DIMASHADA/DHIBTA BORAMA IYO ZEILAC WAA MAAMUL XUMADA SIILAANYO iyo DHAQAN DHAGAREEDKA ISMACIIL CUMAR GHEELE: ISMACIIL TAARIIKHDIISII DHAGARTU WAA SIDAN:

0
119

UBBO  WAYSO  WAAN KUGU ARKAA AGAB SALAADEEDE

EEDAANA  WAAN KAA  MAQLAA  OGAAGTA  WAABARIYE.

ASHAHAADO  BEENLOW  MAXAA AAFFO KUGU AASAN..( Cali Dhuux)

Labada nin ee Ismaciil iyo Siilaanyo siday daka isku tusaan iyo ficilkoodu waa kaaf iyo kala dheeri. Tixdan gabay een hadalka ku bilaabay baa si fiican farta ugu fiiqday. Ismaciil waan nin dhagar la maleego iyo dhiig islaameed dhaqan ka dhigtay. Cagihiisii dhiigga lahaa wuxuu la soo galay waddankeena waxana albaabka ka furay maamul xumada Siilaanyo.  Taariikhdii Ismaciil:

Ismaciil Cumar Gheelle

  • Ismaciil aabbihii wuxuu ahaa askarta awrta saaran ( Ilaalada) French Somaliland
  • 1943 waxa odaygii laga sii daayay askarinimadii waxanu u guuray Ethiopia.
  • Ismaciil dugsi wuxuu ka galay magaalada Diridhaba, Ethiopia.
  • Jabuuti wuxuu ku soo laabtay kii oo shaqo doon ah, hoyadiina waxay ahayd dumarka baayac mushtar ah (shaar shaari).
  • Ciidamada sirta ee gumaysigii Fransiiska ayuu muddo u shaqeeyay
  • Wuxuu ahaa kuwa jabhadihii xorriyada basaasi jiray, marna waxaabu isku rogay double la shaqeeya labad dhinacba.
  • Waa la ogaaday oo shaqadii waa laga eryay waxanu tegay Muqdisho
  • 1975 wuxuu ku soo laabtay Jabuuti oo askarnimadii ku shaqeeyay
  • 1976  wuxuu hubin jiray naagaha xun( Prostitutes) inay kaadhkii caafimaadka soo cusboonaysiiyeen. Marna waaba lagu xidhay markii ay naagi 5000 fran laaluush u calaamadisay booliskand la ballantay.

 

1977 kii waqtigii gobanimada jabuti, Xasan Guled wuxuu madax uga dhigay ciidamada sirta. Muddadaa dad badan oo siyaasad kula tartami lahaa ama ay iska hor yimaadeen baa la dilay isagana loo tiriyaa:

 

1. Geesigii Mohamed Farah (Janale). Habeen baa lowaddo isaga iyo gabdhii martida u haa la dilay.

 

2. Ibrahim Harbi. Wasiirkii daakhiliga oo la sumeeyay

 

3. Dr. Salax Nuur oo ay isaga wada qayilayeen, 9:00 fiidnimana laga soo tuuray dhismihii ay labadoo fadhiyeen (Lamourette residence).
4. November 1990 bomb baa lagu qarxiyay Cafe de paris, Jabuti. Ismaciil u jeedadiisu waxay  ahayd inuu Gadabuursi waddanka cidhiidhi ku geliyo. Rag baddanna wuu ku dilay arrintaa isagoo ka been abuuray. Markii dambe waxa fashiliyay danbi baadheyaal Frasiis iyo dad la talin ula joogay wasaaradda cadaalada ee waddanka

5.19, October 1995, waxa la dilay, jidhkiisiina la gubay la taliye garsoorka waddanka oo ahaa Frasiis, Borrel Bernard. Xaaskii ninkaa Elizabeth Borrel oo garyaqaan ah waxay farta ku  fiiqday sirdoonka waddanka  iyo Ismaciila cumar Ghelle.

6. January 2000,  Waxa danbigaa war cusub ka keenay oo Elizabeth markhaati u noqday nin ciidamadaa madax ka ahaa, Mohamed Salah Aloumekani oo soo magan galay waddanka Belgium.

7. Raggii waddanka hoggaanka u hayay oo ka mid yihiin wasiirkii arrimaha debedda, Bahdon, wasiirkii gudaha shirdoon, wasiirkii Waxbarashada, Ceelaabe, taliyihii ciidamada, Yaabe, wuxuu u qaybiyay wax jeel ku dhintay iyo wax daranyo debedaha ugu dhintay.

8. January 2013, wuxuu cagihii dhiiga laha la soo galay Hargeisa. Wuxuu soo diray Siilaanyo oo dad ku laayay Borama iyo Zeilac.

Dhulka  iyo degaanka Awdal dadku weligood way ogaayeen siday waxa u kala leeyihiibn iyo halkay kala degaan. Layskumana soo xad gudbi jirin.

Ninka maanta damaca geliyay caruurtan aan taaiikh iyo dad midna aqoon, waa Siilaanyo oo hakiyay waqtigii la dhaarin lahaa dadka laga doortay. Waxan aqli ahayn  ula tegay Samaroon, caruurtoodiina ku laayay. Maantana kuwo kale ku dilay Zeilac.

Cawaaqib xumadan waxay ka timid talada xumadiisii hore ee raajisay in la dhaariyo xildhibaanadii laga doortay degmada Zeilac. Arrintaasi waxay marag ka tahay caddaalad darro, fidno abuur, maamul xumo iyo aragti gaaban.

Maamulku waa inuu gartu tallaabu walba wixii ka iman kara. Maamul waxa loo samaystaa inuu dhibta dadka ka hortaago. Wa daawo, ee maaha inuu cudur abuuro.

Dadka waxgaradka ah ee waddankaa deggen waa inay ka hadlaan, iskana qabtaan kooxdan MOORYAANTA ah ee ku xeeran ninka sariirta saaran ee asaasaqay.  Waxay horseed u ah caruur aan waayo arag lahayn oo la wada ogyahay. Kuwo badaw ah, sidaa Muuse Biixi, oo odayga liita ka faaidaysta iyo garaad dumar oo aargoosi ku jira. Intaa waxa u dheer Ismaciil Cumar Ghelle oo Tiisiiba gubay ayaa u soo tafa hatay inuu burburiyo maamulka Somaliland.

Adaa dunida kaligaa leh buu Koofil eersadaye 
Kaskiisaba ma galin wiilalbaa keebka kuu qabane 
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado ( Ismaciil Mire)
 
Osman Elmi elmi1949@hotmail.ca