MIYAANAN XAQ U LAHAYN INAAN NOOLAADO? Hooyo LUUL way noo hagar baxday, Wasiir GARAAD-na wuu na hagardaameeyay!!

0
121

soo qorW/q:C/salaam Carab Nuur

Mid ka Mida Dhalinyarta Xarunta Daryeelka Iyo Dhaqan-calinta Darbi-jiifka.

“Markaan qayrkay gaadhee
Qalinka iyo buuggiyo
Quraanka iyo diintiyo
Tacliintii qudhqudhiyaa
Qolo igu hinaastoo
Iyagoon wax ii qaban
Quruxdayda diido
Qardoofiyo guhaadiyo
Qarribaad u gaysteen
Dad qudhooda ii huray
LUUL ka quudhsanaayow
Qaladkiy dunuubtiyo
Ma qumana xumaantuye
Ha igu guban qiyaamaha.”

Haddii aad tahay qof dhugmo leh, dharaartii alle keenaba dhaayahaagu waxay qabanayaan intaas oo dhacdo. Dhacdooyinka qaarkood inta ay farxad kugu abuurayaan in ka badan ayay kugu dhalinayaan mawjado murugo iy muusanow ah, murugadu waxay holac iyo halase ku hurinaysaa laabtaadii ay awalba waayuhu laciifiyeen. Halka uu muusanowguna rifan iyo lisan ku samaynayo maankaagii ay awelba meheradaha walaacu ka furnaayeen.
Adiga oo dhibtaas qaba, ayaa hadh iy habeen waxa dhinacaaga ka dhacayaan dhacdooyin dhiilo iyo dhakafaar kugu ridaya, markaasaa galgalad mooyiye gam’a laguu diidayaa; soon mooyiye soor lagaa mancinayaa; rafaad mooyiye raaxo lagaaga dhaaranayaa; xaaladaa ba’an ee aan ku jiro kali iguma aha, ee boqolaal aanu isku xarun ku jirno ayaa ila qaba haddii aanay igaba darrayn, waxayse awoodi la’ yihiin erayadii iyo asluubtii ay ku cabiri lahaayeen ciilka iyo caloolyowka ay qabaan.
Hadaba,
Shalay waxaan ahaa darbijiif , waxaan ku daranyaysnaa darbiyada meheradaha iyo dugsiyada suuqa, quudkaygu wuxuu ahaa hanbada huteelada iyo hadhaaga cuntada qashinka la soo raaciyo, mararka qaarna xabagta aan jiidayo ayaa saddexda wakhti ii ahayd quud maalmeed, huggaygu muu ahayn mid cawradayda asturaya ama iga celinaya cadceedda, hoy aan ka dugsado dhaxanta iyo qorraxdana haba sheegin. Furaashkaygu waxa uu ahaa kartoon, go’ayguna wuxuu ahaa bac.
Sida runta ah anigu maan dooran xaaladan kumana faraxsanayn marxaladan aan ku sugnaa markaa, waxayse noqotay ka fursan waa’ waxa xaaladan adag ii sahlay balwada aan isticmaalayay waayo marka aan maandoriyaha xabagta jiido, Adigaaba sheegaya, Hadaan ka u liito ahaa waxaan noqon jiray halyay qarankan aanu la’aantii jireen, mar kale waxaan noqon jiray geesiyaashii qarankan Xoreeyay, Asxaabtayda iyo anigu waxaanu isku tixi jirnay xilal qaran, waxaanu noqon jirnay madaxwayne, ku-xigeenkiisii iy golihiisii wasiirada.
Inta badan anigaa madaxwayne noqon jiray, markaasaan gudoomin jiray shirka golaha wasiiradda, mar kale waxaan badali jiray xubnaha golaha wasiirada, qaar ayaan magacaabi jiray,
Waxaan hogaanka hayaba, hormoodna isku hayst marka ay xabagtu jidhkayga ka baxdo ayay iigu darayd, waxay indhahaygu qaban jireen dad wada labisan, gawaadhi cadcad wata, oo cadaro udgoon soo marsaday, waxay iigu sii darrayd markaan arko wiilal da’dayda ah oo ku labisan shaadhadh cadcad iyo surwaalo madmadow ama kaaki ah, gacantana ku sita buugaag, jeebabkana qalimaan sudhay, markaasaan intaan qiirooda ayaan hadana qaracmi jiray, intaan murugoodo ayaan miyir beeli jiray, waxa maskaxdayda ku soo qulquli jiray boqolaal su’aalood oo aanan jawaab u heli jirin,
Miyaanad xaq u lahayn inaad noolaato? Adiga mee hoygaagii? Meeday haybadaadii? Ma nasiibkaagaa xun mise nasabkaaga? Talow ma sidan ayaad nolosha ku dhamaysan? Miyaydaan illahay u sinanayn kuwan ku hor marmaraya??
Istakhfurullaah!!! Markaan xayndaabkii islaanimo ka bixi gaadho ayaan laabtayda dajiyaa oo aan si hoos ah isku idhaa,
Barribay si uun noqon, saadanbay wax kula qaban.
Anigoo qarqoomo
Waayuhu I qariyoo
Hanbo quudanaayoo
Qarfo seexanaayoo
Qaawanoo hagaasoo
Noloshaba ka quustaa
Rabbi qaadir weeyee
Marw qiimo badaniyo
Hooyo qaaya loo wacan
Ii soo qabaanoo
Qarankoon wax ii qaban
Qalbigeedu ii naxay.

