Xil ka qaadista Wasiir Geel-jire oo ka yaabisaya dadweynaha

Geel-jire oo kursigiisii laga qaaday kii loo bedelayna la baafinayo

Hargeysa(Waaheen) Wasiirkii hore ee wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland C/laahi Cismaan Geel-jire ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku daray Liiska wasiiradda Xilka laga qaaday, oo waxa uu wasaaradiisii u magacaabay wasiir kale.

Hase yeeshee hadana Madaxweyne Siilaanyo waxa ka muuqata isla Digreetada uu xilka kaga qaaday isagoo Geel-jire ku daray kuwa la bedelay, ha yeeshee meelna hadana looma magacaabin.

Miyay u soo socotaa oo Liis danbuu ku jiraa mise sidaasuu kugu daayay Wasiir Geel-jire Bal adba Madaxweyne meelna ma fadhiyo Ninkaasi.

Dhinaca kale, laba Wasiir oo waaweyn oo ruug cadaa dhinaca Siyaasadda ku ah ayaa xilalkii wasiirnimo laga qaaday waxaana laga dhigay La taliyayaal waa kuwama? Xaabsade iyo Gacamay, wasiiradii Hawlaha Guud iyo Deegaanka. Miyay aqbali mise dantooday raacan.?

Isku shaandhayn tii ugu weynayd ee dhacda intii uu Madaxweyne Siilanyo xilka hayay ayay noqotay Isku-shaandhayntani, waxaana la hadal hayaa tallow imisa kale ayay jiidhi.

Filed in: Radio Waaheen

You might like:

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Oo Maanta Safarkiisii Labaad Ugu Amba-baxay Dalka Itoobiya
Wasaradda Horumarinta Beeraha Oo Koox Kormeer Iyo Wacyigalin Beeralayda u Samayn Doonta U Dirtay Qaar Ka Mid Ah Goboalada Dalka
Daawo: Wasiiro Kormeer ku soo Maray Wajaale
Daawo: Dadka Na nool AIDs ka oo Faquuq ka Cabanaya
DJIBOUTI IYO SOMALILAND WAA UL IYO DIIRKEED
Daawo: Madaxweyne Muuse Biixi oo Dalka ku soo laabtay

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2018 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.