Somaliland oo ku jirta diyaar garawga sanad guuradii 53 aad ee 26-kii Juun 1960-kii

Hargeysa(Waaheen) Madaxtooyadda Hargeysa ee Somaliland ayaa ku jirta diyaar garawga Xuska sanad guuradda 53-aad ee maalintii Xoorriyadda Somaliland ka heshay Boqortooyaddii Ingiriiska 1960-kii.

juunSanadkasta Somaliland waxa ay xustaa maalintaas oo ahayd maalin ku weyn dadweynaha Reer Somaliland oo xusuustoodii dib ugu noqonayso halgankii dheeraa ee ay u soo mareen Xoorriyadoodii ay ka heleen Gumaysigii.

Sidoo kale, waxa ay xusuusta maalintani ku dheertahay shacbiweynaha Somaliland sidii fududayd ee ay u lumiyeen iyo Hayaankii dheeraa ee ay u soo mareen in ay dib ula soo noqdaan Xorriyadaasi.

Xuska sanad guuradan 53 aad ee maalintii Xorriyadda Somaliland 1960-kii ayaa habeenimada ay ku beegantahay lagu qabtaa qasriga Madaxtooyadda waxaana laga dareemayay ilaa shalay diyaar garawga loogu jiro munaasibadaasi, oo ah mid taariikhi ah.

Munaasibada lagu maamuusayo Habeenkan oo ahaa Habeen hamiga dadweynaha Somaliland ku weynaa balse la lumiyay ayaa lagu muuneeyaa Suugaan iyo Hab masrixiyadeed ka turjuma sooyaalkii taariikhdii halgan ee loo soo maray, iyadoo ay ka qayb galaan masuuliyiinta Xukuumadda iyo marti sharaf kale.

Filed in: Waaheen News

You might like:

Laascaanood oo Noqotay Magaalagada ugu Korontada Jaban Somaliland
Khilaaf la xidhiidha Xajka oo ka dhaxeeya Sucuudiga iyo Qadar
Tixda Miski W. Q: Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed(Gadhweyne)
Ujeedada Safarka Wasiir Ingiriis Ah Oo Maanta Hargeysa Imanaya
Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Xayiradii Ka Qaaday Mareegta Suradnews.Com
Fadhigii Saaka Ee Golaha Wakiilada Oo Kooram La,aan U Furmi Waayey Iyo Xildhibaanada Oo Mar Labaad Fasax La Galiyey

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.