Mucaaradka Itoobiya oo ku baaqay mudaharaad kale

0
87

Itoobiya(Waaheen) Xisbiga Midnimada , Dimuquraadiyada iyo Cadaaladda Itoobiya (The Unity for Deocracy anad Justice Party) ayaa hadal uu shalay soo saaray ku sheegay inay wadaan qorshayaal ay ku dhigi doonaan mudaharaadyo waaweyn kuwaas oo lagaga soo horjeedo Xisbiga EPRDF ee xukuma dalka Itoobiya.
Dhawaan waxa ay mucaaradka Dalka Itoobiya sameeyee n mudaharaad ay ka soo qayb galeen kumanaan qof, kuwaas oo xukuumadda ugu baaqay in ay samayso isbedelo ka dhan ah siyaasada iyo xuquuqda Aadamaha.
Mudaharaadka ay dhawaan mucaaradku qabteen oo ka dhacay Caasimadda Addis ababa ayaan wax rabshado ah oo iyga iyo xukuumadda dhex mara aan yeelan, kadib markii ay xukuumaddu ka gaabsatay, waxaanu u dhamaaday si nabadgelyo ah.
Mudaharaadkaas ayaa ahaa ki ugu horeeyay ee noociisa ah eek a dhaca dalka Itoobiya, waxaanay dadku ku fasireen sababta uu u qabsoomay mid la xidhiidha siyaasadda Raysal wasaaraha Dalka Itoobiya, taasoo ka dabacsan tii Meles Zenawi.