Xafiiskii Xidhiidhka Golayaasha oo laga dhigay wasaarad

Hargeysa(Waaheen) Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu xafiiskii xidhiidhka Golayaasha ee Madaxtooyadda hoos tagi jiray ka dhigay wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha isagoo ku daray in ay wasaaradaasi ka shaqayn doonto Cilmi baadhista iyo Tiknoolajiyada.

ssWasaaradan madaxweyne Siilaanyo magacaabay ayuu sanadkan ku soo daray Miisaaniyadda 2013-ka iyadoo xafiis ah balse markii Golaha laga Ansixinayay ayaa la isku qabtay waxaanu wasiirka Maaliyadda oo markaa golaha hor joogay sheegay in aanay wasaarad ahayne xafiis uun tahay.

Dhinaca kale, waxa jiray xafiiska ICT-ga ama Tiknoolajiyada oo gaar u taagnaa balse sida muuqata imika hoos iman doona ama noqon doona Waax ka tirsan wasaaradan,

Dhinaca kale, waxa isla digreetada Madaxweynaha ka muuqata in wasaaradii Macdanta, Biyaha iyo Tamarta la qaybiyay oo wasaarad gaar ah laga dhigay biyaha halka inta kalena loo dayn doono wasaarad la yidhaahdo wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.

Filed in: Sports

You might like:

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Oo Maanta Safarkiisii Labaad Ugu Amba-baxay Dalka Itoobiya
Wasaradda Horumarinta Beeraha Oo Koox Kormeer Iyo Wacyigalin Beeralayda u Samayn Doonta U Dirtay Qaar Ka Mid Ah Goboalada Dalka
Daawo: Wasiiro Kormeer ku soo Maray Wajaale
Daawo: Dadka Na nool AIDs ka oo Faquuq ka Cabanaya
DJIBOUTI IYO SOMALILAND WAA UL IYO DIIRKEED
Daawo: Madaxweyne Muuse Biixi oo Dalka ku soo laabtay

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2018 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.