarta intaas leg waxaa ka hortegay isla markaana burburiyay Halgankii Hubaysnaa ee SNM. Ujeedada arrntaasu waxay ahayd in aan dib dambe loo maqal waxa ay necebyihiin dhegaha Somalia ama waxa lagu magacaabo Somaliweyn oo ka yimaada xaggiinna si aydaan uga dhaqdhaqaaqin dulmigii idinku habsaday. Waa taas dhagarta ku qarsoon midnimo dambe marka aad eegto cadaawada ka soo burqaynaysa afka dadka Somalia adiga oo weliba og in  waxay kuu geysteen mooyee aadan waxba u geysan.
 
 Boqol (100) sano iyo in ka badanba haddii aan la idin aqoonsan ka digtoonaada midnimo dambe oo aad la gashaan Somalia ama cid kale.  Waxaa hubaal ah in Reer Galbeedka iyo Reer Bariba aqoonsanayaan Jamhuuriyadda Somaliland (In Shaa Allaah) saddexda (3) sababood ee kala ah:
 
1. Adduunka oo og in Somaliland tahay dal ka noqday midowgii uu la lahaa Somalia sida ka dhacday dalal badan oo adduunka ka tirsan sidaas daraadeedna ay xaq u leedahay in la aqoonsado.
 
2. Dhulka Somaliland oo ku gudban dalalka Carbeed waa ka hooseeyaa dhul ahaan dhulalkooda (Geologically) taas oo muujinaysa in shidaalka ku jira dhulka Carabta uu soo janjeedho xagga  Somaliand oo aad uu ugu badanyahay. Arrintaas waxay Somaliland siinaysa qiimo gaar ah oo u keenta aqoonsi. 
 
3. Muuqashada awoodda soo kordhaysa ee Shiinaha iyo Ruushka waxay caddaynaysaa dib-u-soo noolaanshahaa Dagaalkii Qaboobaa ee Adduunka ee sida rasmiga u bilaabmay sannadkii 1949 si ku meel gaadh ahna u dhammaaday sannadkii 1989. Xiisadaha soo muuqda ee ka dhex-oogan Galbeedka iyo Bariga adduunka waxay u yihiin Somaliland sadaal wanaagsan oo ka dhigaysa Somaliland dal ku yaal bogcad istaraatiiji ah ee caalamka oo leh dekedda Istraatiiga ah ee Berbera oo isku xidha Afrika iyo Asia, Yurubna okulaalayso. SaadaashaTartanka-Siyaasadda-Loolanka-Adduunka ee Mustaqbalka Dhow (Near Future Strategic Geopolotics Spheres Competition) waxay Somaliland u siddaa dabayl aqoonsi aan fogayn.
 
Ummadda Somalia waxaan u sheegayaa in ummadda Somaliland tashatay oo la noqotay madaxbanaanideedii ka dib markii aad qiimaynweydeen midnimadii 1960 oo  ummadda Somaliland gayeysiiyay masiibooyin ka yimid xaggiinna. Waxaadna ogaataan in Somaliland aanay dhul ama dad ka haysan Somalia oo ke egtahay xuudeeda caalamiga ah ee laga dhaxlay Gumaysigii Reer Yurub sida dalalka Afrika, Aasiya, iyo Koofur Ameerika. Markaas, laba kala doorta: Inaad Somaliland aqoonsataan sida Jabuuti aad u aqoonsantihiin oo ka fekertaan walaalnimada sokeeye iyo wax-wada-qabsiga mustaqbalka, aqoonsigaas oo ummadda Somaliland idiinku hayndoonto walaalnimo ma-guurto ah; iyo inaad cadaawad u qaadaan ummadda Somaliland iyo dagaal aydaan marnaba ku adkaanayn maadaama aan ummadna looga adkaan dhulkeeda kaas oo mar labaad idinku cesha dhibaatada aad maanta ka baryaysaan Eebbe (SWT) inuu idanka saaro waayo Ilaahay dulmi idiinku taageerimaayo idiinkuna hiilinmaayo oo waad haysaan midhihii dulmigii hore maanta,  ha goosanina midhahaas xun mar labaad.
 
Qore: Ibrahim Hassan Gagale
Email: ibrahim_hg@yahoo.com
June 26,  2013.