Cadaalad Xumada, Eexda iyo Qaraaba-kiilka Wasiirka X.Xoolaha‏

Waxaan qalinka u qaatay xanuuno ugub (acute diseases) ku ah wasaaradda xanaanada xoolaha intii uu wasiirka ka ahaa Mudane, Cabdi aw-Daahir, xanuunadaas  oo ah eex, qabyaalad iyo musuq-maasuq.

Ka hor intii aanu wasiirka ka noqon Cabdi aw-daahir wasaaradda xanaanada xooluhu waxay ka caafimaad qabtay cuduradan haleelay ee aynu kor ku xusnay.

 

wasiirku wuxuu si beelaysan (reeraysan) ugu magacaabay agaasimayaasha waaxyaha qaarkood xubno ka soo jeeda beeshiisa, wuxuuna shaqadii ka fadhiisiyey agaasimayaashii khibrada iyo waayo aragnimada u lahaa shaqada, wuxuu sameeyay xafiisyo badan wuxuuna u magacaabay inamo beeshiisa ka soo jeeda, shaqaalaynta wasaarada si toos ah ayuu dhinac uga raray isaga oo haddana yidhaahda waxaan shaqaaleeyay dhalinyaraddii iskuulka shiikh, burco iyo itoobiya ka soo baxday intaas aynu sheegnay ee jaamacadaha ka soo baxday wuxuu raaciyaa in leeg ama ka badan oo reerkiisa ah oo aan jaamacado ka soo bixi

 

ma doonayo in aan hadalka ku dheeraado,waxaan ku soo gabagabaynayaa mudane wasiir waxaad wasiir u tahay lawyacado ilaa ceelaayo  ee haysku koobin reer iyo degmo gaara sidii aad ugu qaraaba kiili lahayd.

qalinkii: Axmed Xuseen Maxamed

ahmohamed@outlook.com

 

Filed in: Articles

You might like:

DANJIRAHA INGIRIISKA OO BOOQDAY XARUNTA DHAQANKA EEHARGEYSA OO LAGU QABTAY BANDHIGA CAALAMIGA AH EE BUUGAAGTA
Daawo: Wasiirku xigeenka Dhaqan iyo Dalxiiska Oo Ceerigaabo lagu soo dhaweeyey
Xisbiga Kulmiye Oo Degmooyinka Cusub u bagacaabay Masuuliin Cusub
Ruushka oo sheegay inuu la heshiiyay qaar ka mid ah fallaagada Suuriya
Maxaabiis Itoobiya ay soo daysay oo Muqdisho gaadhay
Madaxii Booliiska gobolka Minnesota oo iscasishay

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.