Askarigii weeraray Hubaal oo lagu daray Liiska dadka aan sharciga la horkeenin ee Xukuumadani siyaasadayso

0
137

hubaalMadaxweyne Siilaanyo xukuumaddiisu maxay ka damcday dadka aan sharciga la horgeyn?

Askarigii wargeyska Hubaal weeraray ayaa loo dhaadhiciyay waa hore qolka lagu xareeyo maxaabiista aan Maxkamaddaha la horkeenin ee mudada sanadaha ah ku xidhan Jeelka Hargeysa, kuwaas oo ay xukuumaddu ka gaabsato soo hadal qaadkooda.

Maxaabiista aan sharciga la horkeenin ee xabsiga Hargeysa Liinta ku caba waxa ka mid ah kooxda loo hayo Dilkii Jidka Kalabaydh iyo Dilla u dhaxeeya, kuwaasoo warbixin dhawaan ay soo saartay Hay’adda ka mid ah kuwa Xuquuqal Insaanka Dalku ku  cadaysay in ay Maxkamad la’aan jeelka ku jiraan muddo ku siman sadex sano, taasoo ka soo horjeeda balanqaadkii Madaxweyne Siilaanyo ku sheegay barnaamijkiisii dibu habaynta Garsoorka in dadku sharciga u sinaan doonaan.

Kooxahan loo hayo kiisaska Hubaal iyo Jidka Kalabaydh ayaan la garanayn sababta sharciga loo horgeyn la’yahay maadaama qof kasta oo loo qabto danbi waajib uu qaranka ugu leeyahay ama loogu leeyahay in garsoor la hogeeyo, sida warbixinta hay’adda aynu kor ku soo sheegnay soo saartay muwaadiniintaasi midna may helin.

Hadaba yay saaran tahay masuuliyadda xaqaas ka maqan ama ku maqana Maxaabiistaasi inta aanay Garsoor helin? Jawaabtu waa mid cad waana madaxda qaranka Hogaamisa oo masuul ka ah fulinta sharciga, hadaba maxay u hortaagan yihiin gudashada xilka saaran?

Dadweynuhu in badan bay isweydiiyaan su’aashan hase yeeshee Xukuumaddu ilaa hada jawaab shaafi ah kamay siin, waxaanay taasi dahlisay dareeno kala duwan oo ay dadku ku cabiraan caqliga ilaahay siiyay. Wallow aanay jirin cid shaaca ka qaaday hadana dadka ay dadkoodu maqan yihiin waxay dusha ka saaraan msauuliyadda arrintaasai Xukuumadda.

Reer Awdal dhawr jeer bay ka hadleen, walina waxay Xukuumadda uga fadhiyaan jawaabtii ay u balanqaaday ee ahaa in ay keenayso sharciga hortiisa dadkii laayay dadkooda socdaalka ka ahaa manay iloobin ee Diiwaanka ayay ugu suntan tahay, waanay uga fadhiyaan xukuumadda, Dhiig Bini’aadana ninkii qarsada isagay saaran tahay ilaa maalinta aakhiro.

Wargeyska Hubaal weerarki ku dhacay hadal hayntiisii wali way socotaa bulshada qaybaheeda kala duwana wasiir Duur iyo Taliye Fadal way uga fadhiyaan haddii ay raajiyaan iyo Haddii kaleba, sida ay Reer Awdal u sugayaan Balanqaadkii Duur goorta uu fulinayo, dadkuna damiin maahee waxa badan bay dhawrayaan wallow dhacdadii Xarriirad ay tahay cashar Duur iyo Taliye Fadal wax ugu filan, oo looga fadhiyo inay ku waano qaataan.

Hadaba, su’aasha taala ee looga fadhiyo Xukuumaddu waxa weeyi ma xal baa in maxkamad la’aan dadka Danbiyada loo tuhunsan yahay in ay ku ururiso qol ku yaala Jeelka oo ay xaqoodii iyo xaqii bini’aadamka ku duudsido mise waa inay kala furdaamisaa, oo qof walba xaqiisa siisaa.

Waxa hubaal ah kiisaska aynu kor ku soo sheegnay oo dhan in aanay ahayn kuwo ay xukuumaddu moogtahaye, waa kuwo la mid ah dhaqamada Maamulada Afrika ka taliyaa ka siman yihiin in ay siyaasadeeyaan oo ay sac sacaan si aan loo garan meel loo raaco, iyagoo iska leexinaya tuhumada loo hayo, kuwo ku sii hoos jira oo laga cabsi qabo in ay soo shaac baxaan marka Garsoorka la horkeeno.

Mid ka mid ah maxaabiista dhacdadii Kalabaydh u xidhan oo Wariye ka tirsan waaheen booqday kadib warbixin ay hay’add Xuquuqal Insaanka ka mid ahi ka qortay, ayaa u sheegay sharci la horgeeyo iska daaye sadexda sano ee uu xidhan yahay in aan magaciisa iyo ka Hooyadii mid toona laga qorin.

Maalin dhaweyd waxa Burco madax dhaqameedka kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Maxkamadda sare Yuusuf Ismaaciil oo ka codsanayay in ay kala shaqeeyaan sidii loo dhamayn lahaa Kiisaska Dilka ah ee sanadaha badan Jeelasha ku ragaay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Madaxweyne Siilaanyo waxa la gudboon in aanay maxaabiista ku haynin xabsiyada’e dadka xaqooda u kala qaadaan si ay taariikhda ugu gasho.