Wasiir Geel-jire oo kursigii laga qaaday ku kalena an la fadhiisiin

geel jireHargeysa(Waaheen) Wasiirkii hore ee wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland C/laahi Cismaan Geel-jire ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku daray Liiska wasiiradda Xilka laga qaaday, oo waxa uu wasaaradiisii u magacaabay wasiir kale.

Hase yeeshee hadana Madaxweyne Siilaanyo waxa ka muuqata isla Digreetada uu xilka kaga qaaday isagoo Geel-jire ku daray kuwa la bedelay, ha yeeshee meelna hadana looma magacaabin.

Miyay Iu soo socotaa oo Liis danbuu ku jiraa mise sidaasuu kugu daayay Wasiir Geel-jire Bal adba Madaxweyne meelna ma fadhiyo Ninkaasi.

Dhinaca kale, laba Wasiir oo waaweyn oo rug cadaa dhinaca Siyaasadda ku ah ayaa xilalkii wasiirnimo laga qaaday waxaana laga dhigay La taliyayaal waa kuwama? Xaabsade iyo Gacamay, wasiiradii Hawlaha Guud iyo Deegaanka.

Isku shaandhayn tii ugu weynayd ee dhacda intii uu Madaxweyne Siilanyo xilka hayay, wali way socotaa…

Filed in: Radio Waaheen

You might like:

Laascaanood oo Noqotay Magaalagada ugu Korontada Jaban Somaliland
Khilaaf la xidhiidha Xajka oo ka dhaxeeya Sucuudiga iyo Qadar
Tixda Miski W. Q: Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed(Gadhweyne)
Ujeedada Safarka Wasiir Ingiriis Ah Oo Maanta Hargeysa Imanaya
Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Xayiradii Ka Qaaday Mareegta Suradnews.Com
Fadhigii Saaka Ee Golaha Wakiilada Oo Kooram La,aan U Furmi Waayey Iyo Xildhibaanada Oo Mar Labaad Fasax La Galiyey

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.