Alle lagama quustee, waxa noo yimid nasri aanu in badan naawilaynay,
Bulshadii aan ka dhashay iyo dawladii xilkaygu saarnaa, muddo badana na dayacday rabbi waa nooga hiiliyay, waxa illaahay noo soo diray, qof jecel inaanu qayrkay gaadhno, oo waliba dhaafno, Anaguna aanu jeclayn waxay nala jeceshahay, Waa Hooyo: Luul Xasan Mataan “ILLAAHAY If iyo Aakhiraba ha Guuleeyee”.
Waxay naga qaaday Darbiyadii, Waxa nala geeyay hoy balaadhan, Bilicsan ,Barwaaqo badanina gudihiisa ka buuxdo,
Hoygan binayntiisa waxa bixiyaya sida la ii bayaamiyay, Shirkadaha wadaniga ah ee Dahabshiil Companay. Telesom, ganacsadaha Wayn ee Maxamed Aw-siciid, Qaar ka Mida Culimada Hargaysa, iyo hablaha qurbo jooga ah ee Reer U.K.
Dhamaantdna waxaanu u haynaa Amaan iyo Abaal aan duugoobayn, Alle agtiisana Ajar iyo Xasanaad badan ayaan uga baryayaaa.
Xarunta waxaanu ku galnay da’yar oo aanu markii hore isku darbi jiif ahayn oo ku dhawaa 250, wiilal iyo gabdhaba lahaa, Intaan Xarunta ku jiray waxay eheladoodu la wareegeen 87 Saaxiibaday, walaalahay iyo Xertaydii ahaa,
Anagu Bulshada Waxaanu kaga wanaagsan nahay Qabyaalad wax la yidhaa ma naqaano, waayo waxaanu nahay Da’yar isku dan ah,oo isku duuban,Qabyaaladna aan waxba u ogayn,
Hadaba waa yaabe maalmihii u danbeeyay ama sanadkii u danbeeyayaba Waxa hagardaamo iyo hadimaba nala daba taagan Wasiirka wasaarada Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Mr.Garaad, oo Maalintii Alle Keenaba Ciidan na dul keenaya,
Cajiib!!!! Talow wasiirku ma waxa uu noo quudhi laayahay nolosha qiimaha leh ee aanu galnay, ma waxa uu jecel yahay in aanu ku noqono noloshii silica iyo darxumada badnayd,
Wasiirku, Danta gaarka ah ee uu wato bal daaha ha nooga qaado ??
Tixdan gabayga ahna waa mid dareenkan ka turjumaysa,

Darbijiifkii liitayee shalay daasadaha haystay
Darxumaduna haysee inaba loo damqani waayay
Gabadhii daryeelkooda iyo dabbartay hawshooda
Duco iyo amaan bay mudnayd doorkan maanta ahe
Iyadoo dadaalkii wadoo daalna lala qaybsan
Oo aynua dufan lagu tuhmiyo deeqi wali gaadhin
Maxaa ubadka diidmada qayaxan saaray digirtooda
Dabka ciidan haystiyo maxaa kaaraha dul geeyay
Darbiyada maxaa loogu dhacay sow daw xumo maaha
Waar ma kala danbayntiibaa luntiyo dawladnimadii
Duulaankuu GARAAD wado maxaa looba dayi waayay
Waxaad uga dan leediin bulshada daaha uga qaada
Dahabshiil, Telesom ilaa Culimadii diinta,
Dugsigay dadwaynuhu dhisteen dawladina caawin
Dan wasiirkan gaar u ah miyaa loo dudumin manta
Mise damac qarsoon baa jiroo daaha laga qaadin

 

W/q:C/salaam Carab Nuur

Mid ka Mida Dhalinyarta Xarunta Daryeelka Iyo Dhaqan-calinta Darbi-jiifka.

 

Daryeel2020@hotmail.com